unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Dagaal Ka Dhex-qarxay Laba Maleeshiyo Oo Puntland Iyo Galmudug Kasoo Kala Jeeda

TOGDHEERNEWS : – Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed uu ka soconayo duleedka degmada jariiban ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa deegaan lagu magacaabo Ina diideey oo 15 km dhinaca Bari ka xiga deegaanka Afbarwaaqo ee barriga gobalka Mudug, waxaana uu u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dad ku sugan gobolka Mudug ayaa sheegay in dagaalka oo bilaawday saakay aroortii hore ay ku geeriyoodeen ilaa 8 Ruux halka in ka badan ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay dhammaantood ahayeen kooxihii dagaalamay.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la soo warinayaa in loo qaaday dhanka magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Labada maleeshiyo ee dagaalantay ayaa waxaa la sheegay in ay isku heystaan dhul ku yaalla deegaanka lagu dagaalamay, waxaana dagaalkaan uu yahay mid soo laab laabtay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulada Puntland iyo Galmudug.

Odayaal iyo waxgarad ayaa ku baaqaya joojinta dagaalka waxaana sidoo kale socda dadaal lagu doonayo in lagu damiyo xiisadda.

Latest News

  • “1960 Kii AUN Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Xisbi Ayuu Hogaaminayey Adiguna Iminka Laguu Sheegayaa In Siyaasada Ka Qayb Gasho” Cabdikariin Axmed Mooge
  • Wasiirka Biyaha Oo Xadhiga Ka Jaray Ceel-Biyood Cusub Ee Arabsiyo
  • Khilaafka Doorashada Itoobiya Oo Cirka Isku Shareertay
  • Sheekh Cabdiraxmaan Dheere Oo ka hadlay Dhibaatooyinka Maandooriyaha
  • Somaliland Oo Ka Hadashay Heerka Xun Ee Kufsigu Marayo

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo¬† Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital