unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Tixda Miski Xasan Ganey Nolosha Dhabta Ah Buu Doortay Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)

 

 

Waxa aan u malaynayaa su’aasha muranka leh ee ugu horrayn, ku soo dhacaysa  dersaha tixda Miski ee Xasan Cabdllaahi “Xasan ganey” waa  qodobka mudanka ah ee ay ku aroorayso.  Xasan tixdan naftiisa ayuu kaga hadalayaa oo duunkiisa, damiirkiisa iyo dadnimadiisa ayuu ka warramaa.  Haddana waayaha ku heeraara iyo awaalaha adduunka bulsho siyaasadeed ee uu marna ku dhexnool yahay, marna qudhahaantiisa debedda ka ah, ayuu hoos u muquurayaa oo uu ina muquurinayaa.  Marka kale na, halganka uu naftiisa la galay, hubka uu ku dirirgalay iyo quwadda uu cuskaday iyo libinta uu haleelay, ayaa ah qodobay tixdu ka hadlayso.  Halka, uu ugu dambayn sahankiisu tegay ee baaqiisu ka yeedhay na waa qodob kale.  Waxaa qodob muuq dheer ah oo si gaar ah kuu dareenjiidanaya ammaanta nabi Maxamed(scws). Sidaa darteed, Miski waa tix wejiyo badan oo adduun balladhan hadba dhinac kaga imanaysa. Dhinacyadaas oo maskaxda akhristaha iyo dhegeystaha ku murmaya ayuu, isla markii,ku shubayaa qaabab farshaxannimo oo maansada Sooomaalida ku hor leh.

Waxaa la igu yidhi waa tix nabi ammaan ah.  Waxaad odhan kartaa waa run. Waa nabi ammaan, hase yeeshee ka badan.  Waxa aad isodhan waa awaalewarran iyo hogatus sugaaneed, waa murti adduun iyo xaaladii ku saabsan.  Ayadu na waa run.  Haddana waxaad tidhaa waa waano iyo wacdi diineed ka digaya maalinta Alle la hortaagan yahay, waana durraamsho Alle dembi dhaaf ka tuugaysa. Waa halka ay tixdu, aakhirka fadhiisanayso oo waa run.  Summadma ayey leedahay oo aynu siinnaa tixdan cajiibk ah?  Intaba u daa.  Haddana intaa uun ma aha.  Dhismaha tixda, qaybaheeda kala toyashada ah iyo sida goongoonida ah ee mid waliba ammaanta nabiga(scws) ugu gororaysa ayaa ugub ah oo aan tixdan looga horraynin.Waxaa raaca qaab hor leh oo fiiro gaar ah mudan.Aynu arrimsahaas u tallaaboqaadno oo mar heer wax yar isdul taagno

Ta u horraysa, Xasan bilowga, ma araranayo ee afaaf sugan buu tixda ka guda gelayaa.  Malaha, rag iyo dumar ba, qof waayaha bulshadiisa jiray oo caroogga suugaanta u siday, ereyga samodoonna aan maalinna dhulka dhigin, asaga oo weli faro madow jooga, haddii uu dhega adayga bulshadiisa ka cawdo, ama ba intiisa sheegto, waa gartii oo layaab ma laha.  Xasan waxa uu tixdiisa ku bilaabay, wax badan oo uu bulshadiisa waano yidhi iyo halka uu maanta ka taagan yahay.  Intaasi waa ka hordhac iyo arar ka duwan tii soojireenka ahayd; waayo,ugu horrayn tixdan, maansoyahanka Xasan Cabdillaahi, waa xasan Ganeye,naftiisa ayuu inagu barayaa.  Isahaantiisa ayuu meel sugan dhigayaa. Asagu dabcan, ma aha geed ka baxayban aan geed kale ku oollin, noole kale na aanu joogin. Waagiisa iyo awaalaha ka jira, shar iyo khayr ba, inta ku hirdamaysa, wax badan buu hordhaca inagu tusayaa.

 

 

Bulshadaan muddo dheer u macallin ahaa

Maansheeyey sidii mahiigaan

Rag maali og baa markaa u cushoo

Miciinkeeda maandhowway necebtoo

Cashuurba mudduu u miisaayoo

Waa kii maskaxdiisa maal siiyoo

Maahmaah ka sameeyey mahadho ahoo

Cabdi baa ku matalay miroodka lo’dee

Hadduu maqalkii musbaar kaga jiro

Milgaha calankiyo midnimada ba

Haddaanay u muuqan maaree.

Qabyaalad masayrtay haw muhatee

Waa kaa muruqoodi maadh ka qadshoo…

 

Hordhaca tixdu halkaas bay ka ambaxaysaa.  Waa runtii oo waxba kuma uu masuugin; Wuxuu se ka cabanayaa oo ayadu na runtii ah, miciinkood-naca ay yahiin; waa dad ay isu beddelayaan kuwo nacabkood ahi oo masayrka qabyaaladeed ku kala maqan oo dal iyo midnimo qaran ba ku seeggan.

 

Nolosha qofka aadanahu, teeda ifka iyo teeda aakhiro ba, waa doorashadiisa xorta ah.  Qof ay hawada naftiisu qaadatay oo hungurigiisa raacay, oo caqligii iyo damiirkii Alle ammaaneeyey, dheg u dhigi waayey, ama ku caasi noqday, noloshii Alle la doonay buu xooray; dhimasho if iyo aakhiroba ah, buu doortay.  Ammaanadii xorriyada doorashada samaha na wuxuu ka doorbiday addoonsiga hawada nafta iyo shaydaanka adeegsada.  Addoonimada sharfani waa ta Alle loo addoon yahay.  Ayadaa na xor lagu yahay oo nolol ah.  Qof aan nolosha aadanaha ku habboon noolayni ma noola; waa bakhti soconaya. Jiritaanka qofka, taas baa dhabaysa.  Qof waliba na asaga ayaa taas iyo sida kale ba, naftiisa u doora.

 

Tixdan Miski, Xasan Cabdillaahi “Xasan Ganey” in uu jiro oo uu nool yahay buu sheetay; xorriyaddii Alle ku mannaystay buu qaatay. Kuwo badan baa, ayaga oo ifka jooga, dhimasho doorta, Xasan in uu if iyo aakhiroba noolaado ayuu ku adkaystay. In badan tixdan macaankeedu halkaas buu ku jiraa.  Bal day sida uu naftiisa u la hadlayo:

 

Mur iyo dacar mowjadaha lidiqa ah

Mabda’aa lagu jabay mashruuca xilka leh

Ruuxii ku milmaa xumaan martiyee

Ha moodin in uu macaash ku jiroo

Intoon dhiig ka miirto maatida

Maryahaan ku tukado marmarin maayee

 

 

Jidiinka madow nafyahay ha maqline….

Tuduc dheer oo labaatan meeris ka badan buu ku talaxtegayaa inta xumo uu qayrkii ku kaco ee dhimashada if iyo aakhiro laga dheefo.  Jidka nolosha dhabta ah ee uu naftiisa u dooray buu

farshaxnimo qarqoorayaa. Waa laba jid oo mid ba miishiisa wax geeyo. Mid sharqabahaa leh oo

naarta ayuu wax geeyaa; ka kale waa jidkii Nabi Maxamed(csws) oo asaga ayaa lagu la rafiiqaa.  Kan dambe ayuu Xasan doortay. Go’aanka xorriyadda iyo nolosha dhabta ah ayuu qaatay.Maalinta ay u daran tahay, in uu maciisa noqdo oo uu xawdkiisa ka cabbo ayuu ka doorbiday, la-moodda ifka lagu hayo.  Asaga oo naftiisa la hadlaya waxa uu leeyahay:

 

Ifka ba maararrowgu waa maalmee

Marinka ha ka tegin la mahadinayoo

Jannadaa malab iyo macaan badan lehe

Maalintay darantee miciinka dhabta ah

Mursalkii Alle doortay oo Maxamed ah

In aan madashaas maciisa noqodoon

Xawdkiisa maggaabso ka ma maarmarmee…..

 

Sibiq iyo si ma-garato ah ayey tixdu nabi ammaan ugu siibaynaysaa.  Doorashada ereyada suugaaneed iyo suuradinta hummaagyada uu agaabaynayo, ayaa gaar u suntaya nabi ammaakan.  Farshaxannimadii Xasan Ganey lagu ogaa, waxa ay soo ururinaysaa intii Soomaalidu bilic dabeecadeed iyo tu duunyo iyo uduggeed taaqaannay.  Adiga oo isla baraad la’ ayaad ku hambaberaysaa ammaanta Nabi Maxamed(CSWS).  Waxa uu ku soo hoorinayaa oo aad wax walba kuillaabaysaa:

 

Shan kastoy marsadaan malyuun cadarro ah

Intaasu madad iyo marqaan ma lahee

Waxaan marag iyo markhaati ka ahay

Macbuudkaa ka abuuray maawaradoo

Udgoon aan maydhmin Maxamed baa helay.

 

Si kale ayuu u geeddi gelinayaa tixda.  Kartida halabuurka cabqariga ahi xeerar iyo xuduudo jiraybay marar badan jebisaa.  Quwadda hibada ayaa hoggaamisa oo u tallaabisa hirar aan qofka kutalo-galkiisa ahayn.  Ma filayo Xasan Cabdillaahi “Xasan ganey” in uu u hankaabsay oo ku fikiray dhisidda suuro suryaali ah oo suugaaneed.  Bal ma filayo in uu xataa magaca surealism maqlay.  Ayada oo sidaa ah, hadda na waxa uu ballaysimay oo aan looga horrayn, habdhismeed farshaxannimo suugaaneed, oo wejigaas leh ama salsallaawaya.

 

Weligeedba suugaanta Soomaalidu way taqaannay qofayn ama wax aan dad ahayn oo laga hadliyo.  Oollinta lama-taabtaanku na kama  wada maqnayn.  Maahmaahda tidhaa “Illayn” ama

 

 

 

“illeen talo isu ma kaa sheegto” ayaa u tusaale ah oo taladii ayey ka dhigeen wax nool oo meeljoog leh oo hadlaya.  Wax badan oo ah habardugaag hadlaya oo sida dadka u dhaqmaya, ayaa suugaanta Soomaalida ka buuxa.  Xasan Ganey, sida ay ila tahay, tan horteed ba, dheeraad buu taas ku lahaa.  Weliba asagu kama hadlin oo keli ah ee ma-noolaha wuu ba la hadlay.  Tusaale ahaan, tixdiisaDhegdheer(1982kii), geedka dhillowyanka oo ay suugaanta Soomaalidu, badi ba ugu sarbeebato deriskunoolnimo, toos buu u la hadayaa oo waxa uu ku odhnayaa:

 

Adigu na dhillowyahan

Dhirta aad ku marantahay

Dhaqan la ma wadaagtide

Haddaad xididdo dheertahay

Dhoobadaa Ilaahay

Rarka meel ad dhigatiyo

Dharroor maad ka daydayan?!

 

Tusaale kale oo kooban na, tixdiisa Carceer, waxa uu la hadlayaa ma-noolaha ceeryaamada oo uu leeyahay waxa aad quudhsatay cadceed aad dhulka iskaga gudbtay, ka dibna aad wax isku moodday.Wuxuu yidhi:

 

Qorraxda ceeryaamoyahay,

Canaanta u jeedisaa;

Cadceedda dulmaa qarshee,

Ciirow waa baa caddaan.

 

Duurxulka afartan meeris, waxa uu dhacayaa cid uun been wax isku moodday; waa se meel aynaan hadda u dan lahayn oo intaas u dhaafi mayno.  Ma se cusba oo Xasan iyo qarkiiba ka hadliye mayeedhaanka, noole iyo manoole ba; halkanse asagu waa uu la hadalay.  Tixdan Miski waxa jira hirkicimo suugaaneed oo aan labadaas midna ahayn, Xasan na aan looga horrayn.  Waxa uu goob iyo gelbis isugu keenay midabbobadan oo ah cadrado hablood,  midkood waliba na ay meesheeda u goonid ah ku qurux leeedahay. Waxa uu ku gaafayaa daruuraha cirka iyo xiddigaha; waxa uu ka arbaynayaa dayaxa oo guurumeer ah.  Hasaawaha iyo deexashada midda uu ka calmado, ayuu uga sii xiisayaa oo uu gaashaynayaa. Waa la hashiiyey oo aroos aan meher iyo macsi mid na lahayn, la na muraad seegin, baa u dhacaya oo waa lagu reeyey. Maxfalkeeda ayeynudaawanaynaa. Xiddigah ayaa ka milxiisaya oo arooska ka mashxaradaya; daruuraha ayaa gelbinayaa oo onkodka ayaa muusigga u tumaya.  Waxa uu Xasan ina soo hordhigayaa oo aynu ku ashqaraaraynnaa gaafaan suuro gudban ah oo aynu kadaawanayno adduun ka koobmadabbaaldeg midabbo ah:

 

Dayaxooy soddon midab macsuumeen oo;

Daruuro malaasan meegaartoo

 

 

Caddaan u muquurtay maariinoo,

Maydhaan ku sameeyey muuqiiyoo,

Miskeed yidhi sagal macaan badanoo,

Mareego ku yeeshay madaxii iyo

Miliilicay maydal qoor dheer oo

Cagaar magansaday mucda u galay oo,

maamuusay madow qardhaaso leh oo

Ximir aan iska maydhin caad miray iyo

Mataano yihiin mascideed oo

Maalay iyo xaydh mullaaxsaday oo

Maslaxanaaya dhiin masayr galay oo

Mukhayntii ka yeeshay maasha Alloo

Cawlaan la madaystay xoosh makaloo

Muquunshay intaanu moos odhan oo

Mudkiyo isku loohay maydhaqa oo

Ka milicsaday meel agtiisa ah iyo

Sugul u majeertay mee yidhioo

Casuus ka maqnayd u muhanaayoo

Meehaahay intuu ku maaxdumayoo

Jeegaan isku maray macawiso leh….

 

Sida uu u wado, ayuu sowsaba iyo samada ina la korayaa. Mar qudha ayuu ina soo dejinayaa. Adduunkii quruxda, waxa uu haddda, ku soo hoorinayaa ammaanta nabi Maxamed(scws). Inta uumar keli ah kaa dhexqaado gaafaantii ahayd quruxda midabbada, gelbiskii dayaxa, daruuraha iyo xiddigaha, ayuu ammaanta Nabiga (csws) kor kaga  keenayaa.

 

Shantooy muunaddaas indhuhu mahadshaan

Intaasu madad iyo marqaan ma lahee

Waxaan marag iyo markhaati ka ahay

Mudanow nebigaa ka muuq dheer.

 

Gaafada dabbaaldegga abuurta Alle; dayaxa guurdoonka ah, daruuraha iyo xiddigaha, onkodka iyo hillaaca iyo hablaha midabbada ahi, sidee ugu soo dhaceen maansoyahanka Xasan? Muran ma laha oo tan oo kale waa wax ka soo hinqada wacyiga duunka hoose ama shishe ee kartida halabuuraha cabqariga ah. Waa sawirro meel fog laga male-awaalo oo aan dad badan laga helin; halabuurrada fanku na aanay, awood ahaan, ka sinnayn.   Waxa ay u badan tahay in aanu Xasan war ka haynin dugsiga fanka ee suryaaliga la yidhaahdo(Surealism). Ayada oo sidaas ah, haddana Xasan Cabdillaahi, kartida hummaagaynta cabqariga ah ayaa hoggaamisay oo ka keentay suuraymahaas maan-daalidka ah.

 

 

 

Hadda na,mar kale, tixda Miski waa tan oo waa Nebi Ammaan.  Tuducyaas dheer bay uga gudbaysaa habeenkii Nebi Maxamed(scws) loo dheelmay samada. Habeenkii Maqdis la geeyey iyo geenyadii qaadday;  derajada sarraysa ee Alle u deeqay iyo risaaladda lagu sharfay.

 

Quraankoo mucjiso ah ayuu mulkiyoo

Maskaxdii dunidoo masuulka runta ah

U macallin ah meyti iyo xay

Mowlahaa kor u qaaday magaciisoo

Waxaan marag iyo markhaati ka ahay

Makhluuqa in uu u mudanyahay….

Xasan Cabdillaahi”Xasan Ganey”, maansada Miski waxa uu ku soo goynayaa duco qalbiga qofkii Alle yaqaan, ku dhegaysa; duco runtii mudan in korka laga qabto.  Waxa uu ducadiisa ka ambaqaadayaa sifaynta maaalinta Qiyaamaha ee Alle hortii la taaganyahay.  In badan baynu maqallay sifaalaheeda; se maansaynta Xasan baa soo dhaweynaysa oo ku dhex geynaysa maalintaas iyo xaaldda lagu suganyahay.  Maxsharka la tubanyahay; muddugga qaawan ee la wada yahay; maalqabeen iyo mucsur, madax iyo minjo, milicda la wada tuban yahay, surmiga iyo gaajada laga simanyahay; maalinta ay xubnaha jidhku mudduci noqonayaan ee naf iyo wax ay mudan maaliggu uun ogyahay, maalintaas ayuu Xasan xusayaa oo Alle, sidan u baryayaa:

Macbuudka Alle an magansanayow

In kastoon Maka iyo Madiina ba tegey

Faralka ka maqnaan maskiiddada oo

Soonka na ku mitido markaan ladanahay

Sakada ku masuugin maalhayn

Ma moogi in aan madmadow badanoo

Miciinkaagu waa mid mowjadahoo

Addoon ku martiyey mindhaa ma qadee

Dembigaannu maleegnay naga maydhoo

Dhammaan muslimiinta maamuusoo

Jannadaada macaan ha noo miyin.

 

Tixdu guud ahaan, fartii Xasan Ganey bay leedahay. Ereyga iyo suuradaha hummaagga toolmoon iyo toyashada murtida mugga leh; shareereyaasha duurxulk fog leh iyo shubaalinta hadalka inta ba, dhiskii maansada Xasan Ganey ku goonida ahayd, bay tixidani wadataa.  Waxaa si gaar ah tixdan u sii astaynayaa oo ayadana maansada Xasan lagu yaqaan, sunsuminta sadarrada tixda ee uu, sida goonida ah ugu adeejiyo xidhiidhiyeyaasha hadalka, sida“iyo, ee, oo”.  Xidhiidhiyeyaashanu tebinta macnaha sadarrada iyo tuducyada tixda ayey sululuxiyaan oo ay bilciyaan.  Maansada Xasan Ganey baa, si gaarah,  ugu suntan taas oo lagu yaqaan.

 

 

 

Ugu dambayn,waxaynu hore u nidhi tixdan Miski,tauu Xasan qofnimadiisa u dooray buu ina soo

hordhigayaa.  Daw cusub buu maansadanmariyey,waa na jid uu maansoyahanka kasta oo kale na uu wax ku tusayo.Waxaa se weeye, soojireenkii maansada Soomaalida, gabayguwaxa uu ku caan ahaa arar iyo dhextaal uu maansoyahanku isku faaniyo, qaayaha tixdiisana ku buunbuuniyo.  In kasta oo aan isla-weynida la ammaani jirin, hadda na dhaqan bay ahayd oo gabaygaaga lagu ma qoonsan jirin.  Xasan Cabdillaahi “ Xasan Ganey” tixdiisan Miski, doorashadiisa nolosha, if iyo aakhiroba ah, ayuu jid hor leh u furayaa. Dawga dadnimada ku wacan buu qaaday.  Sidaa darteed waxa uu ka xiidhiidh-goostay oo ku falaagoobay jidraacii naftii-hafarka ahaa ee lagu ogaa maansoyahanka Soomaalida. Alle iyo aadamiga ba wuu isu dhuldhigayaa oo kartiisa iyo murtidiisa ba wuu yaraysanayaa. Badweynta tixdiisan Miski oo aanan runtii, garanayn mid la agdhigo, waxa uu inooga dhigayaa bilaale.  Waxa la yaab leh sida ay u kala fogyahiin tixdan iyo tilmaanta Xasan naftiisa ka bixinayaa.   Murti la tirshaba qayrkii baa iska leh; asagu se tiisa waxa uu ku sheegayaa luggooyo. Tusaale ahaan, maahmaahahan soo socda oo aanan runtii garanaynin -qurux iyo murti- wax loo dhigo,ayuu ujeeddada quudhsiga naftiisa ugu soo araranyaa:

 

Masalo adag oo mihaajka ku taal;

Marsada cilmiga ah muftaa furfura.

Marwadii fiican baa majeero geyda.

Hashii mohollinaa martida deeqda.

Soorta na milixdaa macaanaysa.

Rag baa maaxda oo mataano roga.

Suugaanta mugga weyn in baa murtisee;

Anigu ma aqaan murtida la tirshee;

Shantayda midh waan mutuhinaayee;

Maansada aan luggooyo miimka ah.

 

Isdiiddada murtida culus ee maansadan Miski iyo heerka isdhuldhigga curiyaha Xasan Ganey, ayaa maansada sii qurxinaya, asaga nakor u qaadaya oo haybad iyo sharaf huwinaya.Mar ba si buu ugu imanayaa saddexda sadar ama meeris ee dhextaalka ugu dambeeya. Mar walba na si gooni ah buu kuu ashaqaraar gelinayaa.

 

If iyo aakhiro ba Xasan Xaaji Cabdillaahi”Xasan Ganey” nolosha dhabta buu doortay oo uu inoo doorayaa; waayoo qofkeen walba faldhaqankiisu waa baaq uu cid wal ugu yeedhayo oo farayo in uu yeelo sida uu yeelay.  Tixdan ayada ah, Xasan waxa uu sheegtay xornimo; waayo, loo ma doorin ee asagaa ku go’aan qaatay xornimada aadami lagu yahay.  Waa jidka Alle loogu addoon yahay ee qayrkii na lagaga xor yahay.

 

W.Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi X . Axmed(Rashiid Gadhweyne)

August 14, 2017

 

Latest News

  • Barmaamij Ku Saabsan Doorka Muslimiinta Marykanka Ku Nool Iyo Arimo Kale
  • Ka Digista Fidnada – Sh Cabdilaahi Barbaraawi
  • Siyaasi Dhoola yare Oo Ka Hadlay Hadallo Ka Soo Yeedhay Taliyayaasha Ciidamada
  • Beelihii Ku Diriray Degaanka Ceelafweyn Oo Kala Qaatay Diyaddii Dadkii Ay Kala Dileen
  • Siyaasiyiin Iyo Odayaal Fariin Culus u Diray Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumada

Latest Articles

  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban
  • Samaale ma wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka yihiin?..WQ Suxufi Maxamed Siciid (Xarrago)
  • Cugasho:Maanso Cusub Oo Tiriyay..Ismaaciil Qorsheel.
  • Toban Qodob oo ku saabsan Columbia iyo One Young World 2017;

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital