unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Waxaan Godobteedu Hadhin, Gar Aad Leeduu Og-yahay, Nin Kaaga Masuugay Gole ( daacad Alle Yaqaan)!!

Maxakamadda Somaliland oo ay ka bariiqatay tallo, kana baydhay wixii
ay shaqadeedu ahayd, wuxu yidhi gaariye (INH) ” Waxaa geed lala kacaa,
gankaad tahay eray la da’a, Waxan godobteedu hadhin, gar aad leeduu
og-yahay, nin kaaga masuugay gole, gaf kana bashar baad u tee, hadaad
ka garawdo qalad, gobay caadadeedda tahay” ujeedadda aan u soo qaatay
murtidda sare ku qoran, ee an ku suntay khadka basaliga ah, waxay
tahay, halkii garta loo egmaday, ayaa xaqii guud maroo, runtiiba ka
gaabsadoo, ka gooyey meel aan ahayn, dawladda gacan siiyeyoo, gunadda
bay door bideen, mushahar ay ururisdadaan, waxay saacideen gar-darro,
ummadi way gaasireen, badheedh bay u gees mareen, ka guuxe banaan
cidla’ ah, waxay gooyeen dambabes, iyakoo gabanaaya baa, ayaa
garsoorkii taliyey, waxaa golahii la yidhi, idinku is gar-waaqsadiyo,
waxaan geed lala imanin. hadaba muwaadin, waxan ku dareen siin lahaa,
waxaa la yidhi meel madax ka saraysa oo la salaaxaa ma jirto’e,
maxakamad aan madax banaanayni sidee bay wax u kala saaraysaa? bal ku
darso oo, haddii la isku qabsadao doorashadda, saw noqon mayso meel
iskaga baydh, oo kuwa amarka siiyey hadeer ee yidhi sidaa dhaha,
hadhawna u xeeban mayso.
Gari allay taqaanaa, ee ma taqaano maamul, seedi, sodog, saaxiib, mid
naas keenay iyo mid nikaac keenayba, waase la gees maray, aya-kaase ka
shanlayn, waxa si toos ah uga eexdeen Cabdiraxmaan talyanle, wax yar
baa se u hadhay, intii la odhanaayey kab iyo xaarkeed waa la isku
tuuraa, ee uu waddani qabsanaayey, sidda wax u dhacayaan garsoorkaw ku
waayo arko, dhawaan way ka dareeri doontaan haddii ay cadaaladiinu
sidan tahay, oo kaadhak baa isku rogi doontaan, waxay ahayd in ay dhex
ka noqdaan, laakiin way caydaysteen in ay la safan yihiin Xukuumadda,
ee miyaanay rajo ka sugayn, maamylka la hubo in uu bedeli doono, kaas
oo ah Waddani, weliba waxa u dheer Ganaaxii Illaahay, ee ayaanta
yoomal qiyaame wixii eed ka yimaadda iyo aakhiro waa dumadoodda, beri
Kulmiye dhaafin maayo denbigay cadaaladda ka galeen, ee waxad noqon
doontaan Karis xun idina wax ku li’idin, ee ” fardo Laysu hayo Maxaa
laysugu faanin”
Qodob ka kale een aan ka hadlayaa waxa weeye, Kulmiye wuxu noqday
naf-la-caaridkii la yidhi ” nin daad qaaday waa ku daayey” hore waxad
ula socoteen In goboladda Galbeed ee Saylac, Awdal, Gebilay,
Allay-baday, Abaasiyo, Tog-wajaale ay ugu soo biyo shubteen Waddani,
wixii ka dhacaayeyna waad arkayseen, in askarta Kulmiye kaadh cas
looga soo taagay dhamaantood meelaha aan sare ku soo xusay, Caasimadda
Somaliland-na ay hadda u badan tahay Waddani, oo reerkii uu isku
halaynaayey, Tolaydda lagala dhex ooyaayey ( waa Sacad muuse’e), ay
hadh cad ku yidhaaheen, anaku qabyaalad kuma jirno, oo uf baanu nidhi
kana badheedheen, is wadda casileen xildhibaanaddii deegaanka iyo
baarlamaanku intaba, salaadiintii af buuxa ugu sheegeen kursigani ku
dhaafye maraqa cab Kulmiyaw. Dabeed uu waalwaa-lanaayo Muuse, oo uu
kolba gidaar isku qaadaayo, waxa ku jirey maanso uu tiriyey (IHN)
Qaasim ” Ninka maarmi kari-law, miyirkaad halaysaa, mid-mid kuugu soo
degi, mar kalaad ka sheekayn, macaashkii ad dhigataa, ku muquunin
doonoo, midig-taadda soo geli, aad muudsan doontaa, adigoo miskiin
yara, ee maanta bood-bood” taas oo uu micnaheedu yahay, qof kastaaba
wixii uu dhitaystay buu dhami doonaa, Ina biixina, wuxu u taagan yahay
” Wan Weyni Ilaa La gawraco Indhihiisu Cirka Ma Arkaan” aynu eegno
halka uu ku dambeeyo, ee ay ugu taliso ummadu.
Murti ama maah-maah baa ahayd ” Illhaahaw Gar Eexaad Ha Igaga Tegin,
Aqoona Ha Igu Cadaabine” nin durbaan samadda looga tumayo, meel uu
maraayo is ogayn iyo wuxu samaynaayo, doobta uun ridaya, xumbadana
labadda daan ka saydhaaya, siddii awr qooqan, horuu u yidhi Qaasim “
Suuldaaro waw halis, nimay rag isi seegeene, nin kastoo salaan dheer u
baxay, soo deg baa xigiye, waxan leeyahay kulmiye, tareenkii kursigan
siday wuu kaa tegay, oo kani gelbay ku kale mooyee, waad aragtaa
Goboladdii Galbeed, oo sare baan kugu soo sheegay, wacdarahii uu
muujiyey Waddani, Goboladdii Barina, sidda Togdheer, Daad-madheedh,
Caynaba, Sool, Sanaag, intuba waad daawanayseen. Waxa saaka ugu
dambeeyey, Todoba Xildhibaan oo deegaanka ceerigaabo ah, oo iska
casilay Kulmiye iyo Ucid kuna wareegay Waddani, bishan 24keedana waxa
ku soo biiraaya intii ka hadhay Galbeedka, gaar ahaan Beelihii Sacad
Muuse, ayuub iyo toljeclo, akishe, Kulmiyaw adigaa cirka roob ku og,
hore baa lagaaga yidhi Bali-dhiig, oo hayd bu’dda Kulmiye, weliba
xeraddii Ina-kaahin ” Ka furfuro Kulmiyaw” waxa kaa qabsaday Sool iyo
Sanaag waa marag ma doon, ee indhahaaga baa kuu macalin ah, wax kuu
hadhay ma jiraan, waa lagaa dal doorsaday, maanta lama joogo Juun
2010kii, ee ha ku habsaamin gobol hebel iyo degmo heblaayo baan soo
maray, kuwa kula socdaa waa kuwii khasnadda madhan loogu yimi, wax ay
sheegayaana ma jirto, ummadana kama qarsoona, waxan ku odhan lahaa, ha
ku daba lumin Waddani ee siigadda dib isga taag, calankaaggii wuu
dhacaye., madxnimo kaad dheer ee meel kale ka daydayo.
QORE;- DR daacad Alle Yaqaan
+

Latest News

  • Barmaamij Ku Saabsan Doorka Muslimiinta Marykanka Ku Nool Iyo Arimo Kale
  • Ka Digista Fidnada – Sh Cabdilaahi Barbaraawi
  • Siyaasi Dhoola yare Oo Ka Hadlay Hadallo Ka Soo Yeedhay Taliyayaasha Ciidamada
  • Beelihii Ku Diriray Degaanka Ceelafweyn Oo Kala Qaatay Diyaddii Dadkii Ay Kala Dileen
  • Siyaasiyiin Iyo Odayaal Fariin Culus u Diray Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumada

Latest Articles

  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban
  • Samaale ma wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka yihiin?..WQ Suxufi Maxamed Siciid (Xarrago)
  • Cugasho:Maanso Cusub Oo Tiriyay..Ismaaciil Qorsheel.
  • Toban Qodob oo ku saabsan Columbia iyo One Young World 2017;

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital