unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

AQOONSIGA JAMHURIYADA SOMALILAND WAXA UU DAN U YAHAY GUUD AHAAN ADUUN WEYNAHA W/Q Muhamed Dhimbiil

AQOONSIGA JAMHURIYADA SOMALILAND WAXA UU DAN U YAHAY GUUD AHAAN ADUUN WEYNAHA MARKA AAD EEGTO DURUUFAHA GOBOLKA GEESKA AFRICA 28KII SANADOOD EE UGU DAMBEEYEY !!

Siyaasadii Arimaha dibada Somaliland halkay maraysaa intii Xukuumadihii kulmiye dalka maamulayeen ?
Wadamada iyo Ururada aduunku maxay ugu cadaalad sameyn waayeen Somaliland iyo Somalia?
Xukuumadii uu hogaaminayey halgamaagii iyo ruug cadaagii daalay ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa ay wax ka badashay shuruucdii dalka u taalay ee xaga siyaasada Somaliland iyo Somalia , waxaana ay qaadatay dariiq kale oo ay ku waajahayso siyaasada ictiraaf raadinta iyo aqoonsiga Somaliland kaasi oo ay u aragtay marka aynu xaga niyadsamida ka eegno in Somaliland iyo Somalia oo wadahadla ay fursad dhow oo aqoonsi u noqon karto Somaliland.
Haseyeeshee waxa aanay kaba fikirin dawlad Somalia la yidhaahdaa ma jirtaa , hadii ay jirto wadahadalka aad la furtaan muxuu midho dhali doonaa , dabcan waxa ay ahayd siyaasad aduunkuna dabada ka riixayey oo dhaqaale badan lagu bixiyey waana sababihii marqudha loo mal-malay siyaasadii arimaha dibada Somaliland oo aan awal ku xidhnayn wadamada carbeed isla markaana ay ka xidhnayd in Somalia wadahadal lala galo.
Markii aan raadiyey siyaasada Somaliland ee arimaha dibadu sababta aanay xiligaa hore u danaynayn wadamada carabta ayaa waxa aan ogaaday in wadamada carabtu ay dhagaha ka fureysteen qadiyada Somaliland iyo Somalia oo laba dal kala noqdaa , iyaga oo laba sababood ay kalifayeen oo kala ahaa wadamada carabta oo ay haystaan hogaamiyeyaal iyo boqoro talada intooda badani awood ku haystaan dalwalbana ay jiraan dad diidan maamulkiisa oo ay wado ku furi doonto iyo Somalia oo ay u arkayeen dal dawlado shisheeye kala goynayaan iyaga oo Ethiopia farta ku godaya iyo wadamada reer galbeedka.
Dawladaha carabtu waxa ay iska indho tireen in Somaliland iyo Somalia ay ahaayeen laba dal oo hore isugu biiray , waxa kale oo ay iska indho tireen waxii dhibaatooyin iyo xasuuq burbur naf iyo maalba lahaa loogu gaystay dawladnimadii Somalia dadka reer Somaliland oo waxa ay duudsiyeen gar iyo xaq ay lahaayeen dadka Jamhuriyada Somaliland oo mudnayd in la dhagaysto loogana garaabo si loo heli karo xal .
Haddaba wadahadaladii Somaliland iyo Somalia maxay dhaleen , yaa ka faaiidey , yaa ku khasaaray maxaa laga baran karaa , iyo su’aalo badan oo kale waxa ay jawaabahoogu noqonayaan sida tan .
Wadahadaladaasi waxa ku faaiidey dawlada Somalia ee aan Muqdisho wada maamulin oo kaga baxday dawladii ku meelgaadhka ahayd , waxa ay heshay aqoonsi dawladii Jamhuriyadii Somalia lahayd waxaana magaalada Muqdisho u soo guuray safaaradihii aduunka oo dhan , waxaa loo ogolaaday in ay isticmaasho meeqaamkii iyo magacii Jamhuriyadii Somalia iyada oo meel kale iska daaye magaalada Muqdisho maamuli kari la .
Arimahani Somaliland waxa ay gaadhsiiyeen dhaawac wayn oo aanay ilaa maanta ka soo kaban , heshiisyadii lawada galay waa la fulin kari waayey waxaana wax waliba ku socdeen sida ay jeceshahay maamulka VillaSomalia dhex fadhiya , khiyaamada Somaliland ku dhacday waxaa kow ka ahaa dawladaha dhex-dhexaadinayey wadahadalku waxa ay ahasteen qaar aan arimaha Somaliland iyo Somalia dhex ka noqon karin oo dhinaca Somalia u badan , waxaana ugu horeysa dawlada Turkey.
Halkaa marka ay marayso ayaa siyaasadihii Gobolka Geeska Africa iyo tii khaleejka carabta iyo guud ahaan siyaasada aduunka isbadelo waaweyni ku dhaceen , waxaana abuurmay xulafooyin iyo dano siyaasadeed dhaqaale iyo ciidan , waxaa soo baxay laba xulafo oo dhinac ay hogaaminayeen Turkeyga iyo Qatar dhinaca kalena Saudi Arabia iyo imaaraatka Carabtu kuwaasi ayaanay arimihii Somaliland iyo Somalia ku dhex milmeen , Somaliland waxa ay si aan gabasho lahayn ula safatay dawladaha S.Arabia iyo UAE halka Somalia  u janjeedhsantay Turkey iyo Qatar , waxaa iyaguna bilaabmay tartanka dhaqaalaha ee reer Bariga Aduunka iyo reer Galbeedka Aduunku Afrika ku kala hororsanayaan.
Markii intaasi dhacday ayaa waxa gobolka Geeska Africa ka dhacay isbadel siyaasadeed saameyn weyn yeeshay oo uu hogaaminayey Abiyi Ahmed Ali raisal wasaaraha dalka Ethiopia kaasi oo soo af jaray kala colaadihii Ethiopia iyo Erateria , iskuna xilqaamay in uu siyaasadihii ku dhisnaa colaadaha iyo cadaawaha guunka ah nabad iyo isku-furnaan wax wada qabsi iyo horumar lagu badelo , waxaana uu socdaal ku tagey wadamada Masar , Sudan , iyo Somalia/Muqdisho oo uu u bandhigey siyaasada uu wato , aadna waa loogu riyaaqay xiligaasi.
Isbadelka dambe muu noqon mid niyadsamidii Abiy Ahmed iyo qorshayaashaasii sidii uu dardarta u lahaa u hanaqaada , sababaha ugu waaweyni waxa ay ahaayeen waxa uu iska indho tiray xaqiiqada Gobolka Geeska Africa ka jirta oo Somaliland iyo Djibouti oo labaduba dawladiisa muhiim u ahaayeen ayuu indhaha ka laliyey taasina waxa ay dhashay in uu guuleysan waayo dardartii uu waday oo hadii la rabo in Geeska Africa wax noqdo marka hore waa in la dhameeyaa caqabadaha jira oo dhan sida qadiyada Somaliland iyo  Somalia , ishaynta iyo khilaafka Djibouti iyo Erateria , Somalia nabadeynteeda iyo culaysyada siyaasadeed ee Ethiopia gudaheega ka jira.
Haddaba ilaa maanta waxa dawlado iyo ururo badani dedaal ugu jiraan Somaliland iyo Somalia wadahadalkooda iyaga oo dhamaantood Somaliland oo 28 sano dawlad ahayd is maamushay oo dhul iyo bad iyo cirba xadkeedu yahay mid nabdoon oo aduunyada iyo Geeska Africa ba ku reeyey ay ka xagliyeen oo aqoonsadeen dawlad aan magaalada Muqdisho maamulin , taasina ay gef ku tahay dadka iyo dawlada Jamhuriyada Somaliland .
Qadiyada Somaliland iyo Somalia dhextaalaa waa mid sharci oo la rabo in midowga Afrika AU , uu ixtiraamo shuruucda uu ku dhisan yahay isla markaana uu isku xilsaaro sidii uu miiska wadahadalka ugu furi lahaa Somaliland iyo Somalia , waayo waa hawl ay leeyihiin , cidii kale ee aduunka kale danaynaysaana ay u daba fadhiistaan Ururka Midowga Afrika ee AU oo isaga la xoojiyo si xal waara looga gaadho arinkan.
Somaliland oo aqoonsi heshaa waxa ay dan u tahay aduunka oo dhan sababaha ugu waaweyni waa goobta ay ku taallo , Somaliland marin-biyoodka Badacas ee aduunka ahmiyada weyn u leh waxa ay xad badeed u leedahay 900km oo wax yar dhiman oo nabadgalyadeeda ay ilaalisaa iyada oo aan caawimo dheeraad ahna cid kale ka helin , waxa ay xad dheer la leedahay dalka Ethiopia oo xadkaasi ay Somaliland kaga beegan tahay nabadgalyo kaga ladey , waxa ay xad la leedahay Djibouti oo iyaduna sidaasi oo kale nabad galyo kaga noolaata dhinaca Somaliland ka xigto , Somaliland waxa ay xad la leedahay Somalia oo ay aad isaga ilaaliso in dhibaatooyinka ka dhacaya Somalia  ka soo gudbaan , iyo in aanay Somaliland argagixisadu u soo dhuuman iyaga oo hore weeraro ugu soo qaaday Somaliland.
Hadii aduunku dhayalsado arimahani Somaliland iyo Somalia waxa ay khatar ku yihiin guud ahaan aduun weynaha iyo Gobolka Geeska Africa oo laga yaabo isaga oo awalba dib u dhac weyni ku jiray in uu dib u dhac dhibaatooyin dib loogu laabto , markaa waxa haboon in dawladaha jaararka ay yihiin Somaliland iyo Somalia iyo kuwa aduunkuba ay galaan hawlaha lagu kala furdaaminayo Somaliland iyo Somalia .
Muhamed Dhimbiil
hormood@hotmail.com
+252634429221

Latest News

  • Gebilay: Diwaan Gelinta Codbixiyayaasha Oo Bilaabmatay
  • Shirka Dib U Habaynta Iyo Tayaynta Shaqaalaha Oo Hargeysa Ka Furmay
  • Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Habka Fogaan Araga Kaga Qayb Galay Shirka Qurba-Joogta Somalida
  • “Qorshaha Diwaan Gelinta Waa Inay Ka Faa’ideystaan Gobolada Darafyada” Wasiir Ku Xigeenka Gaadiidka
  • Xildhibaanada Golaha Guurtida Oo Mooshin Ka Gudbiyay UNDP

Latest Articles

  • Xaalada Reer Falastiin Iyo Israa,iil Halkee Ku DambaynDoontaa ?..Muxamed Dhimbiil
  • Cali Khaliif Galaydh Miyaanu Ahayn Muwaadin Somaliland u Dhashay?
  • Hadalkii Buuni Ee Jawaabta Maxamuud xaashi Waxa Uu Isoo xasuusiyay Silsiladii Guba. W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geeddi
  • Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • Sheekh Maxamed oo baraarujiyey arrimaha qofka diintiisa islaamka ugu sugmayso.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital