unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Ma San Taag Baad Sidaa Kula Tegi?..Qore:- Dr Daacad Alle Yaqa

Hees ay qaado Khadra Daahir, baa midhaheedda waxa ka mid ahaa, awrkii
cirkaan, xalay arkayoo kumoodee, hadaba waxa cirka roob ku Gudoomiyaha
Kulmiye, oo ku riyooday isaga oo inta uu seexday, manaamkii ku
daawaday, kursiga madax-weynaha oo uu isku lulaayo Cabdiraxman Cirro,
isna la yidhi lagaa hel, dabeed ilayn waa riyo’e, wuxu soo hambaabaray
markii uu dhulka galay isaga oo ka soo dhacay, oo boodhkii jiifa,
dadkiina ku leeyihiin, ma sidan baa kuu dambaysay, goormaad maryaha
dhigatay, ka bacdina isaga oo aan shaydaankii iska naarin, buu inta uu
hareeraha deyey, oo uu macawistii laabtay, oo dhuumanaaya, buu big
yidhi, wuxu u tegay kuwii u faalin jirey, ee odhan jirey adiga baa ku
leh, wuxu ku yidhi, wixii aad ii sheegayseen, socon waaye, aniga uun
baad waxayga cunayseen, kursiggii aad lahaydeen waad fuushan tahay, oo
dhaartii uun baa kuu hadhay, xalay baan ka soo dhacay ( Ilayn riyaddii
buu dhab u haystaa), intay ku qosleen, isaga oo aan macaweistii si
wacan u xidhnayn, oo yara hayl-haylan, bay ku yidhaaheen, oo sidaad
uga soo dhacday? yaa is gaadhayba? wuxu yidhi, xalay waxa ii yeedhay
Ina Cali Waraabe, oo i tusay, isaga oo uu isku ruxaayo kursiga
laftiisii Musharaxa Waddani, waxay ugu jawaabeen, sorry, waanu ka
xunahay siliciyo dhibtaadaba, maxaanse ku qaban karnaa,
denbibiya-daaddii baa sidda cadceedda ummadda u hor yaala’e, haday kuu
cadaatay in aanad waxba helayn, dee ku dagaalan uun baa kuu hadhay,
taana waxba ku heli maysid., ka soo maal adaa halkaa is dhigaye,
Ninba waa mare, mus ma kula koray, mergiyadda iyo muruqyadda adag, ma
is goysoo markuu kula baxay, may-dharaa-ridda , ma dul meertoo,
meehanawggii, meel kamaad dhicin, masku kuma cunin, cidla maad mudan,
miyaan kuu nixi, hoos madoobaw, macmacaankii maantuu kaa go’ay.
Geedka saarka leh, ad saloolatay,
Rag u simantiin, sudhay qoortoo,
Isi siisaye, saymo hoos yaal,
Sibiq u gashaye, sakalaha xidhan,
Sidaad uga bixi?, ma san taag baad,
Sidaa kula tegi? saaka kula tahay,
Dar baa seeftay, kuu safeysteen,
Tunka saaroo, kula sugayee,
Sarkaal baan ahay, kaama saartee,
Salka maad dhigan, riyo saadaal,
Ad la seexatay, sanadaha badan,
Soo noqno-qotaye, sidaa ku abaad,
Qaybta saamiga, saatir uu dhigay,
Baad saluugtoo, seedaa ku jartee,
Intaad sararaha, solayga macaan,
Subax aragtaad, surin isu taag,
Ku samaysaye, sulub xabadeed,,
Warmo seefiyo, soodh wax kala jara,
Ayaa saarane, si wacan u eeg,
Wiishka sare kacay, aduu ku sudhee!
Waxa la yidhi ninka aan quus aqoon, naftiisa baa quus ah, sir iyo
caadba wax laguugu sheeg, kuwii dad kuugu xigay baa kaa dareeray, oo
arkay in aad madhan tahay, kulmiyena ummadu ku hungawday, abid
maamulkii ugu xumaa, ina soo mara, dhan kaste oo la eegaba waa kan.
Hees baa waxay ahayd ” Cudurka kaa gala fardaa, hadii laga gubo
dameer, dawadi lama gaadhayoo, geed dheer bay saaran tahay, Dawadda
ummadu iyo jiritaankeedu waxay ku xidhan yihiin , shicibkiina uu
doortay, laguna dareeray Bari ilaa galbeed Waddani, sidda murtidu
leedahay, dameer kuma jirto, oo xanuunkaba isga baa qaadsiiyey,
faraska, hadaba imika baa ummadu ku dawaynaysaa, in ay cudurkii
kulmiye qaadsiiyey, ee ahaa qabyaaladda, kala dhawaysiga, eexdda, isku
dirka, musuq-maasaqa, xadhig, cabudhin, been ka sheeg, waxan ku soo
dabrayaa qoraalkan, ” Kani Galbay ku kale mooyee”
Waa laac aduunyadu labaddii walaalaa midba maalin ledayaa, dhaaxaad
ladnaydoo, sidaad aar libaax tahay talaabadda ladhaysee, waa adiganse
liitee, leexadu ku sidatee, hadaba laan cuskanayee, libaanteed
aduunyadda ruuxna laasan maayee, maxaa luray naf-taaddii, hadda baa
lagaa takhalusayaa, marka hore waa in aad is casishaa si aad isu
sharaxdo, marka odaygu kaa helo-na, gudoomiye kale iyo ku/xigeeno baa
la dooranayaa, sidaasna way kuugu dhamaatay. Waxan ku soo xidhay
maqaalkan, Ina Biixaw, Waxaan Saatir Kuu Qorin Haw suul dhabaalayn.
Qore:- Dr Daacad Alle Yaqa

Latest News

  • Xukukamada DF Oo Ka Hadashay Deeqdii Dawlada Maraykanku Siinjirtay Malatariga Somaliya
  • Muadaharaad Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Magaalada Boorama
  • Kulan Lagu Soo Bandhigayay Taariikhda Qadiimiga Magaalada Qudus Oo Lagu Qabtay Hargaysa
  • Ugu Yaraan Ilaa 60-Qof oo Somali ah lagu Dilay Maamulka Degaanka Oramada
  • Kulankii u Horeeyay Ee Gollaha Wasiirada Xukuumada Muuse Biixi Iyo Nuxurkii Lagaga Hadlay

Latest Articles

  • Maxaa Cashar laga Baran Karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ??.. By: Cali Xaruuri
  • Qormo Kooban Oo Hugotusaale u ah Madaxweynaha La Doortay Mustafe Adam kibaaro@gmail.com
  • FARRIIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY W/Q. Maxammad Saleebaan Cumar
  • Madaxweyne Muusow laba uun Yeel Waad Guulaysane Qalinkii Cabdi Cawiye
  • Booska hebel baan ku socdaa ???? By:Barkhad-ladiif M. Cumar

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital