unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Soomaaliya Iyo Sweden Oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Xoojinayo Xidhidhka

TOGHDHEERNEWS : – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku saxiixay Muqdisho xalay fiidkii oo Axad ahayd ( 1 December) heshiis is-afgarad Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander, diblomaasiyiin Soomaali iyo Sweden.

Agaasimaha guud ee FBA Mudane Sven-Eric Söder ayaa saxiixay heshiiska oo sare loogu qaadayo wax wadaag istiraatiijiyadeed dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Wax wadaaggan ayaa waxa uu ka qeyb-qaadanayaa xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee muhiimadda u leh labada dal, kaasi oo ka tarjumaya rabitaanka guud ee hore loogu dhaqaajinayo xiriirka laba-geesoodka oo lagu gaarsiinayo heerkiisii ugu sarreeyay.

Heshiiska waxa uu qeexayaa in Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) ay ku qabato dalka Soomaaliya tababarro iyo barnaamijyo cilmi-baaris , iyadoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana tababarada siyaasadeed, diblomaasiyadeed, nabad-dhisid iyo xalinta khilaafaatka loo qoon-deeyay in la siiyo kaadiriinta ka shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hey’adaha kale ee dowladda.

Latest News

  • Wasiir Ku-Xigeenkii Hore Ee Wasaaradda Maaliyadda Somaaliland Ayaa Xilkii Wasaaradaasi Wareejiyay,
  • Wararki Ugu Dambeeyay Iyo Xaalada Gurigi Ay ku Geriyodeen Qoyski 4 Qof Ahaa
  • Xildhibaano Dacwad Ka Gudbinaya Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Jawaabta Xisbigaas
  • Masuul katirsan Xisbiga Ucid Ayaa Looga Yeedhay Xarunta cid-da Xisbiga Ucid Ayaa ka Hadlay.
  • Maxamuud Xaashi Kuma Jiro Hogaanka Kulmiye Golaha Dhexe Dhawaanbu Soo Galay

Latest Articles

  • Sharci-jebin: Komishanka Cusub ee Doorashooyinka Lama Marin Dhaartii Saxda ahayd ee Xeerku Waajibiyey
  • Somaliland: Sharciga ayaa Qeexay Qaabka loo Xulayo Xubnaha Komishanka ee ha la Joojiyo Qardo-jeexa iyo Qaylada Badan
  • Xigmadihii Dhaxalka Qaran Noqday ee M/weynihii Hore Somaliland Mudane Rayaale
  • Wariye Kayse Axmed Digaale Oo Bariga London Loogu Sameeyay Casho-Sharaf
  • Wada-shaqaynta qarsoon ee Hargeysa iyo Xamar

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital