unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

HARGEYSA: FADEEXADO KA TAAGAN DHISMEYAAL DAD LEEYAHAY OO

Iyadoo dhowaan Xoghayihii Dawlada Hoose ee Hargeysa uu xilkiisii ku waayey kadib markii uu ka digay musuqmaasuq baahsan oo Dawlada Hoose ee Hargeysa ka jira, ayaa waxaa iminka soo baxay dhismeyaal dad leeyahay oo Masuuliyiin Xukuumada ka tirsan la siiyey.
Dhismeyaasha masuuliyiinta la siiyey waxaa ka mid ah Dhisme uu leeyahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade oo la siiyey Wasiirka Waxbarashada Somaliland Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon).
Dhismahan oo taariikhda sharciyeyntiisu ku astaysan tahay 2004, waxaa la socota nootayo wareejin ah oo ay qortay mulkiilihii horay u lahaan jiray, waxaana laga bixin jiray canshuurta Dawlada hoose ee Sanadlaha ah.
Dhismaha waxaa loogu talo galay in laga dhiso Wershad dib u habaysa Saliida Matoorada ee Suuqyada Magaalooyinka Somaliland lagu daadinayo, waxaa iska kaashanayey ganacsato Yamaniyiin iyo Somaliland ah, laakiin mashruucii markuu bilowday ayaa waxaa fashiliyey dagaalka yaman ka socda, iyadoo markii hawshu istaagtay uu dhismuhu marayey derbi dheer oo dhulka lagu soo wareejay, 10 rukun oo shub ah oo Wershada loogu talo galay, dhisme jiingad ah iyo tawaangi ama haamo loogu talogalay in saliida lagu keydiyo.
Dhismahan si gaarka loo leeyahay ayaa Maayarka Hargeysa siiyey Wasiirka Waxbarashada Yaasiin Faratoon markii uu 2016 noqday wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland.
Uurcade ayaa la sheegay inuu Faratoon u sheegay inaan Maayarku dhisme dad leeyahay qof kale siin karin ee uu meel banaan u raadsado, laakiin Wasiir Yaasiin Faratoon ayaan ku qancin, wuxuu sheegay in awood wixii uu leeyahay uu meeshan ku dhisan doono, maadaama uu 30 sano dhul Somaliland ka raadinayey. Uurcade ayaa mar kale Wasiirka u soo jeediyey “HADAAD DHISMEYAASHA MID IGA QAADAYSID GURIGA AAN KU JIRO AYAA DHAMEYSTIRAN EE ISAGA IGA QAAD”, laakiin arintaas wasiirku waa ka diiday, isagoo sheegay inuu dhameystiranayo kuu hada haysto oo uu ku qanacsan yahay.
Ergo labaad oo hagaanka sare ee Xisbiga Waddani ka tirsan ayaa kadib markii ay goobta tageen oo dhismaha soo hubiyeen Wasiirka Waxbarashada u tegay, kuwaas oo tusay shaciyadii dhismaha mudada dheer ee isaga ka horeysay, laakiin waxay kala soo kulmeen weji gabax.
XOGHAYAHA GUUD EE WADDANI AYAA SHEEGAY INUU KA SHAKISAN YAHAY IN DHISMIHIISA YAASIIN FARATOON LAGU LAALUUSHAY KADIB MARKII UU SOO SAARAY WAREEGTO UU KU MABNUUCAY IN MOOSHIN LAGA KEENO MAAYARADA SOMALILAND ILAA INTA DOORASHADU KA DHACAYSO, XILIGII UU WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA AHAA.
Qaybo ka mid ah dhismaha ayaa la dumiyey, taasoo Uurcade ku tilmaamay tacadi awoodii dawlada loogu geystay.
Dhanka kale dhowaan ayaa Wargeysa Somaliland today uu daabacay in Dhul uu leeyahay Suldaanka Guud ee Beesha Habarjeclo uu ku qabsaday nin ay isku hayb yihiin Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo isku xidhiidhiyey Ismaaciil Caymis iyo Madaxweyne Muuse, arintan oo markii aanu daba galay aanu aragnay in Ismaaciil Caymis uu mudo dheer dhulkan lahaa, sinaba aan qof kale loo siin karin derajaduu doono ha lahaade.
INKASTOO AY CABASHOOYINKA DAWLADAHA HOOSE EE SOMALILAND ISA SOO TARAYAAN, HADANA WAXAA LA SHEEGAYAA INAY JIRAAN DHOWR MAAYAR OO SIRI-DAALI AH, XILIGII DOORASHADANA SI WEYN U OLOLEEYEY, MARARKA QAARKOODNA ISUGU YEEDHA MAAYARADII MADAXWEYNAHA SOO SAARAY, KUWAAS OO AAN BERYAHAN LA FILAYN IN MADAXWEYNUHU XAGOODDA U JEESTO.
DHANKA KALE WAXAA FIIRO GAARA YEELAN DOONA SIDA AY WASIIRADA XUKUUMADA MADAXWEYNE MUUSE U ISTICMAALAAN AWOODII DAWLADA.
DAAWO QORAALKII WARGEYSKA:


Latest News

  • Gudoomiye Cirro Oo La Kulmay Madaxa Baarlamaanadda Aduunka
  • Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Hadlay Taariikhda Marxuumad Faadumo Axmed Dhimbiil
  • Dalka Itoobiya Oo Shaaciyay In Dadweynaha Qaaradda Afrika Fiise La’aan Ku Soo Gali Karaan…
  • Baydhabo:-Gudida Fatahaadaha Kooonfur Galbeed Oo La Magacaabay
  • Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaalka Tuko-Raq Iyo Waxyeeladii Dufaanta

Latest Articles

  • SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’ AH. W.Q Liibaan Shaadiro Qaybtii Labaad
  • TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 22` aad .
  • Xasuustayda Weedho Kooban Oo AHN.Maxamed Nuur Giriig Ka Yidhi Sahra Axmed Jaamac: Q.2aad…
  • Muxuu yahay qorsha-hawleedka hayada Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyada Somaliland??
  • Taariikh Nololeedkiisii: Godka Lagu JanneeHoygiisi Buu Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) Tagee Duco Ku Sii Hooya.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital