unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Madaxweynaha Iraan oo cuna-qabateynta Mareykanka ku Tilmaamay”dagaal maskaxeed “

Madaxweynaha dalka Iraan, Xasan Rouhani ayaa ka horyimid cuna-qabateyn cusub oo u Mareykanka ku soo rogey, waxaanu sheegay inaysan wada-hadal la gali doonin marna maamulka uu hoggaaminaayo Trump.

Rouhani, oo hadal ka jeediyay telefishinka ay dowladda Iraan maamusho ayaa madaxweynaha Marekanka ku eedeyay inuu ku howlan-yahay kala qoqob iyo burbur ku yimaada Iraan, isagoo cuna-qabateynta cusub ku tilmaamay dagaal maskaxeed lana-doonayo in lagu qeybiyo dadka reer Tehraan.

Mareykanka ayaa mar kale dib ugu soo rogey dalka Iraan cunaqabateyntii dhaqaale. Cunaqabateyntan ayaa markeedii hore Iran loogu soo rogey si loo xadeeyo barnaamijkeedii nukliyeerka, waxaase markii dambe looga qaadey heshiis caalami ah sanadkii 2015-kii.

Madaxweynaha Marekanka, Donald Trump ayaa si joogto ah u cambaareyn jirey heshiiskaas, xilli hore oo saakay ah ayuu ku weerarey Iraan in maamulka ka jira uu yahay kaligii taliye dilaa ah,wuxuuna Mareykanka ka saarey heshiiskaas seddex bilood ka hor, cunaqabateyntan ayaa hirgashey saqdii dhexe ee Isniinta.

Waxaa kale oo uu ku celiyey madaxweyne Trump, in Nov 5 Mareykanka uu sii wadi doono cunaqabateynta dhinaca tamarta iyo ganacsiga ee ay la galaan ganacsatada ajaanibta ah iyo hey’adaha dhaqaalaha bankiga dhexe ee Iran.

Midowga Yurub ayaa ka hadlay sida ay uga horjeedaan tallaabadaasi,waxayna ballan ku qaadeen in la ilaalinayo waxyaabaha ay sameeyaan shirkadaha dalkaasi ee ganacsiga sharciga ah.

Latest News

  • 3 Qof Oo Ku Geriyoodey Shil Baabuur Oo Ka Dhacey Magalada Burco…….
  • Qaar Ka Mid Ah Ergooyinka Ka Qeyb Gaalaya Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Gadhey Borama
  • Maxay Somaliland Ka Tiri War Saxafeedki Dowlada Ethopia Ka Soo Saartay Kulanka Labada Dhinac
  • Ardeydi Ku Guulaystey Bandhigi Sugaaneedki Jamacada Beder Ayaa La Shaaciyey
  • Somaliland Oo Shaacisay In Gadiidka Dalka Yaala Sanadkiiba Halmar Tayadooda La Eegi Doono

Latest Articles

  • Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo
  • Ogaysiis: UN HABITAT
  • Miyyi Ilaa Madaxtooyo: Sheeko Dhex Martay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif
  • SHEEKH SHARIIF Xujada cusub ee Nabad iyo Nolol W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
  • Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital