unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Shaqo la’aan Mise Shaqaale la’aan? Shaqo Abuur !Adam Nokia

Lack of jobs or lack of skilled labour?  job creation !

shaqo la’aan mise shaqaale la’aan?  shaqo abuur  !

“shaqo la’aan badan baa jirta”   Saylici

“shaqadu waa buuxdaa”  Wasiirka shaqada.          by   Adam Nokia

Dhallinyarada iyo dad badan oo kale ayaa shaqo la’aani haysaa,waxaa ku soo biiray reer miyigii oo caydhoobay,waxay maraysaa xaggee loo irkadaa? xagga Rabbi haloo cararo.

Arrinta shaqo-abuurku wax culus maaha,qof kastaaana si fudud ayuu shaqo u heli karaa(skilled or not skilled) waxa keliya ee hortagani waa maamul xumo u baahan in la saxo iyo shacab khaldan oo u baahan in la toosiyo (inta maanku gaajaysan yahay guuli waa weli)hadrawi” ma is weydiisay maxay beeruhu u tanaadi waayeen? waxay waayeen dawlad u ilaalisa suuqa wax soo saarkoodana la habaysa .mase is weydiisay maxay warshaduhu u xidhmaan? dadkeena qaarkoodana warshadahoodi uga dhisteen Cumman,Dubai iyo meelo kale? soo baadha, ma is  weydiisay sababta loo shaqaalysiiyo qof aan aqoon lahayn oo shaqada curyaaminaya iyadoo kii professional-ka ahaa joogo,malaa waa naas nuujin ama dammaanad la’aan.

ma is weydiisay maxaa musuqmaasuqa inna daba dhigay ?

yuusuf shaacir ayaa laga hayaa “dadka intii xumayd ayaa active ah” waa xaqiiq intii xumayd ee jirrida ahayd ayaa iska dhigtay hogaamiye qabiil iyo madax dawlo,dadkii waxtarka lahaana geeskaa lagu feedhay,haddii wanaag la rabo dadkeeda ayaa la doonaa.

“Degmadaan ku noolahay nin dillaala mooyee,nin daryeel yidhaahdaa dulli buu nool yahay”Gaariye/gadhle

shaqo-abuurka waxaa hirgelinaya caddaalad-abuur,maamul-wanaag iyo caqli-wanaag.

Haddii wasiirku ka meeraysto runta,xukuumadduna indhaha ka qarsato dadweynuhuna daawadaan xaaladda,waxba isma beddelayaan,xukuumad kastoo timaadaaana halkaasay ka sii wadaysaa maamul xumada,waxaa ugu daran in badan oo kamida qolyaha gacanta ku haya mashaariicda shaqo abuurka inay  khiyaameeyaan dhallinyarada waqti badana ka lumayaan iyagoo aan waxba u kordhinayn kuna maaweeliya xirfad ayaan idin baraynaa.

Jaamacadaha waxaa kasoo baxaya arday badan oo nadiifa (bright) ka fayow qabyaalad belwad,fadhiidh iyo jahli diimeed laakiin waxaa horyaala caqabado badan (challenges) waxaa kow ka ah maamul xumo dawladeed iyo maskax xumo shacab,dhallinyaradaasi waxay samaysan karaan shaqooyin waxay,waayeen sharci iyo xukuumad dammaanad qaada in aan laga jiidhin,ama ahluxal wal caqdi damaanad qaada candhona waa xubine.

Dhallinta waxaan kula talinayaa shaqo kasta oo aad qaban kartaan haka xishoonina waa sharaf,shaqadu nooc ay tahayba,aqoontana sii kordhiya,qofnimadiina(identity) ilaashada,qofnimadaadu waxay ka mid tahay CV-gaaga,caalamka qofka shaqada soo doonta waxaa la eegaa muuqaalkiisa, ka warran hadaad jeegada xiiran tahay ama surwaalku kaa sii dhacayo,albaabka lagaa furi maayo,weliba waa laguu haynayaa weligaa (recording) waa ninkii berigii aan aragnay ayaa lagu odhan.

farajullaahu qariib hadaynu is beddelo  Rabbi ayaa xaladaha beddeli.

wacyi gelintana yaan la joojin dad badan oo wax qori jiray ama hadli jiray ayaa aamusay

Adam  Nokia

Latest News

  • Komishanka Oo Wax Ka Badel Ku Sameeyay Jadwalkii Ololaha Doorashada
  • Daawo: Isku soo bixii Taageerayaasha Xisbiga Wadani Burco
  • Madaxda Ciidanka Malatariga Somaliya Iyo Kuwa Amison oo Kulan Ay yeesheen kaga Hadlay Iskaashiga Labada Ciidan
  • Daawo: Xisbiga Wadani oo Isusoobixii ugu Baladhnaa Ka Dhigay Hargaysa.
  • Daawo: Aqoonyahan Mustafe Martin Oo Qiimeynku Sameeyay Doodii Sadexda Musharax ee Xisbiyada

Latest Articles

  • Wasiir Cali Marexaan Waxa ku Waajib ah,inuu Xaal Ka Bixiyo Arrintii Foosha Xumay
  • Muj Ahmed Mire oo tacsi u diraaya qoyskii iyo shicibka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum C/raxmaan Maxamed Maxamuud Talyanle
  • Oromada Miyaa Laga Barakiciyay Somaliland Mise Dalkoodii Ayaa Lagu Ceshay?
  • Ma Dhabaa Inuu Muuse oo kaligii ah uu ka soo Dagay garoonka diyaarahada magaalada hargeysa +Cidna Soo dhaween Iyo Xogaha Duwaan W/Q faarax jaamac
  • Oromada iyo Soomaalida Qaad wax ka weyn ayaa ka dhexeyaa!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital