unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Isu eekaanshaha Axmed Cabdi Godane iyo sayid Maxamed Cabdulle Xassan .W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

  • ​Wakhti aad u badan ayaan ka fikirayey in aan qalinka u qaato qoraal aan ugu talagalay in aan bal garashadayda aan is-barbar dhig ku sameeyo isu ekaanshaha iiga muuqday hawlgaladii siyasadedeed ,dagaal iyo fikir ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Sheekh Axmed Cabdi Godane labadaba Alle haw naxariistee.Waxaa laga yabaa in ay dad badani layaabaan ama ay u-qaadanwaa iyo anfariir ku noqoto in aan labadan nin ama labadan sheekh aan idhaahdee ay waxbadan isaga shabahaan, isla markaana ay u arkaan dadka qaarkii in labadan nin ay kala fadli badan yihiim ama ay kal mujaahid sanyihiin.

    Hadii aan guda galo waxyaabaha aan isleeyahay labada nin way isaga eekaadeen, ama aan idhaahdo waaba ay iska shabahaan ,waxaa u horaynaaya dhinaca raadinta isku xukunka Diinta Islaamka iyo in uu midkastaaba uu qabay fikir odhanaaya in uu noqdo mujaahidkii ama madaxwaynahii Islaamka ahaa ee Somali u talin lahaa.

    Waxyabaha kale ee ay labada nin iskaga midka ahayeen waxaa ka mid ahaa ,in midkasta oo iyaga ka midii uu raadinaayey Imaarad ama dawlad islaami ah oo uu madaxwayne ka noqodo,isaga oo u maraayey siyaasad kasta oo markaasi uu isleeyahay waxa ay kuu fudaydinaysaa in aad hadafkaagaasi gaadho.

    Dad badan ayaa waxa ay ku kala afkaar duwan yihiin Marxuumintan iyaga ah,dadka qaar ayaa waxa ay aamin sanyihiin in Darwiishkii Ina Cabdulle Xassan uu kaligii leeyahay Mujaahid nimada iyo magaca Gaal la dagaalanka, isla markaana uu ahaa ninkii isaga iyo kooxdiisu ay la dagaalantay Ingiriiska,balse waxa laga yaaba in Axmed Cabdi Godane ay u yaqanaan dadkaasi in uu ahaa nin laayey dad Somali ah isla markaana gumaaday dad Muslimiin ah.

    Fikraadaasi waxa jira dad iyagu kasoo horjeeda oo aaminsan in Ina Cabdulle Xassan uu ahaa nin ku gabanaaya shaadh diimeed isla markaana gumaaday maalkoodana dhacay qabaa’il badan oo Somaliyeed sida lagu hayo tariikhda dhaw ee Sayidka .

    Marka aad maqasho Sayid Maxamed qabaa’il Somaliyeed ayuu la dagaalamay,waxaa dadka badankiisa markaaba kusoo dhacaysa in qabaa’ilka uu la dagaalamay ay ahayeen qabiilka Isaaqa oo uu sayidku ku tuhmaayey in ay Ingiriiska la jiraan,balse taasi maaha fikir sax ah.Sayid Muxamed qabaa’ilada Somalida ee uu la colaytamay waa ay badnayeen ,waxaana ka mid ahaa Majeerteen oo uu dagaal ba’an la galay ,Ogadeen ,Warsangale iyo Dhulbahantaha laftiisa oo la sheego qaar ka midii in ay fikirkiisa kasoo horjeesteen.

    Hadaba Sayid Maxamed Cabdille Xasan bolawgii halgankiisa waxa uu ka bilaabay Somaliland oo wakhtigaasi uu haystay Ingiriisku,waana mida fursada iyo jaaniska u siisay in uu ka fikiro isaga iyo Xarakadiisii Saalixiyaduba in ay Somaliland gudaheeda ka aas-aasaan kooxdineedkii uu Sayidku madaxda ka ahaa ee la magac baxay Daraawiish.

    Sayidku isaga oo dadka Somalida ah u tilmaamaaya gumaysi nacaybka,diidaayana in dhul Somali leedahay uu gumaysi gaal ahi joogo ,ayaa waxa uu fursan u helay in uu dadkii isaga raacsanaa gumaysi diid ku dagaal galiyo,taasi oo keentay in uu si dhakhsaa u sameeyo ciidamo isaga taabacsan.

    Sidoo kale Axmed Cabdi Godane waxa uu isaguna ka hawl galay koonfurta Somaliya dhamaanteed, waxa uu awood iyo laxaad ku yeeshay inta ay Gaalkacayo oo Puntiland ku taala ay usii koonayso Kismaayana ugu baalayso.

    Axmad cabdi Godane isaga oo aan u dhalan goboladaasi koonfurta,ayaa hadana waxa uu fursad iyo jaanis u helay in uu hogaamiyo xarakada Al-Shabaab taasi oo la odhan karo waxa ay gacanta ku dhigtay dhamaan dhulkaasi baaxada leh,isaga oo guubaabadiisa ama halku dhigiisuna uu ahaa in uu ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay in uu kasaaro,sida Xabashida,Keenyaanka,Ugaandha,Burundhi iyo dawladaha kalee ee iyaguna bahwadaagta la ah sida maraykan iwm.

    Darawiishtii ina Cabdulle iyo Axmad Godane waxa ay isaga eekaayeen hadafka guud ee ay dadka ku dagaal galinayeen kaasoo ahaa **Jihaad iyo Gumaysi diid ,waxaana la odhan karaa waa midka labadoodaba fursadaha iyo jaaniska siisay.

    Hadii aad labada ninba aad u fiirsato halku dhigyadii iyo gabayadii ay ku dagaal galinayeen dadka, waxaa kuu muuqanaysa oo aan la dafiri karin in noocmaa jihaad uu u eekaan karo waxbadan oo halgan koodaasi ka mid ahaa.

    Axmed Godane isaga oo cabiraaya in uu yahay nin Ilahay dartii u dagalamaaya,waxa uu gabay ku yidhi isaga oo la dardaarmaaya ciidankiisii Al-shabaab:

    Niman yahaw Gantaalaha subkee ,gamaska dhiigeeyey.

    Niman yahay galka iyo Seefta yidhi,gees u kala leexda.

    Niman yahay sidii Awr Gurgura Caynku go’i waayey.

    Niman yahaw garbaha buuxsadee raray gardaadkooda.

    Niman yahaw gudoodiga barte garaw lasoo jeedka.

    Niman yahay habeenkii gudee Guura bahaleeyey-

    Hadaydaan aduunyadan gilgilin xilli ma guureene

    Intaad gawracdeen iyo intii goobo lagu layey.

    Garba duub intaad ugu xidheen gararka liilaysan.

    Way galabsadeen ciilka ay golongol tiiceene.

    Gubniyada lasoo daadshay ee gaatan cararaaya.

    Gurmad raabe-raabe iyo col iyo guuto iyo guuto.

    Wixii gaasas soo degay wixii geesh is-daba joogay.

    Ee Tirada ay gaadhayaan ruuxna garan waayey

    Laf galuuban mooyee hadaan goosan laga haynin.

    Diyaaraadka gawdaa hayee iyo galawda baaruuda.

    Dababaadka goobyaanayee guruda loo buuxshay.

    Galayaxa isdhaafiyo hugta iyo guuxa iyo reenka.

    Hub wixii gaalaa baxay hadaan meelna lagu gaadhin.

    Gocasha iyo guhaad male wixii guud ahaan lumay.

    Gabaygani waxa uu ku tusinayaa sida uu Axmed Cabdi Godane u tirtir-siinaayey ama uu u guubaabinaayey cidankisii,isaga oo ku amanaaya sida geesinimada leh ee ay ula dagalameen cadawga.

    Isla sidaasi oo kale ayaa uu Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ciidankiisii Daraawiishka uu ahaa mid niyada ugu dhisa gabayo,gabaygan waxaa ka muuqanaysa in qabiilka Majeerteen ee reer Khalaf ay la dagalameen kadibna ay layaan,arintaas awadeed ayuu Sayidku isaga oo ku faraxsan Darawiishna ku amaanaaya ka tiriyey Gabaygan:

    Awel maanso waataan dayacay, dow aan mariyaaye

    Warka xalayto dooxada Jednugul1, daan walba u raacay

    Oo ay dabayluhu sideen, waa ku diirsadaye

    Waa kii Darwiishkii kufriga, nooga soo digaye

    Sidii geel darmeed bay farduhu, docadoceeyeene

    Digdigtii rasaastii sidii, duur u ololeysey

    Guga daatay reer Khalaf inuu, daaqo laga waaye

    Danab baa ku dhacay reerihii, dayrta noo faqaye

    Candhadogoble3 goortaan dillaa, roobkii noo da’aye

    Waatay inay naga darmaan, damacsanaayeene

    Dambarkeedii hele xaajaday, naga daboosheene

    dukhuumada tashaday naarta waa, loo dawarayaaye

    Dige-dheere iyo Jaamac ways, daba gelaayaane

    Daa’imow Allahayow adaa, duulka naga saaray.

    Waxyabaha kale ee ay aadka iskaga midka ahayeen waxaa ka mida in labaduba dadka Somalida ah isla markaana Muslimiinta ah ee halgankooda kasoo horjeeda midkastaaba waxa uu u yaqaanay in uu yahay nin ridoobay,waana mida keenaysay in uu midkastaaba dhaco maalkooda iyo hantidooda cida ay u arkaan in ay uga hiilinayaan cida ay dagaalka markaasi kula jiraan oo ay u arkayeen in ay gaalo yihiin.

    Hadii aad u fiirsato ama aad dhinac kale ka eegto,waxa kuu cadaanaysa in labaduba ay gaalo la dagalamayeen waa marka loo eego Ingiriiska oo Sayidku la dagalamaayey iyo Axmed Godame oo la dagalamaayey Itobiya ,Ugaandha iwm,balse hadana iyada oo ay sidaasi tahay cida kaliya ee ay labaduba gumaadka ba-an u gaysteen waxa uu ahaa Somalidii Muslimka ahayd.

    Ina Cabdulle Xasan waxaa uu umada u sheegi jiray in dagaalkiisu ku wajahan yahay Ingiriiska iyo gumaysi diidka,balse hadana isaga oo umadii uu markaasi la deganaa aan kala tashan dawladnimada Islaamka ah ee uu ku naaloonaayey,ayaa markii ay kasoo horjeesteen waxa uu saaray xukun odhanaaya waa gaalo raacyo,waana mida keentay in uu maalkooda iyo naftoodaba ku banaysto.

    Gabaygani waxa uu ku tusinayaa sida qabaa’ilka Somalida uu u kala qaaday,iyada oo uu qaarna soo dhawaystay markuu dantiisa ka arkay qaarna uu fogeeyay,waakan isaga oo dadkii isku midka ahaa qaybqaybinaaya.

    Hawa beena Soomalidaa, hadafka raacdaa leh

    Hadal ruma Daraawiishta iyo, weli hanuunaa leh

    Ragga diinta hooyga u noqdiyo, hanad Shirshooraa leh

    Hulqihii dad bari soo baxshiyo, hoogay dumar baa leh

    Wixii habar Majeerteen iyo, halamash naagaa leh

    Xaar laysku heylaamiyiyo, halalac Mooraa leh

    Hammuunaan damayn iyo hunguri, lala hadaqaayo

    Handadka iyo heemada markuu, hadawga leefayo

    Warsengaligu haybtuu yihiyo, horor dugaag baa leh.

    Sidoo kale ayuu Axmed Godane dawladii ku meelgaadhka ahayd ee uu la dagalamaayey waxa uu u arkaayey in ay yihiin niman rodoobay waana midda keentay in shacbigii somaliyeed lagu gumaado iyada oo loo aanaynaayo in ay garab iyo gaashaanba u yihiin dawlada.

    Sayid Maxamed waxa uu ahaa nin kooxdiisa darawiishtu ay aad uga cabsato,waxa uu ahaa nin cida markaasi uu geeska galiyo ka takhalusa naftana dhaafiya oo aan u eegin sheekh iyo shariif,waxa uu ahaa nin dad badan oo dhulkii uu haystay degenaa ay cabsidiisa uga soo haajireen kuwaasi uu usoo firdhaday deeganadii isaga dagaalku uu ka dhaxeeyey.

    Axmed Cabdi Godane sidaasi oo kale waxa uu ahaa nin laga cabsado isla markaana ay adag tahay in awaamiirta iyo go’aanadiisa laga horyimaado waana mida keentay in uu ka takhaluso saxiibkisii qaaliga ahaa Sh Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad(Ibrahim Afgaan) markii ay fikirka ku heshiin waayeen.

    Waxyaabaha ay labada nin iskaga midka ahayeen waxaa ka mida,may ahayn niman ogolaada waxa loo yaqaano dooda iyo iswaydaarsiga afkaarta,waxa kaloo ay iskaga mid ahayeen ad-adayga iyo qalafsanaanta midkastaaba waxa uu jeclaa in taladiisa iyo go’aankiisa cida diidaa ay tahay Gaal iyo Murtad naftiisa iyo Xoolahiisuna ay banaan yihiin.

    Waxa ay labaduba ahayeen Gabayaa inkastoo Sayidku uu ahaa nin gabayo badan ,hadana iyada oo ay sidaasi tahay malaga yabaa Godane hadii uu wakhti badan heli lahaa waxa ay ila tahay in uu maanta ka tegi lahaa gabayo badabn oo uu leeyahay.

    Waxyabaha labadaba lagu xasuusto waxaa ka mida ,sida ay ciidankooda kalsoonida ugu abuureen,una noqdeen kuwo dhista ciidan si fiican uga amarqaata.Waxyaabaha kale ay isaga eekaayeen waxaa ka mida dhinaca guurka,midkastaaba waxa uu lahaa dumar farabadan inta markaasi la garanaayo,waxaana labadaba caado u ahayd in dumarkoodaasi iyo caruurtoodaasi ay ku noladaan oo kale goobaha ay markaasi ka talinayeen.

    Waxa ay ahayeen laba nin oo Dunida aad looga yaqaano,dawladahii gaalada ahaa ee ay labaduba la dagalamayeen waxa ay labadaba u yaqaneen hogaamiyayaal diineed ama Argagaxiso,halka dadkii Somalida ahaana ay ahayeen kuwo ku muran san hogaamiyayaasha waxa loogu yeedhaayo;iyada oo ninkastaba kooxdiisii ay u taqaanay mujaahid dhab ah iyo xaq u dirir ah.

    Hadaba labadii nin aduunka korkiisa waa ay ku kala fursan duwanadeen,Sayid Maxamad Cabdulle Xassan waxa uu helay cid siday doonto uga qorta qoraalo iyo buugaag, kuwaasi oo dadkii Somaliyeed u tusay in Sayidku ahaa Mujaahid iyo Wadani wada socda,ilaa heer la gaadhsiiyey in dawladii Somaliyeed ay Taallo looga dhiso magalada Muqdisho.

    Dadka qaar ayaa waxa ay ku doodayaan, Maxamed Siyaad Barre dhismaha Taalada sayidka iyo ururinta Tariikhda Sayidku waa mid loo ilduufay oo aan ahayd tariikhdii saxa ahayd ee uu lahaa,iyada oo laga tagay ayay dadkaasi leeyihiin khaladaad badan oo uu Sayidku ka galay dadki markaasi uu u arkaayey in ay gaalo raacyihiin.

    Hadii aad akhriste ka mid tahay dadka aaminsan in Ina Cabdulle Xassan uu ahaa Mujaahid la dagalama gaalo iyo wixii soo raacay, maxaa diidaaya in Axmed Cabdi Godane iyana ay dad u arkaan in uu yahay nin xaq u dirira oo dalka Somaliya ka difaacaayay gaalada iyo wixii fikirkooda aamin sanaa.

    Waxa iyana la tilmaamaa in tariikh ururiyahii Darawiishta ALLA haw naxariistee Aw-Jaamac Cumar Ciise uu isaga laftiisi gaboodfal wayn ku sameeyey soo gudbintii tariikhda Ina Cabdulle Xasan ,markii uu Jabuuti ku qoray Buugii uu ugu magac daray Tariikhdii Sayid Muxamad Cabdulle Xassan,sida uu buugiisa la magacbaxay SOOYAAL uu ku tilmaamay qoraa Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo.

    Hadaba madamaa la odhan karo Axmed Cabdi Godane iyo Sayid Muxamaed Cabdulle Xassan waxa ay iskaga mid noqonayaan waxyaabo badan, oo ay u horayso raadinta Dawlad islaami ah,midkastaabana qabaa’ilkii ama dadkii Somaliyeed ee kasoo horjeestay uu ku tilmaamay Murtadiin iyo dad Diinka ka ridoobay naftooda iyo maalkoodana loo xalaashaday,miyaanay markaasi kuu muuqanayn in aanay jirin faraq u dhaxeeyaa labadaasi nin.

    Waxaa aan ogahay in dad badani ay odhanayaan Axmed Cabdi Godane waxa uu Qaraxyo ku laayey dad badan oo Somaliyeed oo lagaba yaabo in aanay waxba galabsan,anigu taas ma difaacaayo ,balse yaa dafiri kara in Maxamed Cabdulle Xasan intaa iyo in ka badan uu laayey isaga oo ugu gabanaaya waxa ay racaan Ingiriiska ama waa ay iga soo horjeesteen.

    Labaduba waxyaabaha ay isaga eekaayeen waxaa ka mida adeegsiga dadyawga shisheeye,ina Cabdulle Xassan waxa tariikhda lagu hayaa in ay ciidankiisa ku jireen dad yaw badan oo ajaaniib ahaa,kuwaasi oo waliba ka qayb qaatay dhismaha ku yaala Taleex ee sayidka Madaxtooyada u ahayd,dhismahaasi oo la sheegay in Injineerada dhisay ay isugu jireen Turki iyo Carab,sidoo kale Axmed Cabdi Godane ama Xarakada Al’Shabaab waxa ay caan ku yihiin isla markaana aanay qarsan in ay ciidan kooda ka mid yihiin dhalinyaro Ajaaniib ah.

    Axmed Cabdi Godane iyo Sayid M Cabdulle Xasan waxyaabaha kale ee ay iska shabahi jireen waxaa ka mida,in ay qofka ay iyagu rabaan xataa hadii uu gacantooda ka badbaado in ay bulshada dhexdeeda ku fashilin jireen ama ku bahdilijireen.

    Maxamed Cabdulle Xasan waxay tariikhdu ay sheegtaa, in walashii Faadumo-Qarad Cabdulle Xassan uu waydiistay in uu siiyo una guuriyo ninkii la odhan jiray Cabdalle Cawl Maxamuud oo u dhashay Qabiilka Warsangaliga,Sayidku ninkaasi waa uu ka yeelay codsigiisii,isna waxa uu balan qaaday in uu keeni doono xoolo aad u farabadan.

    Ninkii markii uu moddo maqnaa ayaa waxa uu kusoo laabtay xeradii daraawiishka isaga oo ay socdaalkiisa ku weheliyaan niman markaasi Carab ahaa oo isaga la socday Wakiilna uu ka ahaa.Sayidku waxa uu dareemay in ninkii rabay in uu la xididaa in aanu wax xoola ah aanu sidan balse uu ku raadgadanaayo xoolaha nimanka Carabta ahi ay wataan.

    Sayid Maxamed waxa uu ku tashaday in uu Cabdalle Cawl fagaare Ilyartu isqabatay in uu ku fadeexadeeyo,kadibna waxa uu ka codsaday nimankii Carabta ahaa in ay xoolahooda Guryahaa ku xaraystaan,taas markii ay yeeleena ,waxa meeshii kusoo hadhay ninkii xididnimada ka doonaayey Sayidka iyo Hal Jawaan oo waxooga dhar ahi ay ku jiraan,kadibna Sayidku waxa uu halkaa ka tiriyey Gabay uu ninkii iyo qabiilkiisaba waxkaga sheegaayo,waxaanu yidhi:-

    Xuseenow ninkii xididkiis hagraday, waa habaar qabe e

    Hannaan iyo wanaag badan haddii, heedhe laga waayo

    Isna waa hubaa inaan aroos, loo hadooduline

    Hindisuhuba mar buu kaa ridaa, hogobyo sheydaane

    Mar uun baa daruur hababac tiri, lagu hungoobaaye

    Eebbow habheeb lama maree, hirifsanaa meeshu

    Afartaas sidii heega roob, haw ma kaga siiyey

    Hawraarta gabay lama ba’shee, hilin ma qaadsiiyey

    Hadal kalena waa inanta iyo, halaan ka faalleeyay

    Hiirka laaca weyn baa nafluhu, haabo leeyahaye

    Ninkii waliba hawada Faadumuu, haanka ku hayaaye

    Hoomaalka Qarad baa dadkuba, u hanganayaaye

    Hanaddada Majeerteen yaa, laga hor joogaay

    Hindiya iyo waxaa looga yimid, hara Ogaadeene

    Ha yeeshee Hartigu inuu lug go’i, hadiba maayaane

    Intii hooyadeed laga baxshaa, lagu haweysiine

    Ninka soo hadaafee yidhi, ilaxidh ii hoosa

    Lama hubee inuu maro ku heli, hawl yaraa gabadhu

    Daraawiishta heelkaa degtay, habar wadaagaane

    Nin waliba hor weyn buu ka filan, barac la mooddiiye

    Haadaa qabiil nimaan ahayn, hadalka muu daayo

    Nimaan yarad haruur lagu masliyo, hibo ka keeneynin

    Muu hoogye meelaha ka dayo, harag miduu siisto

    Haween kalese ma waayine, maxaa hawdka soo mariyey!

    Gabayga waxa laga dheehanayaa in qabiilka ninka soo doontay uu sayidku yaraysanaayo,taas waxa ku tusinaysa marka uu leeyahay :

    “Hoomaalka Qarad baa dadkuba, u hanganayaaye

    Hanaddada Majeerteen yaa, laga hor joogaay

    Hindiya iyo waxaa looga yimid, hara Ogaadeene

    Ha yeeshee Hartigu inuu lug go’i, hadiba maayaane”

    Hadii dhinac kale laga eego,waxa la odhan karaa labada nin ama labada Wadaad amaba labada sheekh midkii aad doontidba dhahoo,waa ay ku kala hawlkarsanayeen fulinta waxyaabaha Diinta astaanta iyo shacaa’irka u ah , sida in Tuuga gacanta la gooyo iyo waliba in lala dagaalamo khurafaadka iyo shirkiga ,taasi oo ka suura gashay Axmed Cabdi Godane balse maynaan maqal Maxamed Cabdulle Xassan hal dhacdo oo arimahaasi ku saabsan oo uu fuliyey.

    Ugama jeedo in Axmed Godane markuu arimahaasi fulinaayey in uu ku sax sanaa ama uu ku khaldanaa,inkastoo malaha ay waajib tahay in khurafaadka iyo shirkiga lala dagaalamo,balse waxa ii muuqatay in ay labada nin ku kala gadisnayeen raqbada iyo niyada ay u hayeen fulinta shareecada Islaamka .Si kale hadii aan u dhigo malaha labada xarako ee ay kasoo kala jeedaan Saalixiyada iyo mad-habkan Salafigaa ayaan isku aragti ka ahayn arimahaasi aynu kor kusoo sheegnay.

    Xarakada Al-Shabaab ee uu Axmed Cabdi Godane ka aasaasay Somaliya ilaa hada waa ay jirtaa,manay noqon xaqiiqda marka laga hadlo mid burburta,balse Sayid Muxamed Cabdulle Xassan xarakadiisii Darawiishtu waxa ay noqotay mid aan isaga ka daynbayn,markii isaga la dilayna wixii soo hadhay ninba halkuu reerkoodu deganaa ayuu u dhaqaaqay,taasi waa arinta kaliya ee aan is odhan karo waa ay ku kala duwanayeen labada Xarako.

    Haddii dhinac kale aynu ka eegno waxa aynu ku macnayn karnaa sababta keentay in Daraawiishina ay dunto ama aanay ka danbayn Sayidkii ,waxa la odhan karaa waxaa jiray in aanay jirinba in Sayidku aanu wax cilaaqo ah aanu lahayn xarakooyinkii markaasi ka jiray Dunida Muslimka ,balse uu ku tiirsanaa oo kaliya Qabaa’ilkii markaasi uu dhex deganaa iyo aftahanadii Gabayadiisii.

    Balse Axmed Cabdi godane oo isagu jaanis iyo nasiib u helay Ilbaxnimadii Dunidan casriga ah ayaa waxa uu xidhiidh dhaw iyo mid dhaqalaba la samaystay xarakooyinkii Jihaadiga ahaa ee dunida ka jiray ,gaar ahaan ururkii Al-qaacida oo uu aasaase ka ahaa Sheekh Usaama Binlaadin Raximu laah,waana mida keentay in aanu Ururka Al-shabaab dhimashadii Axmed godane wax badan u xagal daacin aanu ku dhicin ama aanu burbirin sidii Daraawiishta.

    Qoraalkayga ugama jeedo in aan anigu iminka danbiyo iyo gabood falyo u samaynaayo labadaasi Marxuum ,balse ujeedkaygu waxa uu yahay, hadiiba ina Cabdulle Xassan taallo looga dhisay waagaasi caasimadii Somaliya ee Muqdisho ,wakhtigan xaadirkaana magalada Jigjiga taalo looga qotomiyey,sababta uu Taalooyinkaasi ku kasbadayna ay tahay uun intaa aynu soo sheegnay iyo in la mida,dadka taaloyinkaasi dhisayna ay ahayeen dadkii Sayidka la qabiilka ahaa,maxaa diidaaya in Axmed Cabdi Godane isna Taallo Dahabiya looga dhiso Magalada Hargaysa.

    W/Q: Khadar Ibrahim Aar.


  • ,
  •  or

 

 

Latest News

  • Warbixin: Ardayda Ka Qalinjabisa Jaamacadaha Iyo Qorshe La’aanta Xukuumadda
  • Madaxwayne Farmaajo oo Warbixino Ka Dhagaystay Xubnaha Gollaha Wasiiradiisa
  • Maamulka Dawladda Hoose Ee Burco Oo Sheegay In aanu Shaqayn Mashruucii GPLG.
  • Daladda SONSAF Oo Ku Baaqday In Xal Laga Gaadho Muranka Xisbiyadda
  • Somaliland Oo Beenisay In La Xidhayo Xuduudka Somaliland Iyo Itoobiya

Latest Articles

  • WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO (WQL) Muhamed Dhimbiil
  • SU’AAL DADWEYNOOW?
  • WARQAD FURAN !
  • Fadeexada Ka Dhalatay, Kala Eexaysiga Madaxweyne Muuse Ee Jaamacada Inaadeerkii Iyo Jaamacada Burco. W/Q: Ibraahin Aadan Aw Qoobey
  • Af duubkii Dimoquraadiyadda Somaliland, Qore: Casha Miigane

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital