unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Puntland oo maanta xusaysa sannad-guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay as’aaskeeda

Garowe0(Togdheer News)Degaannada Puntland waxaa maanta oo Sabtiya laga xusayaa sannad-guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay as’aaskii dowladda Puntland oo ku beegan 1-dii Agoosto 1998-dii.

Magaalooyin ka tirsan Puntland ayaa maanta lagu qabanayaa xuska munaasabaddaasi 1-da Agoosto waxaana dib loogu milicsan taariikhda as’aaskii Puntland iyo guulaha laga dhaxlay hirgelinteeda.

Sidoo kale waxa Caawa qorshaysan in la qabto munaasabadda ugu ballaaran xuska 1-da Agoosto oo ka dhacaysa magaalada Gaalkacyo islamarkaana uu ka qayb-galayo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa kale oo jirta in baraha bulshadu ku xiriirto si weyn looga dareemayo xuska sannad-guurada 1-da Agoosto taas oo bulshadu ku muujinayso sawiro qurxoon oo lagu xardhay calanka Puntland.

As’aaskii Puntland oo maanta laga joogo mudda 22-sannadood ah waxa laga dhaxlay hannaan dowladnimo oo hirgeliyay nabad buuxda iyo horumar ka hana-qaaday gobollada ku midaysan Puntland.

Latest News

  • Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani Oo Madal Hadalo Kuluul Is Weydaarsaday
  • Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Xilkii U Kala Wareejiyey Isku Duwihii Hore Ee Wasaarada Biyaha Gobolka Gabiley Iyo Isku Duwaha Cusub
  • Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Dhalinyar Ku Xidhan Yihiin Berbera
  • Qaar Ka Mida Ardeyda Ka Baxday Dugsiga Gacan-Libaax Oo Dayactir Ku Samaysay Dugsigaasi
  • Hudheel Cusub Oo La Magac Baxay Isoo Mar Ayaa Laga Furay Gebilay

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital