unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

MARKHAAATI. Abwaan: Ibraahim-rashiid Cismaan Guure (aboor).

 

MAHAD  EEBBE  WEEYYAAN
MAR  HADDAY  ABWAANNADII

WEEEDHSAME  MUDDUCCIGII
CABDILLAAHI  MARAG  FURAY
DEEQA  NUUXNA  MURAN-DIID
AMRAN-SHARAF  MUWAAADINA
MILLADDII  GALAYDH  YIDHIY

ANNIGAA  MARKHAATIGA
MUDDAACALIGAN  TUUGGA  AH
MAAANTANA  KU  FURAYYEE

DHEGEEYSTA  MAAANSADAYDAA.

MIIMLEEYDAN  CURISKA  AH
MURTIDEEDU  WAXXAY  TAHAY
MAHURAAN  DALKEENNII
MAAMMUL-XUMADA TAALLIYYO
MUSUQ-MAASUQ  BAAAHIYYO
MUUSANNOOW  QABYAAALADA

INAY  MARAG  KA  REEEBAAN
U  MUUJIYYAAN  DADWEYNAHHA
QARAN  KAA  MUGDIGA  GALAY
MADAX  BANNAAANIDEENNII
MIDNIMADAA  LA  DHAAWACAY
XORNIMADEENNAN  MURANKA AH
MUQDISHONA  KA  GOBOLKA  AH
 

MASIIIBADU  WAXXAY  TAHAY

MADAXWEEYNEHHEENNII
MUDANIHHII  LA  DOOORTAA
MEEESHABA  KA  MAQANOO
KUXIGEENKII  MEE  TOLOW
ISAGUNA  MA  MAAMMULO

KUWAN  MAAANTA  JOOGEE
MIDNA  AAN  LA  DOOORANE

MUNKAR  IYYO  NAKIIREE
MARWADU  AY  U  MADAX  TAHAY

MAANLAAAWE  YAAASHAA

XUKKUNKII  MAROORSADAY

EE  MADAXTOOYADII  DEGEY

 

BUDHCADDAA  MAQIIQANE
MALAFSADAY  DANTII GUUUD
MURAAD  KOODU  WUXXU  YAHAY
MAANDEEQ  INAY  XARAASHAAN
MAALKANA  DHACAANOOY
MANFAC  YAROO  AY  QAAATAAN
MILYANNEER  KU  GAAADHAAN
SHICCIBKANA  MASHQUUSHAAN
BEEENNA  U  MALEEGAAN
DEKEDDIYYO  MADAARKII
MULKIYADDII  WAREEEJOO
WERSHEDIHHII  MAXAAAFSADE
 
MAJARAHHAA  HABOOWSANE
XUKUUUMADDU  MELMELAYSAA
XAAARAANTAY  MIIISTAAN
MAANDHAAFAAN  INAY  TAHAY
MEEELNA  AAN  KASOO  GELIYN
MABAADDI’DII  ISLAAMKIYYO
MADHAXDIYYO   DISTOORKII
MAAMMULKAYNNU  DHISANNIYYO
MURTIDA  XEERARKEENNIYYO
DHAQQAN  KEENNA  MUDANKA AH

MAALKII  BAY  DHACEENOO
MURDIYYOO  DHAQAALII

MARNA  LAMA  XISAAABSHOO
MAAANTADIINA  QADIYYOO
AGOOONTAY   MAKALAYYAAN

DADKUNA  WAA  MADLUUMOO
MUWAADDINKII  MUQUUNSHOO
WERIYYAHHAY   MAXBUUSAAN
MANA  MAQLAAN  WADAADDADA

MUCAARADKAY  XIDHXIDHAYYAAN

 

MAAHMAAH  HORAA  TIDHIY

MILIL  GUUDKII  LAMA  DHAYO
MUDANIYYO  MARWOOY  MAQQAL
MAAMMUL  KEENNA  DAAWADA
MILICSADA  DHAMMAAANTIIIN
WASAAARAD  REERO  LEEYYIIN
HAY’ADO  MATAAANO  AH
MADAXTOOYYO  QOYS IYYO
MILLATERI  QABIIILO  AH
DEREJADAN  MELMELANEE
QOLYO  LAGU  MASRUUUFOO
MUSHAHAARO  LOO  QORAY
MARNA  LOO  SINNAAN  KARIN
MIISAANIYAD  AAN  XISAAAB  LAYN
MADHDHAAFAAN  DADKAYGOOW
WAXXAN  AY  MUTUHIYYEEN
MINISTARKII  LA  KEEENIYYO
MADAXTOOYYADEENNII
MACQUUL  MAAAHA  ILA  EEG
MAQASHAYE  MAXAAD  ODHAN
MAANKAAGA  GARASHADA
MASKAXDAADA  KAAASHOO
ADIGUNA  KA  MAANSOOD.
 
MILICDIYYO   ABAAARAHHA
XOOLEHEENNI  MADHIYAYE
MACALUUSHSHA  GAAAJADA
MAXASTU  AY  BAKHTIYAYSEE
MALAAYIINTA  DOOLLARA
MOOWSHINKII  LA  KEEENOBA
MUDANAYAASHA  LAALUUSH
MARTI  LOOGU  SOOREE
MEEEL-MARI  LA  LEEYYAHAY
MUWAADDIN  WAAD  ARKAYSAA
XAAJADAN  MURKUCATAYE
MUSLINKA  IYYO  GAALADA
MURAN  KEEDU  GAADHAA

LOO  MAARA  WAAAYAA

DOWLADDU  AY  KA  MAAGTAYE

 

FOODKUNA  MA  DHACAYYOO
MAQAARSAARKA  GUUURTIDU
MEHERADDOODA  WEEYYOO
INTAY  MEEESHA  JOOGAAN
MUDDADII  AY  DOOONAAN
MARBA  UGU  KORDHINAYYAAN
MAAALINTA  INTIKHAABKANA
MARSO  WAA  KU  SHUBASHOO
MUDDAAHARAADKA  KII  DHIGA
MILLATERAA  LA  KEEENSADAY
SALDHIG  LAGUGU  MEERSHOO

DADKA  LAGU  MUQUUUNSHOO

AANAD  MADAX  BANNAANAYN.

 

DOORASHAA  MUDDEYSANE
MAAANTA  WAXAAD  U  FOODDAAN
WADDANIGAA  MICIINKA  AH
MAATADIINNA  DHAQAYYEE
MAALKA  AYNNU  LEENAHAY
MADHXINAAYYA  XOOLAHHA
MASLAXADDIINNA  KAA  WADA

MAAMMULKIISU  WACAN  YAHAY.

 

MOOWLOOW  ALLAHAYOOW
MACBUUDKII  NA  UUMOOW
ADAA  NOO  MICIINEE
MAGAN-GELI  DADKAYGOO
MANNADAADA  NAGU  DHAWR.
 

         Dhammaad.

Latest News

  • Qaramada Middobay Oo Soo Saaray Warbixin Ku Saabsan Tiradda Dhimashada Iyo Tacdiyada Ka Dhacay Somaliya.
  • Waxgarad Cambaareeyay Xadhiga Masuul Sare oo Katirsan Wadani Oo Maayirka Berberi Xidhay
  • Madaxweynaha Jabuuti Oo Dhagax Dhigay Wasrshad Cusub Oo Laga Hirgalinayo Magaalada Lake Asal
  • Gollaha Wakiilada Somaliland Oo La Horgeeyay Xeerka Maareynta Degaanka.
  • Ifraax Dhagayare Oo Ka Mid ahayd Ciyaartoygii Hore Togdheer Oo Xanuun Culus U Jiifta Ayaa u Baahaan Caawimo

Latest Articles

  • Maxaa Cashar laga Baran Karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ??.. By: Cali Xaruuri
  • Qormo Kooban Oo Hugotusaale u ah Madaxweynaha La Doortay Mustafe Adam kibaaro@gmail.com
  • FARRIIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY W/Q. Maxammad Saleebaan Cumar
  • Madaxweyne Muusow laba uun Yeel Waad Guulaysane Qalinkii Cabdi Cawiye
  • Booska hebel baan ku socdaa ???? By:Barkhad-ladiif M. Cumar

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital