unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Siyaasiyiin Muqdisho uga dhawaaqay xisbi siyaasadeed cusub

Muqdisho (Togdheer news) – Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta oo ah Sabti 6da Juun 2020ka lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana lagu daah furay xisbi siyaasadeed cusub, xisbigaas oo loogu magac daray Xisbiga Isbeddelka Dimoqraadiga ah, afka Ingiriiskana noqonaya Democratic Party for Change DPC, xisbigan oo Haldhigiisu yahay “Dib u Xilqaamidda Dowladnimada Soomaaliya” oo afka ingirrisiga noqonaya “recommissioning Somali Statehood”.

Munaasabaddass oo ay ka soo qeyb galeen dad bulshada magac weyn ku leh sida odayaasha dhaqanka, madaxda xisbiyada siyaasadeed ee dalka, ururada bulshada, aas aasayaasha xisbiga iyo golahiisa dhexe, garabyada haweenka iyo dhalinyarada. Furitaanka ka dib waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah ka soo qeyb galayaasha, kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga hadlay xisbigaan cusub iyo howlaha looga fadhiyo maaddaama waddanku xilligan marayo marxalad kala guur ah.

Mabaa’iidiisa Xisbiga ayaa ah Dhowrista Madaxbanaanida iyo Midnimada Dalka, dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, adkaynta ku dhaqanka xeerarka dalka, la dagaallanka jahliga iyo Faqriga, iyo fursad siinta Haweenka iyo Dhalinyarada si ay kaalin muuqata uga qaataan hogaanka iyo dib u dhiska Dalka.

Guddoomiyaha KMG Xisbiga Isbeddelka Dimoqraadiga ah Mudane Xasan Xaaji Ibraahim ayaa halkaa ka jeediyay khudbad dheer oo taabanaysa dhinacyo badan, khaasatan heerarkii uu soo maray yagleelidda xisbigan iyo inay ku midaysan yihiin dad bulshada magac iyo maamuus ku leh. Gudoomiyaha KMG ee Xisbiga mudane Xasan Xaaji ayaa sidoo kale xusay macanaha uu ku fadhiyo Halku dhigga xisbiga ee ah Dib u Xilqaamidda Dowladnimada Soomaaliya, taasoo ah in 20kii sano ee la soo dhaafay dowladnimada Somaliya heerar kala duwan soo mareen balse aan laga faa’iideysan in si dhab ah loo unko dowladnimada dalka, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay waqti ka lumay shacabka Soomaaliyeed, sidaa darteed lagama maarmaan tahay in la dhiso Dowlad si dhab ah u metesha shacabka awooddana gacantooda ku soo celisa, lagana maarmo ku tiirsanaanta dalalka shisheeye, si dhab ahna loogu howl galo in aan cagaheena ku istaagno.

Guddoomiye Xasan Xaaji ayaa aad uga hadlay marxaladda haatan dalku marayo iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in isbeddel ijaabi ah dalka ka dhaco oo loo sinnaado hoggaanka dalka. Guddoomiye Xasan ayaa sheegay in 60kii sano oo xorriyadda la haystay ay hoggaanka dalka isku beddelayeen beelo gaar ah, tusaale ahaan dhamaan Madaxweynayaashii dalka soo hogaaminayay muddadaas lixdanka sano ah ay ka soo jeedaan gobollo gaar ah taasoo dad badan qabaan in dibu dhaca iyo horumar la’aanta dalka ay qayb weyn ka tahay hoggaanka oo aan loo sinnayn muhiimna ay tahay in dood laga furo arrinkaas. Waa in laga hadlaa dibu dhaca dalka hadday noqon lahayd xagga Amniga, Dhaqaalaha, iyo SIyaasaddaba, si daah furnaan ah oo looga doodaa arrinkaan masiiriga ah waxay keenaysaa in dalkeennu cagihiisa ku istaago, sidaa darteed xisbigan wuxuu horseedi doonaa isbeddel dalka ka dhaca ayuu yiri guddoomiyaha.

Latest News

  • Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Kormeeray Xarumaha Dawlada Ee Gobolkaasi
  • Madaxweyne Puntland Oo Gudid U Magacabay Aaska Qaran Ee Madaxweynihii Hore Ee Puntland Iyo Ra’Iisul Wasaare Hore Soomaaliya
  • Mid Ka Mid Ah Madax Dhaqameedka Somaliland Oo Ka Hadlay Soo Qabashada Labadii Gacan Ku Dhiigle Oo Deeganka Ceel Afweyn
  • Suldaan Cusub Oo Lagu Caleemo saaray Dalka Sweden Kaso Ka Shaqayndoona Arimaha Dhaqanka Soomalida
  • “Waxaan Lee Yahay Aynu Iska Dul Qaadano Saamigeena Waynu Helaynaayee ” Boqrka Beelaha Gabooye

Latest Articles

  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan
  • Coronavirus dabadii ninkii roon baa reerka u hadhi W/Q Sharmaar Waceys

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital