unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Iska hor-imaad xooggan oo dhex maray ciidamada Kenya iyo Itoobiya

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Mooyaale ee dalka Kenya, oo ku taalla xuduudda dalkaas uu la wadaago Itoobiya, kadib markii ay is-rasaaseeyeen ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya,

Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib markii Itoobiyaanka ay ka hor-yimaadeen qorshe ay Kenya ku xiri lahayd xuduudda, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Dowladda Kenya ayaa xuduudda u dirtay qandaraasleyaal, si ay uga qodaan godad, si loo joojiyo dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya Kenya.

Ilo-wareedyo ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in koox hubeysan oo Itoobiyaan ah ay rasaas ku fureen shaqaalaha Kenyanka, islamarkaana ay gubeen taanki shidaal ah iyo baldoosar.

Ciidamada Kenya ayaa markaas kadib ka jawaabay rasaasta, waxaana kadib labada dhinac ay is-weydaarsadeen rasaas xooggan oo socotay muddo.

Warbaahinta Kenya ayaa weriyey in kooxda Itoobiyaanka ay wateen dareeska ciidamada, balse warar kale ayaa sheegaya inay ahaayeen maleeshiyo.

Sarkaal ka tirsan guddiga ganacsiga Kenya ayaa sheegay in koox ganacsato Itoobiyaan ah iyo ciidamada amniga dalkaas ay ka carroodeen go’aanka Kenya ay ku xireyso xuduudda

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in kooxda iska hor-imaadka ku lugta laheyd ay ahaayeen ciidamada Takabas ee booliska keydka Itoobiya, kuwaas oo wacad ku maray in xuduudda ay furnaan doonta, oo aysan Kenya xiri karin.

Ilaa hadda ma cadda in dad ay wax ku noqdeen rasaasta ay isweydaarsadeen labada dhinac.

Latest News

  • Kaalmee kuwan iyo Kamarada qarsoon
  • 12 Km Ee Ugu Horeeyay Wadada Berbera Cori Door Ayaa Xadhiga Laga Jaray
  • Ururka Tvyada Madax Banaan Ee SIBA Oo Dhaliilay Gudiga Covid 19 Fariina U Diray Madaxweyne Muuse
  • “Dilkii Taliyaha iyo gudomiyaha Maxkamada Cidi ka dambaysay Waxa lagu wada Badhis”G.Gobolka Sool.
  • Daawo Khudbadii Taliyaha Police-ka Somaliland U Jeediyey Dufcadii Labaad Ee Qasho Qaran

Latest Articles

  • Hambalyo  Meher Wacan
  • Coronavirus dabadii ninkii roon baa reerka u hadhi W/Q Sharmaar Waceys
  • Burco waxay u baahan tahay xoog dhalinyaro oo Ufadii Hargeysa oo kale ah !!!!W/Q xuseen laki
  • Mufti Magacaaban iyo Marjac Culimo Oo lagu Midaysan Yahay Midna Ma Hayno W/Q Sharmaarke Aw-muuse
  • Xasuuqii Iyo Mar Kale Maya: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital