unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Safarkiisii u Horeeyay Ugu Kicitimay Dalka Jabuuti

 

Hargeysa(Togdhnews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo madaxweynuhu uu ka helay marti-qaad rasmi ah, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport, salaan sharafna ka qaatay cutub ka mida ciidamada.

Safarka madaxweynaha ayaa qaadan doona maalmo kooban, waxaana marti-qaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxaanu safarkani noqon doonaa mid sii xoojiya wada shaqaynta labada dal ee walaalaha isla markaana jaarnimadu ka dhaxayso, iyadoo ay labada madaxweyne ka wada hadli-doonaan xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Waxa Safarka ku wehelinaayey:

1. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire

2. Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska, Md. Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon)

3. Wasiirka Caddaalada, Md. Cabdiqani Maxamuud Cateeye

4. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan

5. Taliyaha Ciidanka Badda Somaliland, Sareeyo guuto Cabdi Xirsi Ducaale

Sidoo kale waxa safarka madaxweynaha ka mid ahaa:

1. Weriye Ridwaan Caydiid Ismaacil (Akiid)

2. Ibraahim Cabdiqaadir Ibraahim (Eagle)

Naasir Yuusuf Daahir
Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland

Latest News

  • Gud.Cirro Oo La War bixiyay Shirar Caalami ah oo uu kaga qaybgalay Dalka Sweden
  • Siyaasi Buubaa oo Ka hadlay Saamaynta Safarkii RW Itoobiya Ku yeelan karo Somaliland
  • Waxyaabaha Hor istaaga in ducada la aqbalo – Sh.Cabdiraxmaan Dheere
  • Xoghayaha Mujaahidiinta Somaliland Ayaa Ka Hadlay Xaaladda Waddanka
  • Abwaan Ku Dhiiri Galiyay Abwaanadda Dalka Ka Qayb Galka Nabadaynta Dalka

Latest Articles

  • MAALINTA CAALAMIGA AH EE QUDUS ( JUMCAHA UGU DANBEEYA RAMADAAN )
  • Waayahii daraad Jirey Maantuu ka daran yahay.
  • SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’ AH. W.Q Liibaan Shaadiro Qaybtii Labaad
  • TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 22` aad .
  • Xasuustayda Weedho Kooban Oo AHN.Maxamed Nuur Giriig Ka Yidhi Sahra Axmed Jaamac: Q.2aad…

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital