unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

FARMAAJO oo markii ugu horreysay ka qeyb galaya shirka golaha guud ee QM

TODHEERNEWS  :- Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaaciyey in sanadkan markii ugu horreysay uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ka qeyb galayo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiir Jamaal oo ka warbixinayey shir ay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wakiilada beesha caalamka ku yeesheen Baydhabo ayaa xaqiijiyey safarka Madaxweynaha magaalada New York.

Sidoo kale wasiirka qorsheynta ayaa xusay inay dowladdu u diyaar garoobeyso shirka QM iyo mid kale oo ay bilowga bisha soo socota yeelanayaan Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo shirkan oo ah kii 74-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobey, wuxuuna uga hadli doonaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, horumarada ay hiigsaneyso dowladdiisa iyo doorashada 2020/2021-ka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aanan shirkaasi ka qeyb galin, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, sababo la xariira dhalashadii Mareykanka ee uu heystay.

Shirka guud ee QM ayaa ku soo aadaya, iyadoo 1-dii August ee sanadkan 2019-ka uu Madaxweynuhu dib isaga celiyay dhalashadii uu ka heystay dalka Mareykanka.

Latest News

  • Imaaraadka Iyo Itoobiya Oo Sii Xoojinaya Iskaashiga Dhanka Militariga.
  • Jabuuti Oo Wali Dooneysa Kursiga Golaha Ammanka Ee Qaramada Midoobay
  • Siyaasi Buuni Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Shaqaaqooyinka Ka Soo Cusboonaaday Gobolka Salal.
  • Somaliland oo Canbaarayasay Weerarkii Lagu Qaaday Shirkadaha Shidaalka Sacuudiga.
  • Dowladda Soomaaliya ” Mareykanka waxaan u aragnaa Isbaheysi adag iyo saaxiib weyn oo aan leenahay

Latest Articles

  • Aniga oo ah Aqoonyahan / Abwaan Ibraahim-Rashiid Cismaan Guure waxaan kula talin lahaa ummadda reeer somaliland Qodobbadan:
  • Suurtogal ma tahay in Somaliland afti laga qaadaa?
  • Wariye Kayse Axmed Digaale oo qado sharaf loogu sameeyey galbeedka magaaladda London.Sawiro
  • Fekerka Cabdi-weli Gaas ee Somaliland, ma saxbaa?
  • Waa Maxay Sababta Ay Markale Dooroshoyinka Wakiilada Iyo Deeganku Ay Dib Ugu Dhaceen

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital