unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Isbedelka Bariga dhexe iyo Isbedelka Soomaaliland

fari
Bilowgii 1990s waxa Dunida Carabta ka dhacey Arrimo aan hore loo saadaalin oo ugu horreysay Dagaalkii Ciraaq ku qabsatey Waddanka Kuwait waxa xigtey Dagaal Saf ballaadhan ah oo Xulafadii Mareykan hogaaminyey iyo inta badan Dowladaha Carabtu ay ku eekeeyeen Dowladdii Ciraaq ee uu ka talinaye Saddaam Xuseen, haddiiba Kuwait laga saareyna Dagaalku intaa kuma joogsan ilaa Saddaam Xuseen loogu galey God la sheegey inuu ku dhuumaaleysaney waxa ila Xog-ogaal ahi ay sheegaan in bilowgii Dagaalka ay Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ku dhiirri gelisay Saddaam Xuseen in uu Weeraro Kuwait taas oo uu kaga Aar- gudanayey Dibin-daabyooyin oo ka tirsanayey Kuwait intii uu ku foognaa Dagaalkii uu kula jirey Waddanka Iiraan haddaba is-qabqabsigii Dowladaha Carabtii intaa kuma dhammaan waxa uu maalinba meel ka qarxana waxa ay soo gaadhey Maanta in Ammiiraradii ee Khaliijka ay isu biyeystaan waana halkii ugu danbeysay meel bed-qabta Dunida Carabta iyada oo aynu ka dheregsanahey waxa ka dhacey Ciraaq, Suuriya Suudaan Masar iyo in badan oo ka mid ah Dawladihii Carabta, Haddaba waxa iyana intaa Barbar socdey is-marin waa la mid ahaa oo Soomaalida dhexdeeda ka socdey aakhirkiina keentey in Soomaaluland oo 26June1960 ku biirtey Somalia ay Dib ugu dhawaaqdo in ay ka noqotey israacii lixdan kii, In kasta oo Bilowgii Sagaashanaadkii Soomaaliland ay ka dheceen Dagaallo sokeeye oo lagu hoobtey haddana waxa muddo ka dib Soomaaliland ku guuleysatey iney dhistaan Dowlad si dimuqraadiga isugu Wareejiyaan Afar Madax weyne 1:Cabdiraxmaan Axmed Cali
2:Maxamed Ibrahim Cigaal
3:Daahir Riyaale Kaahin
4:Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadda ah Madaxweynaha Soomaaliland.Waxa aynu odhan karnaa waxaa uu Madaxweyne Siilaanyo helay Fursaddii ugu wacneyd  ee Madaxweyne Soomaaliland ahi helo isaga oo la wareegey Dowlad wax kastaa uu dhan-yihiin Parliament,Maxkamado iyo dhammaan Hay adihii Maamulku, Nasiib darro e ma ay noqon sidii la filayey in looga faamiideysto Fursaddaa Dahabiga aheyd iyada oo Sababtana loo aaneynayo in Madaxweynihii la doortey how-gab noqdey Maamulkii Waddkana ay la wareegeen Familygiisa iyo Koox Wasiiro ah oo iyaku qadhaabsi doon ah. Taasina waxa ay Sababtey in ay meesha ka baxaan Haydihii Sharciga sida Parliamentkii Maxkamadihii iyo Guurtidii, Qabyaaladdiina Cirka isku shareerto, Dad weynihiina ay la soo gudboonaato Jaha-wareer Siyaasadeed lana kala garan waayo Cidda dhab ahaan Waddanka xukunta.Ugu danbeyntii iyada oo la saadaalinayo in ay Waddanka doorasho ka dhacdo dabayaaqada Sannadkan 2017 ayaa waxa muuqata in ay adkaan doonto Habsami u socodka doorashooyinka  Asbaabaha aynu kor ku xusneyd owgood
QORE:Ibrahim Diiriye
London:UK

Latest News

  • Daawo : Daawo: Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo Soo Bandhitay Wargeysyadii Dalka Ka Soo Bixi JIray Sagaashameeyadii
  • Daawo: Mashruuc Lagaga Gaashaamanayo Abaaraha Soo Noqnoqda Ayaa Laga Furay Burco
  • Daawo : Qaar Ka Mid Ah Madaxdhaqameedka Iyo Waxgaradka Oo Baaq Nabadeed U Diray Bulsshada Deegaanka Dararwey
  • Daawo: Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Sanaag Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Degaanka Dararweyne
  • Daawo : Muddaharaad Balaadhan oo Ka dhacay Degmada Wadaamago ee Gobolka Saraar

Latest Articles

  • Haddii Calafku Kugu Dhaco u Badalo Midho Macaan…”Sheeko Gaaban:- Saddexdii Beerwale.
  • Baaq Nabadeed ,Colaada Ceelawayn…Aqoonyahan Ahmed jaamac saalax
  • Jaalliyadda ku dhaqan dalka Netherlands waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan
  • Waa Maanso la magac baxday KU-TUNTUUNSO,waxaa tiriyey Abwaan YuusuF Roobleh Xirsi (Sandoon)
  • Maxay kaadhka ku qaataan maba ay qadayne. Q1aad Qalinkii Cabdi Caawiye

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital