unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Sidee is-bedel Dhab ah uga Hirgelin karnaa Soomaaliland…Ibrahim Deria London:UK

Akhriste Waxaan Maqaalkan kooban ku soo bandhigi doonaa sida  aan u arko in Isbedelka ay u baahan tahey Soomaaliland
Mudda ka badan 25 Sano  ayey aheyd Waqtigii lagu dhawaaqey in aynu dib uga soo noqonney Midowgii Soomaali-weyn. Hadda ogow lama aynu Midoobin Koofurta Soomaaliya oo qudha ee waxa aynu la midowney Soomaali meel ay joogtaba,Taas oo Micnaheedu ahaa in Qofka Dirir-dhabe jooga,ka Xamar jooga,ka Jabuuti jooga uu yeesho Hal Aqoonsi(ID)  laakiin Laba Gobol ayaa markaa Xorriyad helay
ka soo gudub waxba yaanan ku dheeraan wixii intaa ka dib dhacey.
Soomaaliland aan u soo noqdo 25 Sano ka bacdi waxa inoo qabsoomey Nabad gelyo aaney innala wadaagin Soomaali inteeda kale.Waxa aynu Horumar wanaagsan ka sameynay dhinaca Dibu dhiska Dalka,laakiin waxa Dib u dhac weyn ka jiraa dhinaca Caafimaadka, Wax-barashada,Nolosha Ijtimaaciga ah iyo Maamul Wanaagga.
Akhrirste Ma isweydiisey Sababta Qof kasta Niyadda ugu hayo in uu Dhulkiisii Hooyo ka hayaamo ee Dhallinyaradii ugu dhammaatey Badaha.
Sababta ugu weyn sida ay ila tahey waa Maamul xumo.Waxa aan Xasuustaa ilaa Maalintii Soomaaliland lagu dhawaaqey Siyaasiga Dalku waxa uu taageerayaashiisa u sheega Reer Hebel haddii aynu nahey Nasiib darro Dadka caadiga ahina waxa ay si indho la, aan ah ugu taageeraan Tolla,eyda Siyaasiga Raba in uu Jeebka ka buuxsado.
Isma doorin Gaalkaan direy iyo Daarta kii Galey:Abwaan Qaasim
Micnaha aan uga Jeedaa waa isma bedelin Siyaasigii Taliskii Siyaad Barre iyo Kan Soomaaliland qabsadey isagii uun baa Shaadhkii inoo bedelay,
Sidaa darteed isbedelka dhabta ah ee aynu u baahanahey waa Isbedelka Siyaasiga Reer Hebel. Haddii aynu ku Guuleysanno in aynu Tuurno Siyaasiga Reer Hebel waxa Hubaal ah in aynu ku Guuleysan doonno Isbedelka Waxbarashada,Caafimaadka iyo ka Mujtamaca oo ay ugu horreyso Aafada QAATKA iyo QABYAALADDA
Ibrahim Deria
London:UK

Latest News

  • Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Khilaafka Isgaadhsiinta ee u Dhaxeeya Somaliland Iyo Somaliya
  • Shir Lagaga Hadlayay Amaanka Dalalka Geeska Afrika ayaa Lagu Qabtay Dalka Jabuuti.
  • Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Kulan La Qaatay Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya
  • Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusa Mareeb.
  • Taayirka La Tuuro Ee Gaadiidka Oo Laga Samaynayo Qalabka Guryaha.

Latest Articles

  • Maxaa inoo diidaya inaynu ciyaarno doorkeena siyaasadeed ee Gobolka inagoo bilaa aqoonsi ah! W/Q Mohamed Abdirahman
  • Tacsi Tiiraanyo Oo Leh Oo Ku Socda Marxuun Aadan Siciid (Aadan Dooc) Oo Ku Geeriyadoy Burco.
  • African Borders Are Based On Land, Not On Clans..Ibrahim Hassan Gagale
  • Farmaajo Dab buu ku ciyaarayaa. (Farmajo is playing with fire)…By: Ali Xaruuri
  • TACSI KU SOCOTA MARXUUMAD RUUN DAAHIR QODAX OO KU GEERIYOOTAY DALKA INGIRIISKA

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital