unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Madaxweyne Erdogan Oo Shaaciyay Inay Gacanta Ku Soo Dhigeen Xaaska, Sodoga Iyo Walaasha Baqdaadi

Red stamp on a white background - Breaking News

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa markii u horeysay si rasmiya u shaaciyay in dalkiisu uu gacanta ku soo dhigay Xaaska hogaamiyihii hore ee Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi.

Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Turkigu ay xireen haweenay la dhalatay Baqdaadi iyo Sodogiisa, kadib in ka badan toddobaad markii Hogaamiyaha Daacish lagu dilay gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya.

“Mareykanku wuxuu sheegay in Baghdadi uu is diley, waxayna arrintaasi u bilaabeen olole, Laakiin waxaan halkan markii u horeysay kaga dhawaaqaya ‘in aan soo xirnay Xaaskiisa, waxaana sidoo kale gudaha Suuriya ku qabanay Walaashiis iyo Soddogiis” ayuu yiri Erdogan xili uu shalay khudbad ka jeedinayay Jaamacada Ankara.

Wuxuuna intaas kusii daray Erdogan “Argagixisanimadu waa qofka oo dhiig dadka aan waxba galabsan u daadiya sababtiisa qaloocan, isagoo aan diir naxeyn. Qofka Muslimka ahna ma aha argagixiso”.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxa kale oo uu sheegay in argagixsida ay baadi-goobayaan reer Galbeedku, inay ku sugan-yihiin gudaha dalalkooda, isagoona tusaale u soo qaatay ninka ay aadka isku hayaan ee Fethullah Gülen.

Erdogan ayaa ugu dambeyntiina khudbada uu ka jeedinayay Jaamacada Ankara, si weyn uga hor-yimid in Muslimka lagu tilmaamo argagixiso, wuxuuna ifiyey in argagixisada ku kor duugan yihiin dad neceb islaamka.

Latest News

  • Magaalada Hargeysa Oo Markii Ugu Horeysay Lagu Qabanayo Tartanka Dhinaca Fardaha Ah
  • “Xukuumaddu Waxay Ilaaladii Ka Qaaday Guddoomiyaha Waddani, Qaarna Way Xidhay” Cabdilaahi Geel Jire
  • Hayada Xuququl Iinsanka Madax Banaan somaliland oo cambaareyay xadhiga masuuliyin ka tirsan waddani
  • Siyaasiyiinta Madasha Ayaa Ka Hadlay Xaalada Dalka Waxayna Farin U Direen Madaxwayne Muuse Biixi
  • “Taladdii u danbaysay ee aan madaxweynaha siiyaa waxay ahayd….” Jiif caaqil askar’’

Latest Articles

  • Somaliland: Sharciga ayaa Qeexay Qaabka loo Xulayo Xubnaha Komishanka ee ha la Joojiyo Qardo-jeexa iyo Qaylada Badan
  • Xigmadihii Dhaxalka Qaran Noqday ee M/weynihii Hore Somaliland Mudane Rayaale
  • Wariye Kayse Axmed Digaale Oo Bariga London Loogu Sameeyay Casho-Sharaf
  • Wada-shaqaynta qarsoon ee Hargeysa iyo Xamar
  • Aniga oo ah Aqoonyahan / Abwaan Ibraahim-Rashiid Cismaan Guure waxaan kula talin lahaa ummadda reeer somaliland Qodobbadan:

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital