unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Ururada bulshada rayidka ah oo ka horyimid magacaabis ay sameeyeen Golaha Wasiirada

Muqdisho (Togdheer news) – Warsaxaafadeed ka soo baxay ururada bulshada rayidka ah ayaa waxaa looga hadlay magacaabidii Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batrolka oo ay sameeyeen Golaha Wasiirada ee u sii shaqeynaya sida KMG ah.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay sharci darro tahay magacaabida Golahaasi, iyada xukuumadda Soomaaliya ee kalsoonida lagala noqday loogu baaqay inay ilaaliso sharuucda u taalla dalka..

Ururada bulshada rayidka ah ayaa tilmaamay in xukumaadda oo si KMG ah u shaqeyneyso aysan sameyn karin magacaabid, loona baahan yahay inay u daayaan xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono.

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxa ay xusuusineysaa Hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta in ay ilaaliyaan ku dhaqanka Sharciga, wixii magacaabis ahna loo daayo xukuumadda cusub ee la sugayo.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalka ayaa la sii raaciyey Golaha Adeegga Garsoorka waxa uu lafdhabar u yahay Garsoorka Dalka, iyada oo waajidbaadyadiisa ay kamid yihiin talo-bixinta shuruucda garsoorka iyo soo jeedinta Magacaabista anshax marinta iyo Badalaadda xubnha garsoorka federaalka dalka. Haddii xubnahaan lagu magacaabo sifo aan sharci ahayn waxa aan suuragal ahayn in uu haqabtiro baahida cadaaladda ee dadka Soomaaliyeed qabaan.”

Si kastaba ha’ahaatee ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa horey uga horyimid magacaabida Golaha Adeegga Garsoorka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Somalia.

Latest News

  • Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani Oo Madal Hadalo Kuluul Is Weydaarsaday
  • Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Xilkii U Kala Wareejiyey Isku Duwihii Hore Ee Wasaarada Biyaha Gobolka Gabiley Iyo Isku Duwaha Cusub
  • Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Dhalinyar Ku Xidhan Yihiin Berbera
  • Qaar Ka Mida Ardeyda Ka Baxday Dugsiga Gacan-Libaax Oo Dayactir Ku Samaysay Dugsigaasi
  • Hudheel Cusub Oo La Magac Baxay Isoo Mar Ayaa Laga Furay Gebilay

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital