unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Somalia Iyo Norway Oo Si Wadajir Ah U Daah-Furay Wajiga Labaad Ee Mashruuca Xasilinta Iyo Adeegyadda Bulshadda Oo Laga fulinayo Somaliya.

TOGDHEERNEWS : Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ku-xiggeenka Safiirka Norway ee Soomaaliya, Ergeyga gaarka ah ee Dawladda Norway u qaabilsan Geeska Afrika iyo madaxa Hey’adda NIS Foundation ayaa ka qeyb galay Kulan oo daah-furayey  wejiga labaad ee Mashruuca xasilinta iyo adeegyadda guud ee bulsahadda oo ay maalgelineyso Norway.

Mashruucaan oo socon doona muddo Seddex sano ah, ayaa waxaa ku bixi doonta lacag dhan 24 Milyan oo Doolar, iyaddoo inta uu socdana diiradda lagu saari doono arrimaha xasilinta, shaqo abuurka dhallinyarada, dib u dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadooyinka, garoomada ciyaaraha, isbitaalada, naleynta jidadka iyo taageeridda ganacsatada.

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucaan uu  xambaarsanyahay muhiimad weyn, islamarkaana ay ka faa’iideysan doonaan dhallinyaradda, Dadka Danta yar, ganacsatada yar yar iyo bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan , wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysto hadafka loogu talo galay mashruucan.

Madaxa hey’adda NIS Foundation ee Soomaaliya Qaasim Gaabow Ducaale Ayaa dhankiisa xusay in lagu guuleystay Wejigii hore ee mashruucan oo lagu dhisay wadooyin, Isbitaalo, xarumo dowladeed iyo goobo kale, isla markaana hadda ay xooga saari doonaan siddii loogu guuleysan lahaa mashruucaan labaad oo faa’iido badan u leh bulshadda Soomaaliyeed .

 

Latest News

  • Ex Wasiir Obsiiye Oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadal kasoo Yeedhay Siyaasiyii Boobe Yuusuf Ducaale Iyo Hasan Sheekh.
  • “Madaxweynuhu Sharci Ayuu U Leeyahay In Uu Furo Ururradii Siyaasada”Garyaqaanka Guud Ee Somaliland
  • Machadka Barashada luuqadaha iyo Caafimaad Ee Samo Garad Oo Ardayda Hawlo Shaqo Loo Geeyey Kaam Aw Shukjri Ee Duleedka Burco +Sawiro
  • Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Maalintii 2aad Ka Doodaya Xaaladda Amni Iyo Arimaha Bulshada
  • Film Loogu Magac Daray Shil Jaceyl Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

Latest Articles

  • Xaajada Soomaaliya & Somaliland, Xeer-beegti ayay rabtaa W/Q Abdirashiid Khaliif Xaashi
  • Hambalyo Dhamaan Umadda Reer Somaliland, Gaar Ahaan Unugyada Qarsoon Ee Heeganka Ugu Jira Ilaalinta Hamiga Umadooda.
  • MAXAA SOMALILAND FURSAD UGU JIRA SAFARKA MADAXWAYNE BIIXI KU TAGEY ADDIS-ABABA? W/Q Mohamed Abdi Jama  
  • Nidaamkeena cashuuruhu waa mid caddaalad darro ah oo danyarta culays ku ah (WQ: Guleed Axmed Jaamac “Dafac”)
  • Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Gabay Loo Tiriyey

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital