unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

PUNTLAND OO DISHAY MADAXII AL-SHABAAB U QAABILSANAA QARAXYADA GOBOLKA MUDUG

Laamaha Amniga Dowladda Puntland ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo, oo kaashanaya Taliska Ciidanka Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya hawgal qorshaysan ku dilay Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ee Puntland, ayaa lagu sheegay in Laamaha Amniga Puntland, oo kaashana Ciidanka DANAB ay hawlgal qorshaysan ku dileen, Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug, inkastoo aysan shaacin magaca Sarkaalkaasi.

Qoraalka PSF, ayaa lagu sheegay in Horjoogaha la dilay uu ka dambeeyay, qaraxyo badan oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa Puntland iyo Galmudug, haatanna uu qorshaynayay in uu qaraxyo kale ka fuliyo gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Laamaha Amniga, ayaa sidoo kale u mahadceliyay Shacabka, oo sida ay sheegeen Macluumaad ka siiyay, Daba-galka Sarkaalkaasi Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug.

Latest News

  • Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Kormeeray Xarumaha Dawlada Ee Gobolkaasi
  • Madaxweyne Puntland Oo Gudid U Magacabay Aaska Qaran Ee Madaxweynihii Hore Ee Puntland Iyo Ra’Iisul Wasaare Hore Soomaaliya
  • Mid Ka Mid Ah Madax Dhaqameedka Somaliland Oo Ka Hadlay Soo Qabashada Labadii Gacan Ku Dhiigle Oo Deeganka Ceel Afweyn
  • Suldaan Cusub Oo Lagu Caleemo saaray Dalka Sweden Kaso Ka Shaqayndoona Arimaha Dhaqanka Soomalida
  • “Waxaan Lee Yahay Aynu Iska Dul Qaadano Saamigeena Waynu Helaynaayee ” Boqrka Beelaha Gabooye

Latest Articles

  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan
  • Coronavirus dabadii ninkii roon baa reerka u hadhi W/Q Sharmaar Waceys

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital