unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Madaxweyne Farmaajo Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Ka Qeyb-galeyaashii Shirweynaha Qaran Ee Dhallinyarada

TOGDHEERNEWS : – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay dhallinyaro ka socotay dalladaha iyo ururrada heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee ka qeyb galey Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed 2019-ka.

Madaxweynaha ayaa uga xog warramay dhallinyaradeenna qorsheyaasha ku qotoma awoodsiinta siyaasadeed iyo dhaqaale ee dhallinyarada, kuwaas oo Dowladdu ay ku bixineyso horumarinta iyo xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin hoggaaminta dalka.

“Waxaan haatan u soconnaa in aan shacabka Soomaaliyeed ee dhallinyarada u badan aan u soocelinno talada dalka, taladaas oo ka bilaabmata doorashada. Dhankooda dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay naftooda kula xisaabtamaan dadaalka ay dalkooda geliyaan iyo gacanta ay ka geystaan horumarka iyo dowladnimada.”

Madaxweynaha ayaa xusay in tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu ee adkeynta midnimada iyo madaxbannaanida dalkeenna ay horseedday dib u soo celinta maqaamka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Intii kulanku uu socday, Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa la wadaagtay Madaxweynaha nuxurka Shirkii Qaran ee dhallinyarada, horumarka ay ku tallaabsadeen dhallinyarada Soomaaliyeed sanaddihii la soo dhaafay, aragtidooda ku aaddan qorsheyaasha Dowladda iyo caqabadaha heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal ee ay tahay in xalkeeda wadajir looga shaqeeyo.

Casho sharaftan maamuuska ah waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka iyo ciyaartooyda Kooxda Soomaaliyeed ee dalka Australia oo dalka u yimid hawlo samafal iyo in ay tartamo ciyaaro oo sare u qaadaya is dhexgalka bulshada ay la yeeshaan ciyaartooyda gudaha.

Latest News

  • “1960 Kii AUN Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Xisbi Ayuu Hogaaminayey Adiguna Iminka Laguu Sheegayaa In Siyaasada Ka Qayb Gasho” Cabdikariin Axmed Mooge
  • Wasiirka Biyaha Oo Xadhiga Ka Jaray Ceel-Biyood Cusub Ee Arabsiyo
  • Khilaafka Doorashada Itoobiya Oo Cirka Isku Shareertay
  • Sheekh Cabdiraxmaan Dheere Oo ka hadlay Dhibaatooyinka Maandooriyaha
  • Somaliland Oo Ka Hadashay Heerka Xun Ee Kufsigu Marayo

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital