unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Halista ba’an ee Muqdishooyinka W/Q Yuusuf Garaad

Maaddaama xannibaadda magaalada dul saaran oo marba marka ka dambeysa ka soo dareysay ay hadda mareyso heerkii ay ugu liidatay uguna khatarta badnayd waxaa loo baahan yahay laba.

Maskax aan weerar ku ahayn Dowladda Federaalka iyo tan Gobolka, laakiin soo bandhigta runta isu socodka magaaladooyinka Muqdisho ayaa loo baahan yahay.

Sidoo kale, Dowlad aan iska dhegatirin shacabka, iska-caabbin iyo difaac uun la yuururin ee isku kalsoon oo wax hubsata, xaldoonna ah ayaa iyadana loo baahan yahay.

Muqdisho magaalo ma aha ee waxay noqotay magaalooyin isku ag yaal oo kala xiran. Khatar, xanuun iyo xanaaq is barkaday ayaa dhex jiifa. Xal, waliba dhakhsa ah ayay u baahan tahay.

Valueimpression Placeholder

Xal waa suurta gal haddii la is maqlo, la isku dayo in la is fahmo, ujeeddadana laga wada dhigto in xal la helo.

Madaxda Federaalka iyo xataa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isku Muqdisho shacabka kulama noola, iyaguna isku Muqdisho kuma noola.

Waddo u xiran ayay gawaari xawaareyneysa ku maraan. La iigama sheekeynayo oo Dowladdaan iyo tii ka horreysay iyo waliba mid aad uga sii wada horreysay, waddo xiran oo lagu xawaareynayo waan maray.

Madaxda fuushan baabuurtaa waddada xiran ku xawaareyneysa, xog marka ay u baahdaan waxaa u warrama kuwo u qaba in xaalku caadi yahay ama ayaga oo og dhibka jira haddana aan sheegin sabab kasta ha keentee.

Xataa haddii Madaxda la gaarsiiyo warka, isku mid ma aha wax lagaaga sheekeeyay iyo marka ay adiga ku qabsato.

Dhowr Muqdisho

Waxaan adeegsaday Muqdishooyin, sababta oo ah waddada wadnaha ayaa magaalada u kala qeybisay laba Muqdisho oo aan isu gudbi karin. Gaar ahaan Muqdishada Wadnaha ka sarreysaa aanay u gudbi karin Muqdishada badda ka xigta. Irdaha fara ku tiriska ah ee laga galo ayaa baabuurta iyo dadka wataa telefoonno la taagan yihin si ay ula hadlaan saraakiisha fara ku tiriska ah ee u oggolaan kara in ay Muqdishada kale u tallaabaan.

Iyada oo taasi jirto ayay haddana qeybo badan oo magaalada ahi waxay awalba ahaayeen lama galaan u oodan hey’ado  Dowladda ah, Safaarado, Sharikado iyo ciidammo shisheeye.

Madaxtooyada oo ku oolli jirtay Wardhiigleey, waxay hadda noqotay Jaziirad fideysa oo waxay daafaha la gashay ama ilaaladeeda hordhaca ahi ay jidgooyo ka sameysteen Boondheere, Xamar Weyne, Waaberi iyo Howl Wadaag. Waxayna si joogta ah u naafeysay waddada ugu caansan magaalada, waa Waddada Maka al Mukarrama iyo waddooyin kale oo badan oo ay ka mid tahay Waddada Maxamuud Xarbi.

Shacab iska daa, xataa saraakiisha sare ee booliiska ayaanay u sahlnayn in ay Taliska booliiska tagaan.

Bartamaha Xamar Weyne iyo Shingaanni waxaa ku habsaday, nuurkana ka qaaday labada xeyndaab ee waaweyn ee midna uu ootay Gobolku midna ay ooteen Isbahaysiga Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe. Intuba waxay garan waayeen waddooyinka gaaggaaban ee hor iyo hareera mara in ay dayactiraan. Arrintaasi waxay naafeysay farasmagaalaha Muqidishadii loo yiqiin magaalada hoose.

Isla Xamar Weyne iyo Xamar Jajab waxaa waddada xeebta goostay Isbahaysiga Xabsiga Dhexe iyo Garsoorka, taas oo dhib ka dhigtay in uu dadweynuhu ka adeegto kawaanka kalluunka.

Isbahaysiga Gegida Dayaaradaha iyo duulka Xalane deggan waxaa u xiran aag aan labadaas xero ku koobneyn oo ay ilaaladoodu jidka dhex joogaan Xamar Jajajab, Waaberi iyo Wadajir. Aaggaasi wuxuu aad uga weyn yahay Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood.

Taliska Nabad Sugidda wuxuu Jaziirad ka sameysatay Shibis iyo Cabdalcasiis iyada oo Godka Nabadsugiddana aag dhan u xiran yahay Boondheere dhexdiisa.

Wasaaradaha iyo Safaaradaha qaarkood waxay goosteen waddooyin qaar laga dhex dhisay Ganjeello uu quful saaran yahay.

Tusaaleyaashu intaa ka badan. Laakiin hadda waxaa cusub in isu socodka magaaladu uu qarka u saaran yahay in uu gebi ahaanba xirmo.

Hal Waddo oo Keliya

Saddex waddo oo Number Afar iyo Cabdalcasiis ilaa Kaaraan isku xiri jiray ayaa midkood ay Dowladdu xiratay.

Mid kale dayactir ayaa laga billaabay iyada oo dhiniciisa kale uu xiran yahay. Tusaale Kawaanka Kalluunka waddada tagta dhinac waa ay ka xiran tahay dhinacna dayactir ayaa ka socda. Caqliga Xamar ma qorin marka dhinac laga soo dhisayo dhinaca kale in gaadiidka loo furo.

Haddii aad joogto Xamar Jajab ama Waabberi oo aad u socoto Boondheere ma mari kartid waddada Xeebta oo ah tan aan tilmaamay. Ma mari kartid via Roma, Marwaas iyo Raqeyga oo Gobolka iyo Maaliyadda ayay u xiran yihiin. Ma mari kartid Tiyaatarka oo Madaxtooyada ayuu u xiran yahay.

Isu socodka magaalada ee labada dhinac ee aan tilmaamay wuxuu hadda isugu soo ururay hal waddo oo ciriiri ah, zigzag ah oo marba dhan o leexaneysa, boholo waaweyn leh, qashin badan, aan carfeyn siiba marka roob da’o, gaadiidka magaalada in badan oo ka mid ahina ay isku hor go’an yihiin.

Qeylada, hoonka, khatarta, xanaaqa uu xanuunku keenay oo lagu shaqlay kuleylka qorraxdu ay meel xun marayaan. Waa waddada luuqyada Ceel Gaab iyo Xamar Weyne isaga dusta ee ah waddada keliya ee isku xirta Liido iyo Number Afar iyo inta u dhexeysa.

Sida in aan intaasi ciqaab ugu filneyn, waxaa ku dhex socda shaxaadka, baadda iyo bahdilka goobaha qaar.

Waxaa in badan ka dhasha in ay baabuurtu isku xirmaan oo wakhti badan lagu xannibnaado. Taas oo amniga cid kasta oo waddada ku jirta ama hareera joogta halis ku ah. Sidoo kalena halis u ah in ay magaaladu kala go’do.

Caqligu ma keenin in waddo inta aan la xirin, la is weydiiyo gaadiidkii mari jiray waddada loo duwi karo. Haddii aanay jirin waddo loo duwaana in la is weydiiyo waddada loo furi karo xataa si ku meel gaar ah.

Qiimee Khasaaraha Waddada Xiran

Shacabka magaalada Muqdisho xorriyaddooda dhaqdhaqaaq beri hore ayay oggolaadeen in laga qaado.  Waxay isugu jiraan qaar ku beddeshay rajo ay ka qabaan in amniga la sugo iyo qaar aan ku qancin laakiin garan waayay wax ay awoodaan oo sidaa uga dhib iyo khasaare yar.

Cidi ma xisaabin khasaaraha dhaqaale ee waddooyinka xiran ay sababeen. Lama hubin sida ay u saameeyaan bukaanka iyo dhaawaca doonaya in Isbitaal lala gaaro. Lama oga inta dadka la xannibay ee nooc walba leh carada ay ka qaadeen ee ay Dowladda u qabaan inta ay gaarsiisan tahay.  Lama qiimeyn khasaaraha nooc kasta leh.

La isma weydiin in cabsida intaa le’eg ee nolosha caasmiaddu ay socon la’dahay ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay cid kasta oo cadow ku ah dadweynaha Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Xal waa la heli karaa. Gobolka Banaaddir iyo Dowladda Federaalka oo magaalada kaliya ee aan amarkeeda laga dabahadal ay tahay Muqdisho, waxaa looga baahan yahay in ay xal la yimaadaan ama ay la tashi la sameeyaan dadweynaha Magaalada deggan.

Waxa la yiraahaa marka qof neefta lagu celiyo, wuu illoobaa xuquuqdiisa kale oo dhan. Keliya wuxuu weydiistaa in uu neefsado.

Hadda shacabka Muqdisho waxa keliya oo uu codsanayaa waa waddo uu maro in loo furo.

Waan hubaa in ay jiraan reer Xamar badan oo iga xog ogaalsan, iyaga ayaan u deynayaa wixii kabid ama haddii aan khaldamay sixitaan ah.

Mas’uulka aan ogeyn inta aan sheegay ama shaki uga jiro, isagu ha soo hubsado. Mas’uulka og ama hadda hubsada ee ku qanca oo sidaa ku raalli ah, ma aqaan wax aan u sheego.

Midka aan ku qanacsaneyn, wax ha ka qabto, waxaana hubaal ah in dadweynaha Muqdisho ku-noolka-ah ay qaar badan oo ka mid ahi ay diyaar ula yihiin talo iyo waliba in ay gacan ka geystaan in magaalada laga dhigo mid amniga ilaalisa, lagu noolaado, laguna dhaqmi karo.

W/D: Yuusuf Garaad Cumar

Latest News

  • Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Xabsiga U Taxaabay Laba Masuul Oo Xilal Sarre Haya
  • Nisa Oo Halis Ku Tilmaantay Wariye Ka Hawl Gala Idaacada VOA
  • Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Deynta Laga Cafinayo Soomaaliya Iyo Tallo Oo U Jeediyey Somaliland
  • Puntland oo sheegtay in qof looga shakisan yahay Covid 19 la karantiilay
  • Madaxweyne Amar Ku Bixiyay In la Toogto Qofkii Diida Inuu Gurigiisa Joogo

Latest Articles

  • Xasuuqii Iyo Mar Kale Maya: W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • Maxaa Hargeysa ku soo dabaali kara xayndaabka jamhuuriyah Soomaaliyah?
  • Abiy Iyo Uhuru Waxay U Qaateen In Fikraddii Soomaaliweyn La Dhimatay Burburkii Soomaaliya W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • Cudurka Halista ah ee Corono-Virus oo Saamayn Xooggan ku Yeeshay Hab-nololeedkii Caadiga ahaa ee Bulshooyinka Caalamka
  • Isbedel Geeska Afrika Ka Dhacaa Waa Lama Huraan. Maxaa Uga Meel Yaal Somaliland? W/Q Mustafe Adam

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital