unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

“Waa in beesha caalamku aysan micno weyn u yeelin xukuumad la eryey”

Muqdisho (Togdheer news) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale ka hadashay hanjaabada Beesha caalamka ee ku aadaneyd tallaabadii Baarlamaanku uu xilka uga tuuray Ra’iisal wasaare Kheyre, oo markii dambe sheegay inuu isku casilay danta shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ka qeyb galay dood ay qabatay idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa ka hadlay hanjabaadasi, isagoona gaashanka u daruuray eedaymaha ay usoo jeedisay Beesha caalamku.

Afhayeenka ayaa qoraalkii ay sida wada-jirka ah u soo saareen Saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya ku macneeyay mid aan macno buuran sameynayn, maadama uu joogo madaxweyne Farmaajo oo hore usoo magacaabay Ra’iisal wasaare Kheyre, isla markaana uu mid cusub usoo magacaabayo, taasi oo uu ku sheegay inay weli dowladdu lugo adag ay ku taagan tahay.

Cabdinuur ayaa sidoo kale  sheegay in Beesha caalamka laga filayay inay qeyb ka noqoto dhismaha hay’addaha dastuurig ah ee dalka, balse aan marnaba laga sugeyn inay ku mashquusho xukuumad kalsoonidii lagala laabtay, midaasi oo uu kusii xoojinayo mowqifkii xukuumada ee ku aadana hanjabaadda Beesha caalamka.

“Waxaan aaminsan nahay in dadaallada ay Beesha Caalamku sameysay ay meel fiican nasoo gaadhsiiyeen, walina nala garab taagan yihiin, laakiin waxaad ogaataa, haddii ay beesha caalamku rabtay inay qof maalgashato, oo ay awooddeeda isugu geyneysay, qofkii xukuumaddii uu hoggaaminayayba way tageen, balse haddii ay rabto in hay’ado dastuuri ah oo dhisan garab taagnaato, oo ay dhismahooda kasii qeyb qaadatana waxaa jooga madaxweynihii sharciga ahaa ee Ra’iisul Wasaaraha magacaabay,” ayuu yidhi.

Wuxuuna intaas kusii daray “Wali Beesha Caalamka way u furan tahay inay Soomaaliya kala qeyb qaadato dhismaha hay’adaha dowladda, oo ay ka mid tahay maxkamadda dastuuriga ah ee guddigeeda ay golaha Wasiirrada Magacaabeen. Marka waxaan Beesha Caalamka ka fileynaa inay garab istaagto dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, balse kama sugeyno inay xil ka qaadis ama xukuumad la kala eryay micno weyn noogu yeelaan”. 

Hadalka Afhayeenka ayaa imaanaya xili ay Beesha caalamku ay meel adag iska taagtay qorshaha Villa Somalia, oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay xil ka tuuristii Kheyre, oo si adag uga horyimid in Farmaajo loo sameeyo muddo kororsi ay ka digeen saamileyda siyaasadu.

Latest News

  • Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani Oo Madal Hadalo Kuluul Is Weydaarsaday
  • Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Xilkii U Kala Wareejiyey Isku Duwihii Hore Ee Wasaarada Biyaha Gobolka Gabiley Iyo Isku Duwaha Cusub
  • Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Dhalinyar Ku Xidhan Yihiin Berbera
  • Qaar Ka Mida Ardeyda Ka Baxday Dugsiga Gacan-Libaax Oo Dayactir Ku Samaysay Dugsigaasi
  • Hudheel Cusub Oo La Magac Baxay Isoo Mar Ayaa Laga Furay Gebilay

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital