unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Hadalka Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia waa farriin culus oo ku wajahan Xaalad-abuurka Xukuumadda Xamar: Ali Xaruuri

 

Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi oo haatan booqasho rasmi ah oo ay dawladda Ethiopia u fidisay ku jooga magaalada Addis ababa, wuxuu la kulmay Ra’iisal-wasaaraha Dalkaasi H.E. Haile Mariam Desalegne. Kulankaa kadib, waxay labada mas’uul wadajir ula hadleen warbaahinta.  Ra’iisal-wasaare Haile Mariam oo markiisa hadlayey ayaa isagu sheegay in ay muhiimad gaar ah siinayaan dhinaca amniga. Wuxuuna taa ku macneeyey in ay rumeysan yihiin in amniga Ethiopia uu yahay amniga Somaliland, sidoo kalena amniga Somaliland uu yahay amniga Ethiopia. Hadalkan ra’iisal-wasaaruhu wuxuu ku soo beegmay xilli ay xasarad ba’ani ka oogan tahay xuduudda Somaliland iyo Somalia.  Sidaa awgeed, tani waa farriin culus oo ku wajahan xaalad-abuurka Somalia, waana dhambaal muujinaya in Ethiopia ay Somaliland hiil iyo hooba la garabtaagan tahay xaalad kasta oo adag. (a friend in need is a friend indeed).

Puntland/Somalia waxay khalad ka fahantay  samirka iyo dulqaadka iyo nabad jacaylka Somaliland.   Somaliland wax baddan bay fursad siisay nabadda iyo deris wanaaggga, haddase waxa ka go’an inay soo afjarto oo ay gaadho xuduuddeeda.  Sheegashada Puntland ee xuduudda issirnimada ku salaysan, gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin.

Qaar ka tirsan shaqaalaha BBC-da Af-Somaliga oo nacayb Somaliland ahi ku jirto ayaa goboladda Bariga Somaliland ku tilmaama dhul lagu muransan yahay (disputed area).  Cidkastaa ha ku biyo cabto, Sool, Sanaag iyo Cayni waxay ka mid yihiin HADDA iyo MUSTAQBALKABA Somaliland.   Khariidadda Jamhuuriyadda Somalilandna waa mid aan waxba laga bedeli karin.  KALLUUN MARBAA LA GAWRACAY.

Hawl-galkan haattan ka socda xadka Somaliland iyo Somalia ma aha RUQAANSI (sidii kuwii hore) ee waa mid RASMI ah.   Digniinta maanta Somaliland waa mid dhab ah oo aan la dhayalsan karin.  MIIDAAMO DHEGO MA LEH HADDUU MALAG DHAWAAQAAYO.  Waxa muuqda ifafaalo aad u xun, ciddii ka dhaga adaygta waxay wajihi doontaa xaalad adag, waxayna la kulmi doontaa guuldarro aanay ka soo waaqsan karin,  “they will be met with fire and fury like the world has never seen”,taas oo keeni karta inay galaafato isla markaana baabi’iso nolosha dad badan.

Ficiladan Xukuumadda Farmaajo waa dhaqanka lagu yaqaanno dawladda fashilka ah ee gabalkeedu sii dhacayo oo shacbiga walaalaha ah QORI DAB AH OO OLOLAYA ISKUGU DHIIBTA.  Waana tallaabada rafashada u dambeysa ee Taliska Naxashka saaran.  NEEF GAWRACANI GEEDO KAMA WAABTO. Dadweynaha Somaliyeed waa qaar garaadkoodu haattan ka koray kana ilbaxay durbaanka dagaal iyo hurrintii colaadda sokeeye ee lagu majaro habaabiyo.

Malaha Farmaajo Meel kale ayaa looga yeedhayaa.   His days are numbered.

Haddii aanay Xukuumadda Muqdisho faraha kala bixin dhiilada iyo xasaradda ay ka abuurayso mandaqadda dagaalka ay ku bilaabawday QOSOLKA hadhaw OOHIN ku dammin kari mayso.   Ogow garoonka lagu dheeli doonaa noqon maayo Tuka-raq iyo Gobolka Sool, balse GAROWE ayaa lagu ciyaari doonaa.  NIMAAN KUU FURI DOONIN YAANU KUU RARIN.

Wa Billaahi Tawfiiq

Qalinkii:  Cali Xaruuri

 

Latest News

  • Daawo:Xukuumada Somaliland Ayan Wali Ka Hadal Xadhiga Sadex Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deganka Odwayne
  • Daawo:Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe Ayaa Deeq Dawo Ah Gaadhsiiyey Cisbitaalka Gobolka
  • Daawo:Madaxwaynaha Somaliland Ayaa Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Urur Gobaleedka EGAD
  • Daawo:Warbixin Nin u Dhashay Dalka Jaban oo saaco ku Taajiray
  • Daawo:Dawlada Qatar Ayaa Somalia Ugu Deeqday Gadiidka Hawgalka Ciidaanka Booliska

Latest Articles

  • Xukuumadan hada jirtaa ma tahay tii ka mira dhalin lahayd wada hadalada Somaliland & somaila. W/Q Maxamed Cismaan
  • Fadeexado Dul Hoganaya Badhasaabka iyo Taliayaha Boliska G.Daadmadheedh
  • Tacsi Tiiraanyo Oo Leh Oo Ku Socda Marxuun Eng.Cabdi Cali Jaamac Oo Ku Geeriyadoy Magaalada Hargaysa.
  • Dallada SSE oo mudnaanta koowaad u aragta isku duubnida iyo wada-jirka ummada reer Somaliland
  • Hadalka Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia waa farriin culus oo ku wajahan Xaalad-abuurka Xukuumadda Xamar: Ali Xaruuri

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital