unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Sakaatul fidriga oo waxa ay qayb wayn ka noqon kartaa ka soo kabashada dhibaatada abaaraha!Dr. Cabdiqani Xuseen (Beder)

 

Xaaladda abaareed ee wakhtigan laga soo doogay, waxa ay ka tagtay saameyn dhaqaale oo baahsan, waxa hanti beelay boqolaal kun oo qoys oo ku tiirsanaa xoolaha nool iyo falashada beeraha, dadkaasi maanta way fara madhan yihiin, waxa ay u baahan yihiin gacan-qabad iyo dib u xoolayn, maaha dad quudin iyo gunnimo qaxootinnimo ku noolaan kara.

Si ay iskood cagaha isugu taagaan, waxa loo baahan yahay in noloshoodii ay yaqaanneen dib loogu kabkabo oo dib loo xooleeyo.

Sidoo kale dadkii beeralayda ahaa waxay u baahan yihiin in dhulkoodii iyo beerahoodii lagu kaalmeeyo siday dib ugu beeran lahaayeen.

Dadka soomaalidu waa dad ku fiican is gacan qabadka iyo qaraabo xidhiidhinta, abaarihii dhacay waxa ay muujiyeen sida ay dadku isugu tiirsan yihiin, isugu gurmadeen, danqashada,dhibta iyo xanuunkana u wadaagaan.

Ha ahaatee, dhibaatada xanuunka badan ee bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba haysataa waa hogaan xumo, halka ay ka kici la’dahayna waa halkaas.

Haddaba inagoo ku jira bishii barakaysnayd ee Ramadaan, bishii wax bixinta, bishii sakada la bixin jiray, bishii sakaatul fidriga, aan soo jeediyo talooyin wax ka tari kara xaaladahan, laga yaabe inay soo jeedintaydu hesho dhego weeleeya, shaqa geliya oo fikradahan u roga fal lagu badbaado iyo talo ummadeed oo lagu intifaaco.

Laba arrimood oo sharci ah oo la xidhiidha sakada ayaan xalka ka deyayaa, waana:

  • Sakada hantida iyo
  • Sakada nafta (sakaatul fidri)

Sakada labadeeda noocba waa bixin sannadle ah, ta labaad (Sakaatul fidri) waxa ay waajibtaa bisha Ramadaan dhammaadkeeda, ta koowaadna waxa ay waajibta sannadkii hal mar, inta badanna dadku waxa ay la doontaan bisha Ramadaan si ay fadliga wax bixinta ee bishan u helaan.

Haddaba haddii si qorsheysan oo saxan loo bixiyo, loona maareeyo sakada waxa ay tirtiri kartaa faqriga iyo darxumada dhaqaale ee xanuunka badan, qaybo badan oo soomaali ka mid ahna haysata.

Diraaso kooban oo aannu ku qiimaynay xajmiga sako ee ku waajibay – tusaale ahaan – hantiilayaasha Soomaaliland, iyo weliba qaab xisaabeedka iyo hab-maamulka sakadaba, waxa noo soo baxay:

  • Inaan si sax ah oo dhammeystiran sakada ganacsiga kala duwan loo maamulin.
  • In sidoo kale ay jiraan khaladaad sharci iyo kuwo xisaabeed oo la xidhiidha bixinta sakada, hadday tahay cidda la siinayo, qaabka loo siinayo iyo weliba qadarna la bixinayo intaba.
  • Waxa kale oo noo soo baxay in xajmiga maaliyadeed ee sako ahaan u waajibtaa ay aad u badan tahay, isla markaana haddii la qorsheeyo muddo kooban bulshada dhaqaalaheedu ku kobci karo, isla markaana dad badan xaaladda faqri lagaga rari karo, oo sako bixiyayaal loogu gudbin karo.
  • Waxa noo soo baxday in dadka sako bixiyayaalka ahi, ay boqolkiiba 60% ka gaadhayaan bulshada, halkan sako qaatayaashuna ka yihiin 40%, (sako bixiye waxa ugu hooseeya, qofka haysta 40-tanka neefee adhiga ah), waa sako bixiye, inkastoo qaatena uu noqon karo.
  • Qiimayn hordhac ah waxa soo baxday in muddo toban sannadood ka yar saka bixiyayaasha la gaadhsiin karo 90%, halka sako qaatayaashuna noqon karaan 10%.

Arrimahani waxa ay suuro geli karaan oo keliya, goorta la helo, hoggaan ummadeed oo wacyi ahaan soo jeed, xilkasnimo iyo hawlkarna isku darsaday, isla markaana hanta kalsoonida bulshadooda.

Dhinaca kale sakaatul fidrigu waa waajib xiliyeed, waa waajib saaran qofkasta oo buuxiya shuruudahan:

  • Inuu yahay muslim, ha waynaado, ha yaraado, dhedig ama lab ha ahaado.
  • Haysto wax ka badan wuxuu quudan lahaa habeenka ciida iyo maalinteeda.
  • Soo gaadhay bisha ramadaan iyo shahaal, taasoo macnaheedu yahay in laga bixinayo xattaa ilmaha yar ee dhasha saacadda ugu danbeysa Ramadaan soona gaadha habeenka ciidda (Shawaal).

Waxa la bixinayaa waa cuntooyinka lagama maarmaanka ah ee dalka laga isticmaalo, sida Daqiiqda, Galayda, Bariiska iwm.

Sakaatul fidrigu laba ujeeddo ayaa loo sharciyeeyey:

  • inay qofkan bixinaya ka dahirto wixii gef iyo afxumo ahaa ee soonka dhexdiisa ka dhacay, si soonkiisii ugu badbaado uguna dhameystirmo.
  • In maalintaas Ciida ee la faraxsan yahay masaakiinta laga farxiyo si ay muslimiinta faraxadda ula wadaagaan, loona baahitiro.

 

Siday sakaatul fidrigu baahida ka dhalatay abaaraha u daweyn kartaa?

Aan mar kale tusaale u soo qaato Soomaaliland.

Soomaaliland waxa ay sheegtay in dadka soomaaliland u dhashay ee deggani ay gaadhayaan 3.5 milyan qof.

Waxa kale oo hubaal ah inay magaalooyinka waaweyn deggan yihiin dad aan tiradaa hore ku jirin oo deegaammo kale ka yimi, aan ka soo qaado iyagana 0.3 milyan (Saddex boqol oo kun).

Tirada guud waxa ay isku noqonaysaa 3.8 milyan.

Dadkaas haddaynu nidhaahno sakaatul fidrigu waxa ay ku waajibtay 80% ka mid ah- xasuusnow inaynnu soo sheegnay in sakaatul fidrigu ku waajibto qof kasta oo haysta wax dheeraad ka ah inta uu habeenka ciidda iyo maalinteeda cunayo-, waxa inoo soo baxaya dad dhan 3,040,000(Saddex milyan iyo afartan kun oo qof)

Qof kasta waxa ku waajibaya sidaynnu hore u soo xusnay 2.4 Kg.

Haddii aynnu labadaa tiro isku dhufanno waxa inoo soo baxaya = 3,040,000 *2.4 Kg =                                                      7,296,000.00 Kg oo raashin ah.

Aan idhaahdo cuntada dhexdhexaadka ah ee dadku cunaan waxa ugu Daqiiqda, isla iyada ayaan halbeeg ka dhiganayaa.

haddaba, marka aynu xisaabta sare ku hello:  7,296,000.00 Kg oo daqiiq ah, oo u dhiganta = 7,296,000.00/1000 = 7,296.00 Ton.

Si kale haddaan u dhigo aan idhaahdo, waa imisa baahida qoyska dhexdhexaadka ahi uu uga baahan yahay raashinka adag bishiiba- waxaan u jeedaa daqiiqda, hadhuudhka, bariiska, sonkorta iwm-?

Qoyska dhexdhexaadka ah 6 qof, waxa uu u baahan yahay bishiiba ilaa 60 Kg, oo noocyadaas kore u qaybsan.

Haddaba imisa qoys ayuu ku fillaan karaa raashinka dadku bixiyaan bishan ramadaan oo keliya?

Kor waxa aynnu ku sheegnay in dadka sako qaatayaasha ah oo baahidoodu hoosaysaa ay ilaa 40% bulshada ka yihiin, taasoo macnaheedu yahay inay tiro ahaan noqonayaan= 1.4 milyan qof.

Haddaba, hadii tiradaa qoysas u beddello waxa inoo soo baxaya =1,400,000/6 = 233,333 (laba boqol, saddex iyo soddon kun, saddex boqol, saddex iyo soddon qoys)

Tiradaa qoysaska ah ee aynnu xisaabta ku hellay aynnu u qaybinno raashinkii sakaatul fidriga ahaa ee bulshada ku waajibay oo dhammaa = 7,296,000.00/233,333 = 31.27 Kg.

Xisaabtan macnaheedu waxa weeye sakaatul fidriga soomaaliland sida filqan loo bixiyo, haddii si wanaagsan loo maamulo oo qorshe habeysan lagu bixiyo, waxa ay baahida raashinka aasaasiga ah ka dabooli kartaa 1.4 milyan qof, muddo ka badan shan iyo toban maalmood, haddaynu tirada qoysaska ee sakaatul fidriga laga xoolaynayo yareynno oo tiradaa hore ee aynnu soo sheegnay boqolkiiba 30% ka mid ah oo keliya ku aaddinno, waxa inoo soo baxaya=  70,000. Oo qoys.

aynu mar kale u qaybinno sakaatul fidriga waajibay ee soo ururay= 7,296,000.00/70,000= 104.23, qoyskiiba waxa ay helayaan cunto ku filan muddo 50 maalmood ah.

 

Baahida intaas le’eg waxa daboolay waa sakaatul fidriga oo keliya oo si wanaagsan loo maareeyey, sakada hantiduna way ka badan tahay sakaatul fidriga tobannaan jeer.

Haddaba su’aashu waxa ay tahay suuro gal ma tahay:

  • Xukuumadda Soomaaliland oo maanta hoggaankii ummadda ahi ma la iman kartaa qorshe noocan oo kale ah, isla markaana ma dammaano qaadi kartaa hufnaanta-fulineed ee hawshan?.
  • Waxa aan rajaynayaa in Wasaaradda Awqaafta iyo Diiwaanka Sakadu, ay qorshahan ka midho dhalin karaan, haddii ay aqoon ahaan iyo masuuliyad ahaanbaisu diyaariyaan xilkaas, sidoo kale la yimaaddaan qorshe ay ku abuurayaan kalsoonida bulshada, si sakaatul fidriga iyaga loo dhiibo?

 

Waan rajeynayaa in qoraalkaygan koobani uu ku dhaco qalbiyo wax qabad u beddela.

FG: Marka aan soomaaliland xusayo, tusaale ahaan ayuun baan u soo qaatay, ee taladani waa mid ku socota bulshada soomaaliyeed oo dhan, heer qaraabo, qabiil, deegaan, dawlad goboleed iyo mid guud intaba waa loo hirgelin karaa fikirkan.

  • Arrimo adiga kuugu muuqda dhib aan la gaadhi karin ayaa wax sahlan noqon kara haddii——?
  • Fikrado aan qiima buuran kuu lahayn ayaa laga dhalin karaa qorshayaal ummadeed oo dhaxal gal ah, haddii —–?

 

Alle soonka haynaga aqbalo, khayr dhammaantiina hayna waafajiyo.

 

Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammad (Beder)

Beder Institute for Research and Development- BIRD

Hargeysa, 17/06/2017, 22 Ramadaan, 1438 H.

Email: tubtatoosan02@gmail.com

 

 

 

 

 

 

Latest News

  • Barmaamij Ku Saabsan Doorka Muslimiinta Marykanka Ku Nool Iyo Arimo Kale
  • Ka Digista Fidnada – Sh Cabdilaahi Barbaraawi
  • Siyaasi Dhoola yare Oo Ka Hadlay Hadallo Ka Soo Yeedhay Taliyayaasha Ciidamada
  • Beelihii Ku Diriray Degaanka Ceelafweyn Oo Kala Qaatay Diyaddii Dadkii Ay Kala Dileen
  • Siyaasiyiin Iyo Odayaal Fariin Culus u Diray Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumada

Latest Articles

  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban
  • Samaale ma wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka yihiin?..WQ Suxufi Maxamed Siciid (Xarrago)
  • Cugasho:Maanso Cusub Oo Tiriyay..Ismaaciil Qorsheel.
  • Toban Qodob oo ku saabsan Columbia iyo One Young World 2017;

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital