unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Shirkada Jubba Airways Oo Dacwad Ku Furtey Dawlada Kenya .

TOGDHEERNEWS : Shirkadda Jubba Airways ayaa dacwad ka furtay Maxkamadda Sare ee Kenya, ayada oo ku dooday in diyaaraddii sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo ay fasax la’aanteeda isticmaasha ruqsaddeeda.

Jubba Airways ayaa kiiskeeda ku sheegtay in diyaaraddan oo ay lahaayeen ganacsato ku duushay Ruqsadda Jubba Airways, iyadoo aysan wadin duuliyayaashii shirkadda, islamarkaana aysan shirkaddu ka war hayn.

Diyaaradda ayaa waxaa duuliye lagu magacaabo Alex oo Kenyan ah, oo la rumeysan yahay inay lacag siisay Jubaland.

Kiiska Jubba Airways ay u gudbisay maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku eedeeyey Alex, oo ahaa duuliyihii diyaaraddii Kismaayo ka degtay, inuu waday diyaaradda oo magaca Jubba Airways ku diiwaan gashan.

Jubba airways ayaa dalbatay in Nairobi laga xanibo diyaaradii ku duushay ruqsadeeda.

Tallabada ay qaaday Jubba Airways ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay shalay ku war-gelisay in lagala laabtay ruqsaddii ay uga howl-galeysay Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay wada-hadall dheer oo shalay illaa xalay u socday Jubba Airways iyo dowladda ayaa mas’uuliyiinta Jubba ku doodeen inaysan ka war-hayn diyaaraddii tagtay Kismaayo ee ruqasaddooda lagu kaxeeyey.

Jubba ayaa codsatay in ruqsadda dib loogu fasaxo, islamarkaana ay maanta kiis ka dhan ah arrintan u gudbineyso maxkamadda sare ee Kenya, kaasi oo dowladda ay ku qanacday, waxayna Jubba ,aanta duulimaadyo ku kala aaday magaalooyinka Kismaayo iyo Gaalkacyo.

Diyaaradda Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, ayaa sida la sheegay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka.

Diyaaradaas ayaa jabisay xayiraadii ay dowladda federaalka ku soo rogtay bishii hore magaalada Kismaayo, taas oo ahayd in diyaaraddi tagaysa ama ka duulaysa magaaladaas ay waajib ku tahay in ay soo marto magaalada Muqdisho iyo sidoo kale, amar kale oo ahaa in 24-saac ka hor ay diiyaaradu soo gudbisato codsigeeda ku aadan duulimaadka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Latest News

  • Cabdilaahi Darawal Oo Muddo Dheer Ka Bacdi Ka Hadlay Arrimo Xasaasi ah
  • Wefti Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Si Kedis Ah Ku Yimid Somaliland Maxayse Ka Wada Hadleen Madaxweyne Muuse Biixi
  • Madaxweynaha Jabuuti Oo Qaabilay Madaxweynaha Maamulka Puntland
  • Xiisad ka dhex oogan Turkey iyo Russia
  • Ururka Nooleye Oo Hooyo laba Caruura Oo mataana dhashay Oo Danyar Ah Oo Gaadhsiiyay Deeq Raashina

Latest Articles

  • MAXAA SOMALILAND FURSAD UGU JIRA SAFARKA MADAXWAYNE BIIXI KU TAGEY ADDIS-ABABA? W/Q Mohamed Abdi Jama  
  • Nidaamkeena cashuuruhu waa mid caddaalad darro ah oo danyarta culays ku ah (WQ: Guleed Axmed Jaamac “Dafac”)
  • Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Gabay Loo Tiriyey
  • XISBIYO/URURO SIYAASADEED QARAN OO DHISAN AYAA XUKUUMAD WANAAGSAN SOO SAARI KARA !!! W/Q Mohamed Dhimbiil
  • Xoog iyo Caadifad Shaqayn Mayso ee waa in la Helo Sharci Lagu Ciqaabo Dadka Somaliland ee u Goosta Soomaaliya Faalo

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital