Cabdi Maxamuud Cumar oo ay qabteen Ciidamadda Millateriga Itoobiya
Wararka Shabakadda Togdheernews kasoo gaadhaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ay ciidammada militariga federaalka Itoobiya la tageen.
Balse dad ku sugan Itoobiya ayaa Noo xaqiijiyay in Cabdi Maxamuud cumar la qabtay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Maxamuud Cumar ay militariga u kaxaysteen magaalada Addis Ababa.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay.
Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.