unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Baaq Ku Socota Xidigaha Geeska iyo Cidkasta oo Banaysatay Musica Xaaraanta Ah W/Q Garaad Salebaan

Marka Hore Waxaan U hambalyaynayaa Bulshada Muslinka Ah Guud Ahaan inta maqaalkaygu gaadhayo iyo intaanu gaadhaynba Farxada Maalinka Ciida oo inagu Soo Fool leh Aawadeed.

Allaahna Waxaan inooga Baryayaa inuu Inaga Aqbalo Soonkii Taraawiixdii Tahajudkii Dhamaan Cibaadooyinkii iyo Dadaalkaynu laban laabnay  Waxana inala gudboon in Aynaan Ku koobin Cibaadoyinka  Bisha Ramadan ee Aynu Sii laban laabno Si Waafaqsan sunihii Nebiga Scw si Markaynu Aakhiro ugu guuro Alle Agtiisa Wax INA Raali geliya ugala kulano Intaa Kadib Waxaan Baaq u dirayaa Xidigaha geeska Qolada isku Magacawday oo Banaysatay Macaasi Badan Oo Alle Xaarantimeeyay iyo Cid kasta oo Ay ficil Wadaagaan

Waxaan leeyahay Alle Nimcooyinku INA siiyay yaynaan ugu Abaal celin  INaynu Caasino Wakhti adag buu Alle inaga saaray oo ficilkeeda aynu lahayn Maadaama Dunuubteenii  Badh Ka mid Ah Alle INA dhadhansiiyay Abaar xanuuna colaado sicir barar iyo dhibaatoyin Badan buu Alle INA dhadhan siiyay oo aynu kasbanay Qaar ka Mid ahna Ay Wali Taaganyihiin Waxaynu kaga Bixi karaa Inago Alle u toobadkeena Sharciga Alle siduu inoo Farayna ugu Dhaqana.
Walaalayaal Heesuhu waa xaaraan shakina kama taagna Alle iyo nebigeenuba scw way inoo Cadeeyeen. WAxa ku cad diinteena qofka heesa iyo Qofka dhegaystaba in cadaabka Alle Dhadhaminayaan Hadaanay Towbad keenin Heesaha Markaan sheegayo waa kuwa musica Ama kabanka wata  waxaa soo Raaca kuwaan musica wadan ee macaasida iyo Asturla’aanta Ku Baaqaya
Sidoo kale Waxaan waaninayaa Hablahan Iyaguna is Qaawiyay ee Cawradii diinteenu Amartay inay asturaan muujiyay Alle Haka Baqaan Oo Dembigoodu iyagoo khaliya Ku eekaan maayee u maduu saamaynayaa iyana naftooday Halaagayaan waxaan leeyahay Nafna Saacad Ay dhimanayso Ma oga Ha Ku bedelanina daar aan dhamaanayn Daar dhamaanaysa Walaalayaal waa Aakhiru saman Calaamadihii Nabigu Inoo Sheegay scw Ayaa taagan waa wakhtigii Fitanka Macaasiftii Aalatu lahwigii iyo Macaasidii Baa LA Banaystay Shaydaankii ayaa loo Hogaansamay dad Badan waxay raaceen Naftoodi Waxay jeclayd Waxaa dad badan ka Baydheen Dariiqii Alle inoo jeexay Waxaana inagu waajib ah inaynu Amarka Alle Qaadano oo dacwada Dadka ugu baaqno Oo Dadka u nasteexayno oo Qof walba Dadka Wanaaga Faro Xumaantana Ka reebo.
Showyada kuwa abaabulaya ee shaydaanku adeegsanayaw  kuwa martigelinayaw kuwa Gacan Ku siinayaw Kuwa Baahinayaw  Ogaada lacnad baa idinku soo degaysee maalkaad ka kasbataana waa xaaraan Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah Ma dhasho Alle u toobad keena Maantaad Fursad haysataane .Intaa waxaan ku soo Gebo Gebaynaya Anigu cilmi malihi wadaadna ma ihi ee intaan Culimada ka Maqlaybaan jeclaystay inaan nasteexo ahaan idiinku soo Gudbiyo .Waxaan Alle inooga Baryayaa inuu inagu toosiyo Dariiqa saxa ah kuwii Xaqa Ku dhaqmana Alle ha inaga yeelo ee  Aduun iyo Aakhiraba  Sharaf iyo cisi ku noolaada Aamiin Yaa Allaah.
Wabillaahi Tawfiiq

Latest News

  • Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Khilaafka Isgaadhsiinta ee u Dhaxeeya Somaliland Iyo Somaliya
  • Shir Lagaga Hadlayay Amaanka Dalalka Geeska Afrika ayaa Lagu Qabtay Dalka Jabuuti.
  • Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Kulan La Qaatay Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya
  • Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusa Mareeb.
  • Taayirka La Tuuro Ee Gaadiidka Oo Laga Samaynayo Qalabka Guryaha.

Latest Articles

  • Maxaa inoo diidaya inaynu ciyaarno doorkeena siyaasadeed ee Gobolka inagoo bilaa aqoonsi ah! W/Q Mohamed Abdirahman
  • Tacsi Tiiraanyo Oo Leh Oo Ku Socda Marxuun Aadan Siciid (Aadan Dooc) Oo Ku Geeriyadoy Burco.
  • African Borders Are Based On Land, Not On Clans..Ibrahim Hassan Gagale
  • Farmaajo Dab buu ku ciyaarayaa. (Farmajo is playing with fire)…By: Ali Xaruuri
  • TACSI KU SOCOTA MARXUUMAD RUUN DAAHIR QODAX OO KU GEERIYOOTAY DALKA INGIRIISKA

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital