unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Muqdisho Uga Qayb Galay Munaasabad Lagu Xusayo Maalinta Midowga Germany.

TOGDHEERNEWS : Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Muqdisho uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalintii ay jamhuuriyaddii federaalka Germany iyo Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Germeny ay ku midoobeen hal dowlad iyo hal calan.

 

October 3, 1990, ayaa jamhuuriyaddii federaalka Germany iyo Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Germeny waxa ay ku midoobeen dowaldda federaalka Jarmalka, waxaana sannad waliba, bisha October laga xusaa gudaha dalka Germany iyo safaaradaha ay adduunyada ku leeyahay, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu Jarmalka ugu hambalyeeyey soddonka sano oo midnimada ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay Germany ka baranayaan sida qaran loo mideeyo xilliga ay adagtahay, sida dhibaatooyinkii dhacay loogu bedelo mustaqbal barwaaqeysan, qorshaha dadka leesugu keeno, looguna sameeyo bilaaw cusub oo wanaagsan, khibradda federaalka, qaybsiga kheyraadka iyo dhismaha hannaanka looga gubo kala qaybsanaan soddon sano jirsatay.

Dowladaha Soomaaliya ayaa xariir iyo iskaasho xooggan oo soo jireen waxa ay la leedahay dowladda Germany oo kamid deeq bixiyaasha taageera dowladda, sidoo kalana dalkeeda kusoo dhaweysay kumannaan qoysas Soomaaliyeed ah oo dalka ka tegay xilligii ay xumeyd.

Latest News

  • Cabdilaahi Darawal Oo Muddo Dheer Ka Bacdi Ka Hadlay Arrimo Xasaasi ah
  • Wefti Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Si Kedis Ah Ku Yimid Somaliland Maxayse Ka Wada Hadleen Madaxweyne Muuse Biixi
  • Madaxweynaha Jabuuti Oo Qaabilay Madaxweynaha Maamulka Puntland
  • Xiisad ka dhex oogan Turkey iyo Russia
  • Ururka Nooleye Oo Hooyo laba Caruura Oo mataana dhashay Oo Danyar Ah Oo Gaadhsiiyay Deeq Raashina

Latest Articles

  • MAXAA SOMALILAND FURSAD UGU JIRA SAFARKA MADAXWAYNE BIIXI KU TAGEY ADDIS-ABABA? W/Q Mohamed Abdi Jama  
  • Nidaamkeena cashuuruhu waa mid caddaalad darro ah oo danyarta culays ku ah (WQ: Guleed Axmed Jaamac “Dafac”)
  • Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Gabay Loo Tiriyey
  • XISBIYO/URURO SIYAASADEED QARAN OO DHISAN AYAA XUKUUMAD WANAAGSAN SOO SAARI KARA !!! W/Q Mohamed Dhimbiil
  • Xoog iyo Caadifad Shaqayn Mayso ee waa in la Helo Sharci Lagu Ciqaabo Dadka Somaliland ee u Goosta Soomaaliya Faalo

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital