unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Khilaafka Carabta ka Dhex taagan Wuxuu Guul u Noqday Israel. InDhihii Caalamkuna Waxay Ka Jeesteen Shacbiga Dulman Ee Reer Falastiin W/Q :Garaad Salebaan

Dhawaanahan Waxa Aad loola Socday khilaafka Ka dhex curtay wadamada Carabta oo uu Maraykanku Dabada kariixayo Siday Aaminsanyihiin in badan oo ka tirsan Dadka indho indheeya siyaasadaha Caalamku Hadaba Waxa Is Waydiin Leh Muxuu Khilaafkani Kusoo Kordhin Karaa Faa’iido Maraykanka iyo Xulufadiisa ?

Sida laga wada dheregsanyahay ninkan hogaanka u qabtay dalka Maraykanka oo loo Nisbeeyo inuu yahay Shakhsi Aad u Neceb dadka Muslinka Ah ayaa Siyaasadiisa ay Ka Mid tahay in La wiiqo Awooda Dalalka Carabta iyo sidii  Israel Awoodeedu ugu sii dhex kobci Lahayd Dhulkay Xooga Kaga Haystaan Shacbiga Reer Falastiin Hadaba socdaalkii Uu Dhawaan Ku yimi Jasiirada Carabta Donld Trump Ayaa U jeedkiisu Ahaa Sidii Uu U sii Xoojin Lahaa Awooda Amar kutaaglayn Ee uu Ku leeyahay Maraykanku Bariga Dhexe Isagoo Ka faa’iidaysanaya Boqorada Ka taliya Sucuudiga oo Iska dhaadhiciya Sida Muuqata Horana U qaata Amarka Kaga Yimaada Reer Galbeedka.Maraykanku isagoo ka faa’iidaysanaya Boqortooyadaa Dalka Saudiga oo Saamayn wayn Ku leh wadamada Caalamul islaam Ayuu intabadan Ku Maaweeliyaa inuu yahay Saaxiibka ugu wayn ee Uu Ku leeyahay Mandaqada Bariga Dhexe Hadaba Khilaafkan Cusubi Wuxuu Guul Wayn U soo Hoyn Karaa Maraykanka Xag Dhaqaale iyo Xag diblomaasiyadeedba iyadoo Durba Qatar Ay Hub Balaayiin Doolar Ah Ka Dalbatay Maraykanka Hubkan Oo Tayadiisa Aan La Hubin Karin Sidoo Kale Waxa Arinkani Guul u Yahay Saaxiibka Ugu Wayn Ee Maraykanku Ku Leeyahay Gobolkaa Ee Israel Oo intabadan Indhihii Caalamku Ay Kasii Jeesteen Sidoo kale Wadamadii Carabta ee Hadal hayn jiray dhulka Reer Falastiin Ayaa Ay Culaysiyeen Xaaladaha lasoo Gudboonaaday ee Ay Ka Midyihiin Khilaafyadan cusub iyo Amni darrada Ka taagan Wadamada Qaar Ee Ay Dhaleen Kacdoonadii Hore U Aafeeyay Oo Dhamaantood uu Reer Galbeedku unkay Si Uu Caalamka U jiho Wareeriyo Danihiisana Si Fudud Ugu Gaadho Isku Soo Duubo Israel waa Ay Ka Nasatay Culaysyadii iyo Cambaarayntii Kaga iman jiray Meelo Badan.   Boqorada kaligood taliyayaasha Ah ee Saudiga oo Dhextaal u Noqday Sallaan Lagu AF gembiyo Wadamo Badan Ayaa Aaminsan Hadii Garabkooda Uu Maraykanku Ka baxo In Amni darro iyo xaalado Ugub Ahi LA soo Gudboonaan doonaan Wadankooda Waxayna Cidlo Kaga Tageen Shacbiga Dulman ee Reer Falastiin .Khilaafkan Horta Leh Ayaa Hadii LA Soo AF Jari Waayo Raad Xun Kaga Tegi Doono Caalamul islaam Taasoo Sii XooJin Doonta Dhabada Maanta Caalamku Cagta Saaray

Latest News

  • Daawo : Daawo: Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo Soo Bandhitay Wargeysyadii Dalka Ka Soo Bixi JIray Sagaashameeyadii
  • Daawo: Mashruuc Lagaga Gaashaamanayo Abaaraha Soo Noqnoqda Ayaa Laga Furay Burco
  • Daawo : Qaar Ka Mid Ah Madaxdhaqameedka Iyo Waxgaradka Oo Baaq Nabadeed U Diray Bulsshada Deegaanka Dararwey
  • Daawo: Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Sanaag Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Degaanka Dararweyne
  • Daawo : Muddaharaad Balaadhan oo Ka dhacay Degmada Wadaamago ee Gobolka Saraar

Latest Articles

  • Haddii Calafku Kugu Dhaco u Badalo Midho Macaan…”Sheeko Gaaban:- Saddexdii Beerwale.
  • Baaq Nabadeed ,Colaada Ceelawayn…Aqoonyahan Ahmed jaamac saalax
  • Jaalliyadda ku dhaqan dalka Netherlands waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan
  • Waa Maanso la magac baxday KU-TUNTUUNSO,waxaa tiriyey Abwaan YuusuF Roobleh Xirsi (Sandoon)
  • Maxay kaadhka ku qaataan maba ay qadayne. Q1aad Qalinkii Cabdi Caawiye

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital