unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Quutayaasha Aragtiyaha – Jamaal Cabdinaasir Macaamiisha aragtiyaha..Jamaal Cabdinaasir

Quutayaasha Aragtiyaha – Jamaal Cabdinaasir Macaamiisha aragtiyaha
qaadata ma weel cidla baa iyagu? yaa udiiday in burjigooda adeejiyaan?
Hannaan kasta oo la meel mariyo ama la dheeli tiro wuxuu soo dhex
jibaaxay garasho sooyaal, iyadoona lagu meel mariyay qeexidda wax
loogu yeero (waaqica). Badanaa markii aan weel aan wax ku cuneyno waa
hubaal in weelku asalkii ahaa mid faaruq, yeelkeede haddii loo kuur
galo xaqiiqada weelku inuusan marneyn ee uu awood faaruqid uusan ku
dhisnayn, isla markaana qofka bini’aadamka ahi aalaaba ma’aha mid
ufaaruq ah sida weelka oo kale oo is difaac aan garasho ku dhisnayn
buu leeyahay oo meelo kale buu ka dhisan yahay. Majirto sabab loo
raacdeeyo qof guul dareystay mana jirto sabab loo niyad jebiyo qof
meel ka dhac sameeyay, hubbaanti ruuxa la raacdeynayo ama ruuxa ka
meel maray xeendaabka uu kujiray isagoo ubaal maray caadadii uyiilay
isla xeendaabka uu joogay. Ma ufiirsatay dadka waxa ay ugu yeeraan
qofka guuleystay? Mise ufiirsatay ruuxa xanaaqa waxa ay ugu yeeraan?
Ma’ahan wax qiil in loogu raadiyo ubaahan waxaase jiro garasho togan
oo loo baahan yahay daruufaha maxalliga ee ruux ama duul saameeya.
Waxa jiro nisbooyin la meel mariyay waayahan aynu noolnahay iyadoona
nisbadaas lagu qiimeeyay qaaciddo aan loo rafaadin laakiin garashadu
waa inay ina tustaa ruuxa loo gartay heerka iyo juhdiga uu usoo maray
inuu gaaro maamuuskaas ee ma’ahan nisbo qaaciddo fudud in lagu
miisaamo ruuxa heerkaa iyo waayahaa adag in lagu dheelsiiyo. Waxaan ku
baraarugay dadka quuta aragtiyaha dadka, iyagoon ucuskan garashada
saxda ee ruuxa uu lasoo halmaashay mana jirto sifo loo bahaleeyay in
wakhti kooban lagu cabbiro ruuxa iyo heerkiisa waana wiiq soona saarto
maskax ragaadis. Aragti kasta looma sababeyn karo xadka iyo waayaha ay
jiri karto kaliyaata waa in loo kuur galaa aragtidani daawada ay
uheyso waaqican taagan, illeen aragtiyahu waxay cabbir iyo miqiyaas
hor leh uleeyihiin waayaha iyo xaaladda la taagan yahay inay
baraarujin in xalal ukeento si xaaladdaa looga samata baxo. Aalaaba
bulshadeenna badankii waxay usafteen qeexidda waxa loogu yeero, magac
bixinta iyagoo iskula qumman marxaladda ay joogaan, haddana waxay wax
ku miisaamayaan heerka iyo fahamkooda halka uu marayo, waana wax
qarriban in ruux lasoo halmaashay waayo iyo maskax furnaan badan inay
dad wakhti iyo miisaam fudud ku cabbiraan waana wareer iyo kacaa
kufiisa. Maxay dadkeena kaliya ay macamiil magacyo ubixida keennii
garashada ku socdaalayey unoqdeen? Maxaa udiiday inay la socotamaan
fahamka iyo garashada saxda ee ruux loogu baahan yahay.
Waa mayaladeeg aan ku daraaseeyay waaqicaan iyo jiilka joogo ay uhirdamayaan
ubixidda magacyo aan loo cuskan weyneyn maskax. Dadkeenni waa inay
ufurnaadaan baaluqa akhriska si miisaamka ay wax ku cabirayaan uu
usareeyo qiimaha uu soo saarayo ama tirada uu soo saarayo. Sharci
ahaan iyo garasho ahaan ma sababto in weel buuxa loo dhawaado, waa in
weelka buuxa lagu eego, eegmo fog loona barakeeyay maan-furnaan.
Halkii lagu eegi lahaa indho furnaan. Waxaa jiro qeexitaano dhowr ah
oo si fudud usuuq galay iyagoo qeexitaanadaas soo saarayaan aragtiyo
loogu talagalay suuq fur, waana mashaakisha loo aananeyn karo inay
magacaabeen duul aan maan-furneen. Waa si fudud in lagu tillaabsado
horumar xaga soo saaridda aragtiyo gar leh iyadoonan loo maraneyn
xeerarka uu aragtiyahu soo marayo. Kolkii aad weel cidla ah aad wax ku
cunto waa kuu sabab inaad weelka waxa ku jiro faarujiso, adigoo
cuskanaya ansixinta iyo nadiifinta weelka waxa ku jira, laakiin waa
sabab kaloo fudud in weelka asalkii loogu soo baraarujin in waxyaabo
yar-yar oo ka horo ruuxa cunayo inuu ku dheel-dheelo si barakada xitaa
loogu nisbeeyo isla weelka wax lagu cunay. Miyeysan ahayn? Illeen
insaanka kaliya inuu qaata iyo magac bixin ujoogo ifkaan dooni meyno,
waa inuu isagu xitaa weelku wax ugu reebaa haraa si weelka xitaa qaato
unoqdo. Badanaa weelku waa faaruq si dareemaha indhuhu qabaan laakin
maqabto dareemaha garashada waayo weelku isu ma arko inuu faaruq
yahay, isla markaana wuxuu u awood sheeganayaa weelka waxa lagu soo
rido. Marka lama oran weelka waa faaruq. Wax kasta waa in loo jeexaa
dhabbo garasho ahaaneed iyadoona loo cuskanayo fahamka saxda ee
walaxdu ama aragtidu sheeganeyso, ee yeynan ucararin erey-bixin iyo
maamuus bixin. Kaliya aan utillaabsanno xaqiiqda iyo sahayda aan
uqaadaneyno waxa aan kala saareyno. Gu’ kasta waan socdaalnaa oo
Wakhtiga iyo xaalad kasta waa loo tillaabsadaa ilaa aadmigu inta uu ka
dhimanayo, laakiin waa inaynu garanaa xadka inta aan socdaaleyno ma
xad lugo baxsibaa mise xad garasho garaad baxsibaa. Waa hamuun in
nolosha aysan noqonin wax kaliya in laqaato ubaahan oo aan noqono wax
ficil iyo waayo-aragnimo ubaahan aynu ubadalno. Waxaase hubaal in la
qeexo ruux kasta wax lagu sheego maamuus ama waxyaabo kale ayku hoos
noolyihiin garashooyin kale oo dhibadda u aasa ruuxa iyo maamuuskiisa,
waa sax oo haddii ruux oo wax akhris iyo faham sarreeyo waase wax jiro
inuu lalloolama waaqica iyo daruufaha taagan si uu xal garasho u helo.
Waa muhiim in la garto xaqiiqada cidda isu nisba yeeleysa iyo cidda
loo nisba yeelayo, iyadoo loo marayo gunta garashada ee insaanka
leeyahay, wax waliba yeynan qalad ka raadin, saxnaanna yeynaan ka
raadin aan ka raadinno wax ina sifeeya oo caqligeenni halka uu
usocdaalayey dhinac kaduwan waa inaan wax ka eegnaa. Waa in loo guuraa
garashada caqliga ee wax lagu kala saaro, yeynaan wax ku halbeeginin
garashada hadal ama far iska dhaqaaqda. Oo haddaa marka aynu ruux ku
carbaabineyno xirashada dhar uusan awoodi kareyn ama uusan xiran karin
soo ma baadigoobi karno joog la’eg uu ku socotami karo, isla seeskaa
kolkii ruux noo yimaado ina yiraahdo ii bixi magac, haku deg-degin
bixista magac eeg halka uu jooggiisa dhirir ama gaabni jooga, adigoo
ka tusaala qaadanaya cabbirkiisa kolkaas way inoo fududaaneysaa
bixista magac loo riyaaqo. Isla seeska markii aan ruux mug leh aan ku
suntaneyno magac waa inaynu ka eegnaa halbeeggiisa fikir mid waaqic,
mid bulsho ahaaneed, mid sooyaal iyo mid saadaalineed kolkaa kadib waa
inoo fududaaneysaa inaynu ku dharbaaxno maamuus loo eegay garasho sal
ahaaneed. Kolkasta oo aragti inoo soo gudubta ma’ahan inaynu qaadano
waa inaynu lafaqnaa oo kala shaandheyn miiran la tiigsanaa halkii aan
noqon lahay weel ubislaada kaliya in lala tiigsado dabka holcaya.
Dhinaca kale dabku waa shidaal quudiya korrarka waxa uu shidaalka
siinayo laakiin aadmigu haddii lagu qanciyo waxkasta oo cusub ama
aragti kasta inuu qaato, waa u wareer aan sal lahayn.
W/Q: Jamaal Cabdinaasir
Email:

Latest News

  • Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Baaqay In Deg Deg Loo Joojiyo Dagaalka Tukaraq
  • Xukuumada Somaliland Oo Booyado Biyo Ah Gaadhsiisay Deegaanada Xeebaha
  • Badhasaabka Gobolka Awdal Ayaa Tageeray Ciidanka Qaranka S/land
  • Marxuum Muxiyadiin Good Oo aas Qaran Loogu Sameeyey Magaaladda Hargeisa
  • Madaxwaynaha Somaliland Oo Kafaalo Qaaday Wiilkii Masiibadu Ku Dhacday

Latest Articles

  • SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’ AH. W.Q Liibaan Shaadiro Qaybtii Labaad
  • TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 22` aad .
  • Xasuustayda Weedho Kooban Oo AHN.Maxamed Nuur Giriig Ka Yidhi Sahra Axmed Jaamac: Q.2aad…
  • Muxuu yahay qorsha-hawleedka hayada Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyada Somaliland??
  • Taariikh Nololeedkiisii: Godka Lagu JanneeHoygiisi Buu Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) Tagee Duco Ku Sii Hooya.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital