unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Wufuud Culimo, Ciidan iyo Masuuliyiin Isugu Jira Oo Gaadhay Ceel Afweyn

Ceel-afweyn(Togdhnews)- Weftiyo kala duwan iyo Ciimmo Millateriga Somaliland ka tirsan, ayaa shalay gaadhay degmada Ceel-afweyn, kuwaasoo qayb ka ah Gurmadka adkaynta nabadgelyada deegaannada Dogoble iyo Dararweyne ee degmada Ceel-afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay, Culimo ka tirsan Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland ee gobolka Togdheer, Ciimadda Millateriga oo Askar iyo Saraakiilba leh, ayaa shalay gaadhay deegaannadaas, isla markaana waxay sheegeen inay halkaas u tageen soo celinta iyo adkaynta nabadgelyada deegaannadaas oo ay ku dirireen laba Beelood oo ood-wadaag ah, isla markaana Arbacadii iyo Khamiistii inna dhaafay isu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Waxaa Shaqaaqadaa labada Beelood ku dhex-martay deegaannada Dogoble iyo Ceel-afweyn ku dhintay Siddeed Ruux oo mid ka mid ahi ka tirsanaa Ciidammada Qaranka Somaliland iyo Toddoba Ruux oo ka kala tirsan labada Beelood, isla markaana ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan oo mid ka midi tahay Hooyo Umul ah.

Ceel-afweyn

“Illaa iyo maalintii ay wax dhaceen Ciidammada Qaranka iyo Booliska ayaa goobta joogay, iyadoo Xabbaddu dhacayso ayaannu annaga iyo Ciidammadu dhex-galnay, waanay mahadsan yihiin. Waxaanan dadka ugu baaqayaa inay awaamiirta Ciidammada u hoggaansamaan, isla markaana Culimada Illaahay dartii ugu timi ee gobolka Togdheer ka timi ee Calanka cad sidata, ee Diinta iyo Wanaagga idin faraysa maqla oo u hoggaansama baaqooda.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay.

Sidoo kale, Saraakiil Ciidammada ka tirsan oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inaanay nabadgelyada cidna ka baryeynin, isla markaana ay fulinayaan amarka Madaxweynaha ee ah in masuuliyadda Ciidanka saarani tahay inay nabadda sugaan, cid kasta oo dhibaataynaysa hadday qof tahay iyo hadday beel tahayna ay tallaabo ka qaadi doonaan Ciidan ahaan.

Gebo-gabadii Culimada Wanaag-farista gobolka Togdheer oo noqday Culimadii ugu horreysay ee deegaannadaas shaqaaqadu ka dhacday gaadhay, ayaa Dadka ku wacdiyey dhibaatada ay nabadgelya-darradu leedahay, culayska uu leeyahay qof Islaam ah dilkiisu iyo dhibaatooyinka aan hadhitaanka lahayn ee isku dhaca sokeeyaha oo ah Dadka Muslimka ahi ay leedahay Aakhiro iyo Adduunkaba.

Latest News

  • Shirwaynaha Beelaha Gaashaanbuur Ee Axmd Faarax Oo Ka Furmay Burco
  • Gudida Nabadgalyada Gobolka Togdheer oo Go’aamo Ka Soo Saartay Gaadiidka Tigaha
  • Wasaaradda Hawlaha guud iyo Dawladda Hoose Hargaysa oo Kulan Ku yeeshay Hargaysa
  • Falanqayn: Sidee ayuu u dhacay Dilka Wariye Jamal Khashoggi
  • Madax-dhaqmeedka Bariga Hargaysa oo Shacabka ugu baaqay in La Ilaaliyo Nabad

Latest Articles

  • WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO (WQL) Muhamed Dhimbiil
  • SU’AAL DADWEYNOOW?
  • WARQAD FURAN !
  • Fadeexada Ka Dhalatay, Kala Eexaysiga Madaxweyne Muuse Ee Jaamacada Inaadeerkii Iyo Jaamacada Burco. W/Q: Ibraahin Aadan Aw Qoobey
  • Af duubkii Dimoquraadiyadda Somaliland, Qore: Casha Miigane

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital