unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Maxakamad Siyaasadi Turuqday,Tallo Ha Way Diinin( Dr Daacad Alle Yaqaan)!

Gari Allay taqaan, ee Maaumlka Maxakamadda Somaliland wax aan loo
diran, kuna lug lahayn, oo aan shaqadeedaba ahayn bay dhex gashay,
waxana ay qardda-jeex ay ku jibaaxday, indhahana ay ka riday wixii loo
egmaday. Mana ay ahayn in ay siyaasad geliso dacwadaha loo gudbiyo,
waa laba aan meel wadda marin, oo kala soocan, midba ta kale kuma
khladami karto, si cadna way u kala duwan yihiin, isma dhex geli
karaan, xuduudna way kala leeyihiin, waana ka mamnuuc in ay midi ku
xad gudubto ta kale. muwaadin waxa la yidhi ” Meel Madax Ka Saraysa Oo
La Taabtaa Ma Jirto’e” tii aynu u abuuranay in ay kala saarto
amuurahaa marka tallo ay bariiqato, ee ay ka baydho dhabaddii saxdda
ahayd, madmadaw iyo khiyaamo ay meesha soo gasho, buuq iyo
is-maan-dhaaf ay xaajooyinku ka bixi waayaan, xaalku noqdo qarjajac,
kaladh-is-laac ee la isku mari waayo muran ah, annaa sax ah iyo aniga
baa gar leh. Geel duq baa loo tumaaye, tii jiritaan-keeduba uu ahaa
iyo astaanta ay u taagan tahayba, in ay xaq ku xalisho xilka saaran (
Waa Maxakamadda Sare Ee Somaliland). baa markii loo soo gubiyey
noqotay ” kaba-tolaw Ma Halkaa Baad ka Baxday” bal hadda intan hoose
ila eeg.
Wuxu yidhi (IHN) Xaaji Aadan Af-Qalooc ” Nin waliba halkii uu
turqaday, taabka ku adkeeye , Waashmaan kol ay tahay, ninkii taabay
meel dheregye, Kaba-tole Xafiis loo tirshoo, tolan madaw jeexday,
haduu talladda teel-teel u dhigo, taasi yaab malahe, maxakamad
siyaasadi turuqday tallo ha wadiinnin” Waa sidaas uu xaajigu uu
sheegaye, miyeynu odhan karnaa akhristaw gar-yaqaanadda Maxakamadda
uma Kala soocna garta Iyo siyaasadu? anigu haddii aan jawaabta ugu
horeysa ka bixiyo, waxa weeye Maya, ee way kala garanayaan, laakiinse
cudur hoose baa haya oo way bugtaa. wuxu inoo sheegay Riwaayaddii
indha-sarcaad murtideeddii ee uu lahaa (IHN) Cali Sugule Dun-Carbeed “
Wax la yidhaaho dawo bukootay, durdur oomay, dab dhaxa-mooday” waxa
sifahaas leh hadaba oo ay dawadeeddii bukootay Maxakamaddii, oo waxa
galay Cudurka loo yaqaano Duumo ( waa cuduradda ay keento
Kaneecaduye), mana jiraan cid u heelan, oo ka mudaysaa xanuunkaas
curyaamiyey Garsaarka, markaa sidee baa meel bugta, oo iyaddii ay
teeddii u il-daran, iaynu uga sugnaa in ay wax daawayso, oo aynu ugu
daba fadhiisanaa sharci iyo xaq-soor, saw maaha arin uu nin aan waxba
ogayni raadinaayo. hasha kudna waa dilay, waana loo weheliyaaye, aan
kuu saafo cudurka haya’e, Waa tan Xukuumadda ah oo aan fara-gelin mar
qudha kala bixin, oo sideedaba u dhalatay in ay wax kaste jujuub iyo
gurac ku muquuniso, kuwa meesha joogaana ( waa gar yaqaanada’e) waa
dantood maraatayaal, oo waxay eeganayaan Mushaharka yar ee ay u
xaadiraan, laakiin dariiqii Illaahay u jeexay garta ee ahayd ” QuLul
Xaq wallaw kaana Muran”, taas oo micnaheedu yahay Xaqa ku dhawaaq
xataa haddii uu mur ka qadhaadh yahay, waa ay gees amreen, ha-yeeshee
waxay yidhaaheen, aakhiro calala marka aynu tagno, ee aan ifka iska
shaqaysano, taasina maaha haddii aynu nahay ummadda Reer Somaliland
mid ina wadaysa, ee tallo wax ku ool ah baa la inooga baahan yahay, in
aynu wadda jir wax ugaga qabano.
Nasiib wanaag iyadda oo ay xaajadu cakiran tahay, oo muwaadiniintii
labadda gacmood dhafoorka ku hayaan, waxa uu illaah inoo bixiyey oo
inoo kacay, Madaxdda Xusbiga Waddani oo u guntaday badbaadinta dalka
iyo dadkaba. Kuwaas oo ay ugu horeeyaan:-
(1) Hogaamiyahe Mudane Xirsi Xaaji Cali,
(2) Musharaxa Madax-weynaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi
(Cirro).
(3) Gudoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xusbiga Waddani Mudane Ina Jirde
iyo qaar kaloo badan, kuwaas oo markii ay Xukuumad ku sheegtii ay
lugta ku walaaqday, fara-gelin toos ahna ilaa daakhilka u socotay, wax
aan shaqadeedda ahayn, oo ka madax banaan ( Waa Arimaha
Maxakamadda’e), ay ka boobtay taladdii ku huwanaan magaca
gar-yaqaanadda watay, oo markii horeba ay sii dhigatay meesha qaar
magac u yaal ah, oo ay iyaku iska maamushaan, laakiin aan qadin
Gar-Alle, oo yeela uun kolba sidda uu ku amro, Wasiir ku sheega Osaama
Binu Laadin ( Waa Ka madaxtooyada’e), kaas oo faraha baran-baro loogu
burburiyey, wax kalena aan ka hawl gelin ee shaqadiisuba tahay, isku
dir, eex, qabyaalad, qaybi oo xukun, afka-isu-geli, musuq-maasaq iyo
wax uu ku kala irdheeyo ummadan, silica iyo macaluushu u dhamaatay,
waa nin la yaqaano, oo weliggii aan kob cagaar leh ka soo durdurin.
* Waxan ku soo xakameyey maqaalkan” Nin weyn iyo waayeelba hortoodda
baa caano loogu biyeeyaa” wax idinka qarsooni ma jiraan, wax la
idiin-la hadhayna hadal-koodda daa, waad arkaysaan Muciishaddii halka
ay marayso, sicir-bararka ku dhacay, maatadda lee’atay ee silica iyo
macaluusha u dhamaatay, cadaalad darradda maalin-ba-maalinta ka
dambaysa ka sii daraysa, hantiddii ummadda oo Xusbi gaar ah loo
xidhay, kuwii xaqa u lahaana ay ka qatan yihiin, oo derbiyadda
jiifaan, dhaxan iyo dayro dhaaf ku hayaan, iyakuna ay kelyaha ka
xoqanayaan dherega awgeed, oo guud-koodda laga subkanaayo, ( Waa inta
Xukunka haysa’e), bal in ay inkaari inagu dhacday waa halkii Timacade
( IHN) uu yidhi ” Muraad-koodu nimankuu ahaa moodhar-kiyo daarta,
nimankii mugooduba ahaa maalin la casuumo, nimankii suntay nagu
mudeen, reerba dhan u moostay” run ahaantii waa sidaas uu Cabdilaahi
suldaan sheegay, shaqaysta mooyaane, oo ummadda isku dila mooyaane aan
hawl kale la fadhiyin Madaxtooyadda, kuwa aan naf ka sugaynaa waa
kuwaa, bal ka sheekee, oo sidee bay noqon doontaa ama ay samayn
doonaan Doorashadana, kuwa kala saari waayey, ee is dhaafiyey 39kii uu
mid helay iyo kii kale oo helay 38 cod, ma tiro laba miyan ah iyo wax
ku dhaw bay kala saarayaan, waa habeenkii xalay tegay, waxan ku soo
dabaray, kuwan aan dhuunta mooyee meel kaleba aan wax ka arkin, haday
inagu soo noqdaan, adaa sheegi akhristaw sidda ay ku dambayn doonto
somaliland, waxanse ku odhan lahaa ka tasho, oo u foodda Xusbiggii
hagaajiyey ( waa Waddaniye) wixii ay kharibeen Kulmiye, Xukuumadda iyo
Maxakamadda oo is barkani, kaas oo ah ka qudha, ee ay dib ugu soo
noqon karto rajadda Somaliland, ama reer hebel oo aan eednay ha lagugu
beer laxaw-sado, oo dooro in aad ku jirto sidaa iyo si ka daran
abidkaa, oo aan ka soo noqosho lahayn.
Qore:- Dr Daacad Alle Yaqaan.
20170625_081107.jpg (387K)

Latest News

  • Barmaamij Ku Saabsan Doorka Muslimiinta Marykanka Ku Nool Iyo Arimo Kale
  • Ka Digista Fidnada – Sh Cabdilaahi Barbaraawi
  • Siyaasi Dhoola yare Oo Ka Hadlay Hadallo Ka Soo Yeedhay Taliyayaasha Ciidamada
  • Beelihii Ku Diriray Degaanka Ceelafweyn Oo Kala Qaatay Diyaddii Dadkii Ay Kala Dileen
  • Siyaasiyiin Iyo Odayaal Fariin Culus u Diray Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumada

Latest Articles

  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban
  • Samaale ma wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka yihiin?..WQ Suxufi Maxamed Siciid (Xarrago)
  • Cugasho:Maanso Cusub Oo Tiriyay..Ismaaciil Qorsheel.
  • Toban Qodob oo ku saabsan Columbia iyo One Young World 2017;

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital