unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Maansada ..Ahmed M. Adam (Doob baje) Toronto, Canada

Waxaa baraha bulshada iga soo gaadhay qoraal yar oo maad iyo xifaale ahaa, halkudhegiisu ahaa waa maxay dariska laga bartay Doorashadii Madaxwaynaha?

Markaan akhriyay, waxaa igu soo dhacday hees kaftan iyo maad noqon karta. Waxa kasoo daba dhacay firkarka ah, malaa hees kaftan ah, waxaa ka haboon mid murti iyo waxsan sheega ah. Waafaqsan Kalmadii Dayibka ahayd Rasuulkeena Maxamed tilmaamay. Heestaasi waa tan:

Inuu Daayinkeen kun كن yidhi,
Dameerahu waylo dhali,
Daaqada Ictiraafku yaal,

Dariska maanta weeye ee
Ku duug qalinkoo ogow!

Inuu Daayinkeen kun كن yidhi,
oo ay Duniduba isrogi,
Dalkaas Dimuqraadiga ah,
Ayaa duudsiyay la odhan?

Dariska maanta weeye ee,
Ku duug qalinkoo ogow!

Inuu Muuse dawada sido,
Duraygaba saarilayd,
Qabyaalada doorin layd,
Dadkeenu walaalo noqon,

Dariska maanta weeye ee,
Ku duug qalinkoo ogow!

Dalkeenu inuu hormari,
Durdurka Nicmadiisu badan,
Ilaa Daaliyo Jifadda (Jifo Micidheer),
Buuraha dahab soocan noqon,

Dariska maanta weeye ee,
Ku duug qalinkoo ogow!

Inuu Daayinkeen kun كن odhan,
Inuu dalabkiisa fulo
Dunida kaligiis xukumo
Daacadi ma hungowdo yidhi,

Dubaaqaaga gali, Adeer
Taasoon dafiraad lahayn!

Somaliland Ha Jirto, oo ha joogto, ilal Abid….. Aamiin

Ahmed M. Adam (Doob baje)
Toronto, Canada

E-mail: ahmedm.adam@yahoo.com

Latest News

  • Daahir Riyaale Oo Khudbad Tariikhiya Ka Jeediyay Munaasibadda 18-May
  • Khudabadii Madaxwayne Biixi ee sanad guurada 18may
  • Prof Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Munaasiadda 18- May
  • Gudoomiyaha Golaha Guurtida JSL Oo Ka Hadlay Colaadda Ceel Afwayn
  • Ambassadorka Ethiopia u qaabilsan Somaliland oo ka hadlay 18 May

Latest Articles

  • SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’ AH. W.Q Liibaan Shaadiro Qaybtii Labaad
  • TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 22` aad .
  • Xasuustayda Weedho Kooban Oo AHN.Maxamed Nuur Giriig Ka Yidhi Sahra Axmed Jaamac: Q.2aad…
  • Muxuu yahay qorsha-hawleedka hayada Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyada Somaliland??
  • Taariikh Nololeedkiisii: Godka Lagu JanneeHoygiisi Buu Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) Tagee Duco Ku Sii Hooya.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital