unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

SHEEKH SHARIIF Xujada cusub ee Nabad iyo Nolol W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow

Ma aha mid shaki la galin karo in uu bilowday ol’olihii doorashada soo socata ee madaxtinimada Soomaaliya.

Xafladii caleemo saarka ee Garowe, Caasimadda Puntland ka dhacday ayaa tusaale mug weyn u ahayd taas oo ay isku arkeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo dhan.

Taas oo jirta, hadana waxaa uu muran xoogan u dhexeeyey dowlada hada jirta iyo kooxaha mucaaradka ah oo yeeshay wajiyo xisbiyo.

Xisbiyada UPD iyo Wadajir ayaa Muqdisho ugu caansanaa, balse kuwaas waxaa kulamooda is hortaagi jirtay dowladda dhexe.

Buuq badan ayey arrimahaas abuureen waxaana ugu dambeeyey kulan aqoon is weydaarsi ay xisbiga UPD Baydhabo ku qabsan rabeen oo maamulka Koonfur Galbeed is hortaagay.

Waxaa ka horreeyey maalin ama laba kahor kulan xisbiga Wadajir ay Hotel Maka-Almukarah ku qabsan rabeen oo booliska kala eryeen.

Arimhaas oo jira ayaa waxaa hadda si xowli ah ku soo koray saaxada xisbiga Hilimo Qaran oo uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dhaq dhaqaaq iyo xafiisyo furis ayuu xisbigaas ka wadaa dalka, gaar ahaan Puntland, hadaba waxaa la’is weydiinayaa, dowladda side ayey ula dhaqmi doontaa Hilimo Qaran oo la ogyahay xiriirka ka dhexeeya Farmaajo iyo Sheekh Shariif?

Sheekh Shariif hadii uu bilaabo kulamo siyaasadeed sida kuwii ka horreeyey ee UPD iyo Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur sameystay ee Wadajir ma ula dhaqmi doontaa sidooda oo kale mise isaga is ka duwan ayey ula macaamili doontaa?

Waxa xaqiiq ah in dhawaan wax walba kala cadaan doonaa balse dowladda waxaa hubaal ah in uu Sheekh Shariif iyo Xisbiga Himilo Qaran xujo ku noqon doonaan Madaxweyne Farmaajo. Waxaan sugaynaa jawaabta ay ka bixiso.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

Latest News

  • Xukuumadda Somaliland Ayaa Sheegtay In Gollayaasha Sharci Dajinta Ee Muddo Dhaafka
  • Maayirka Ceerigaabo oo digniin u diray Haay’addo warar beena ka faafiyay gobolkaasi
  • Shirwaynaha qaran ee hanaanka dhab u heshisiinta qaranka oo muqdisho lagu soo xidhay.
  • Siyaasi Cabdilaahi jawaan Muxu ka yidhi in Ethopia dhex dhaxaadineyso Somaliland iyo Soomaaliya
  • Deg Deg Dawladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Safarkii Madaxwaynaha Somaliland ee Itoobiya.

Latest Articles

  • Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo
  • Ogaysiis: UN HABITAT
  • Miyyi Ilaa Madaxtooyo: Sheeko Dhex Martay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif
  • SHEEKH SHARIIF Xujada cusub ee Nabad iyo Nolol W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
  • Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital