unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Safiirka Shiinaha U Jooga Soomaaliya Oo Maanta Safar Sanqadh Yar Ku Yimid Hargeysa

Hargeysa (Togdheer news) – Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Amb. Qin Jian ayaa Sabtida Maanta booqasho ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Qin Jian ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ee Cigaal kaga hor-tagay isla-markaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kuwaasi oo u soo galbiyey gudaha Caasimadda, sida loo sheegay Geeska Afrika.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo Fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaan ujeeddada socdaalkiisa la ogayn, laakiin Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmaya bil uun ka dib markii Dawladda Somaliland si rasmiya u shaacisay inay xidhiidh la samaysay Taiwan oo Shiinaha ka go’day, arrintaasi oo uu Shiinuhu aad uga cadhooday.

Mr. Qin Jian ayaa si khaas ah Baraha uu Bulshada ku leeyahay, gaar ahaan Twitter-ka ku baahiya hadallo uu ku muujinayo sida Dawladdiisu uga horjeeddo xidhiidhka Somaliland la samaysay Taiwan, sidoo kalena sidii xidhiidhkaa loo curyaamin lahaa kulamo kala yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Illaa hadda lama oga in Safiirku arki doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo in kale.

Latest News

  • Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani Oo Madal Hadalo Kuluul Is Weydaarsaday
  • Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Xilkii U Kala Wareejiyey Isku Duwihii Hore Ee Wasaarada Biyaha Gobolka Gabiley Iyo Isku Duwaha Cusub
  • Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Dhalinyar Ku Xidhan Yihiin Berbera
  • Qaar Ka Mida Ardeyda Ka Baxday Dugsiga Gacan-Libaax Oo Dayactir Ku Samaysay Dugsigaasi
  • Hudheel Cusub Oo La Magac Baxay Isoo Mar Ayaa Laga Furay Gebilay

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital