unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Cudurka Halista ah ee Corono-Virus oo Saamayn Xooggan ku Yeeshay Hab-nololeedkii Caadiga ahaa ee Bulshooyinka Caalamka

Cudurka halista ah ee sida xooggan ugu sii faafaya dalalka caalamka, ayaa sababay in la soo saaro tallooyin iyo tilmaamo la xidhiidha in wax laga beddelay qaab-nololeedkii caadiga
ah ee bulshadu u wada dhaqmi jireen, iyadoo ay dalal badan ku baaqeen in
dadweynahoodu joojiyaan salaanta gacanta ah, sanka ama in labada dhaban la iska dhunkado marka ay laba qof meel isugu yimaadaan.
Cudurkan Corono-Virus oo ilaa maanta (Arbaca, 05 March 2020) la xaqiijiyey inay
Adduunka oo dhan ugu dhinteen dad ka badan 3,200 (saddex kun iyo laba boqol), halka uu
xannuunkaasi asiibay in ka badan 94 kun oo qof, ayaa sidoo kale yeeshay saamayn kala
duwan oo ah dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha, isku-socodka adduunka iyo hab-
nololeedkii bulsho ee caadiga ahaa, iyadoo aynu halkan ku soo bandhigi doono warbixin
kooban oo ka hadlaysa sida ay dalalka badan oo Adduunka ah u beddeleen dhaqankii ay
dadkoodu ku wada macaamili jireen.
Dalka Shiinaha (China)
Magaalada Beijing (Bijiin) ee Caasimadda Waddanka Shiinaha waxa lagu sameeyey
boodhadh lagu dhejiyey meelo badan oo magaalada gudaheega ah oo dadka loogu
sheegayo inay labadooda gacmood isasaaraan oo qof walba uu labadiisa gacmood isku
qabto sidii ruux sacabka tumaya oo kale, gaar ahaan baabacooyinka marka ay doonayaan
inay qof kale salaamaan, halkii ay markii hore samayn jireen salaan gacan-qaad ah
(handshaking). Waxa kaloo la baahiyey ogaysiisyo dadka loogu sheegayo in aanay
gacmaha iska salaamin ee ay adeegsadaan habka dhaqanka u ah Shiinaha marka ay
dadka salaamayaan ee ah inay madaxa yara foorariyaan, kadibna ay qofka ku
yidhaahdaah; ‘Hello ama sideed tahay.’
Dalka Faransiiska
Wargeysyada dalka Faransiiska iyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalkaas, ayaa
baahiyey ogaysiisyo dadka lagula talinayo inay joojiyaan ama iska daayaan in dhabanka la
iska dhunkado marka ay laba qof isa salaamayaan, taasoo ah hab caado u ah dadka
Faransiiska, halka sidoo kale dadka looga digay inay gacmaha iska salaamaan xiliyada lagu
jiro goobaha shaqada. Waxa kaloo dadka Faransiiska lagula talinayaa inay salaanta kaga
filan tahay oo qudha inay si toos ah indhaha isugu eegaan oo qofba qofka kale uu indhaha
toos u siiyo.
Waddanka Brazil
Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Brazil ayaa dadweynaha kula talisay inay iska daayaan
biraha yaryar ee sida tuubooyinka u samaysan ee cabbitaanka lagu isticmaalo, si looga
digtoonaado faafista cudurka Corono-Virus, waxa kaloo dadka loo sheegay inay joojiyaan
dhunkashada badan.

Dalka Jarmalka
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Jarmalka Mr. Horst Seehofer amiably, ayaa diiday inuu
salaanta ka qaado Haweenayda dalkaas u Talisa ee Angela Merkel, kadib markii ay
gacanteeda u soo fidisay, mar ay isugu yimaadeen shir maalintii Isniinta ee toddobaadkan,
waxaanna arrintan keenay cabsida laga qabo xannuunka Corono-Virus.
Dalka Iran
Dalka Iran waxa uu ka mid yahay dalalka uu saamaynta xooggan ku yeeshay cudurka
Corono-Virus, waxaanna arrintaas u dhintay dad ka badan 92 qof, sidaa darteed, waxa
dadka lagula taliyey inay cagaha iska salaamaan, halkii ay gacmaha iska salaami
lahaayeen, si looga feejignaado in xannuunku sii faafo. Muuqaallo la faafiyey ayaa laga
duubay saddex qof oo meel ku kulmaya oo gacmuhu jeebadaha ugu jiraan, kadibna cagaha
isku salaamaya, halka sidoo kale muuqaal noocan oo kale ah oo ka soo baxay dalka
Lubnaan laga dhex arkay fannaanad iyo majaajilayste caan ah oo isku salaamaya cagaha,
halkii ay gacmaha iskaga salaami lahaayeen. Wararka kale ee ka soo baxay dowladda Iran
ayaa sheegaya in la qorsheeyey in la joojiyo salaadihii maalmaha Jimcaha lagu tukan jiran
masaajidada, waxayna dowladdu caddaysay inay bilawday olole lagu buufinayo guri kasta
oo ku yaal dhammaanba magaalooyinka dalka Iran.
Dalka New Zealand
Dowladda dalkaas, ayaa mamnuucday ama joojisay qaab dhaqan ah oo ay isku salaamaan
qoomiyadda la yidhaahdo Maori ee ku nool dalka New Zealand, taasoo ah in marka ay iska
soo hor baxaan ama ay kulmaan ay sanka isa saaraan, iskuna caddaadiyaan, waana
salaanta sanka.
Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qatar
Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qatar, ayaa iyaguna dadweynahooda kula taliyey inay
joojiyaan salaanta dhaqanka u ah ee ay labada qof sanka-sanka isku saaraan marka ay isa
salaamayaan, iyadoo sidoo kale uu Imaaraadka Carabtu u soo jeediyey dadweynaha inay
gacmaha isku haadiyaan marka ay iska soo horbaxaan ama ay meel isugu yimaadaan,
waana tallaabooyinka lagaga taxaddirayo cudurka Corono-Virus.
Waddanka Maraykanka
Xannuunka Corono-Virus, ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay dalka Maraykanka, iyadoo
ay jiraan dad badan oo xannuunkaas ugu dhintay gudaha dalkaas, waxaanna la soo saaray
tallaabooyin lagu yaraynayo qaababkii kala duwanaa ee ay bulshada Maraykanku u wada
dhaqmi jireen, waxaanna dhammaanba Ciyaaryahannada Kubbadda Kolayga ee NBA-da
lagula taliyey inay farahooda isku laabaan, sida feedhka oo kale marka ay salaamayaan
taageerayaashooda, isla markaana ay joojiyaan qaabka ay markii hore isticmaali jireen ee
gacmahooda oo furan kula xidhiidhi jireen, waxa kaloo lagula taliyey in aanay qaadan
allaabooyinka yaryar ee xasuus ahaanta looga saxeexdo dadka caanka ah, sida
qallimaanta, kubbaddaha iyo dirayska ciyaaraha ee loo saxeexo taageerayaasha.
Dhinaca kale, Dowladda Ingiriiska oo soo saartay qorshe ka kooban 27 bog (pages)
maalintii Isniinta ee toddobaadkan, ayaa sheegtay in Ciidammada Boolisku ay amar ku

haystaan inay iska indho-tiraan fal-dambiyeedyada yaryar ee ka dhaca gudaha
magaalooyinka Ingiriiska, balse ay taas beddelkeeda heegan ugu jiraan sidii loola
dagaalami lahaa cudurka Corono-Virus oo si xooggan ugu sii faafaya Boqortooyada UK.
Geesta kale dalal badan oo ay ka mid yihiin Polland, Australiya iyo Spain, ayaa joojiyey
xaflado dhaqan ama kuwo diimeed oo ay dadku isugu iman jireen, kadibna ay isku salaami
jireen qaabab fududaynaya inay xidhiidh ku yeeshaan gacmaha, sanka ama afka, waxayna
taasi tahay tallaabooyinka lagula dagaalamayo fiditaanka cudurka Corono-Virus.
Dadka islaamka ah, waxa ay diintoodu mashruuc-sharci uga dhigtay inay isku
salaamaan salaanta islaamka ee ah; “Asalaama Calaykum, Waraxmatullaahi
wabarakaatu” taasoo laga helayo ajar u dhexeeya toban darajo ilaa 30 darajo
markasta oo uu qofku salaantaas isticmaalo ama uu bixiyo salaaan jawaab-celin ah.

Latest News

  • Fannaan Cabdi Tahliil Warsame Oo Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho
  • Deg Deg:Xeer Ilaalinta Talyaaniga Oo dadka somaliya Iyo ethiopian ah lagu eedey argagixiso
  • Waa maxay sababta taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Odowaa uu u tagay Beledweyne?
  • Dal ku dhawaaqay in uu ka xoroobay feyraska Korona
  • Janaraal Xaftar oo laga qabsaday garoonka diyaaradaha Tripoli

Latest Articles

  • Hambalyo  Meher Wacan
  • Coronavirus dabadii ninkii roon baa reerka u hadhi W/Q Sharmaar Waceys
  • Burco waxay u baahan tahay xoog dhalinyaro oo Ufadii Hargeysa oo kale ah !!!!W/Q xuseen laki
  • Mufti Magacaaban iyo Marjac Culimo Oo lagu Midaysan Yahay Midna Ma Hayno W/Q Sharmaarke Aw-muuse
  • Xasuuqii Iyo Mar Kale Maya: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital