unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Xog: Fal uu sarkaal Turkish ah garoonka Muqdisho ugu gaystay wiil Soomaali ah oo sababay shaqo joojin

TOGDHEERNEWS :- Qaar kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, kadib markii mid kamid ah mas’uuliyiinta duulimaadka Muqdisho ee diyaaradaha, islamarkaana u dhashay Turkiga, uu dharbaaxay muwaadin Soomaali ah oo ka tirsan shaqaalaha garoonka.

Falka uu sarkaalka sare ee Turkish-ka kula kacay wiilka Soomaaliga oo ka tirsan qaybta taraafikada ee garoonka diyaaradaha, ayaa waxaa ka dhashay gacan ka hadal labadooda dhex maray iyo dood badan oo ilaa hadda ka taagan gudaha garoonka.

Dhamaan shaqaalaha taraafikada ee haga diyaaradaha ama diyaaradaha soo dagaya geliya baakinka ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, iyadoo ay halis gashay mid kamid ah diyaaradaha shirkadda Turkish Airline oo maanta ka soo degtay Muqdisho.

Qof ka tirsan shaqaalaha garoonka ayaa Togdheernews  u sheegay, “halis wayn ayaa maanta dhacday waxaana isku baabi’i gaaray diyaarado baakin ku jiray iyo diyaaradda Turkish Airline oo saakay soo degtay kadib markii ay shaqo joojin sameeyeen shaqaalaha baakinka diyaaradaha” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha airport-ka Muqdisho ee Aadan Cadde.

Gacan ka hadalka dhaxmaray muwaadinkaan soomaaliga ah iyo sarkaal sare oo katirsan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho una dhashay dalka Turkiga ayaa ilaa hadda la’ogeyn sababta keentay, balse waxay caasimada online ogaatay in labada qof uu dhaxmaray dagaal gacan ka hadal ah.

Xadgudubyada ka dhaca dekadda iyo airport-ka  Muqdisho oo ay geestaan masuuliyiinta Turkida ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay caadi ka ahaa Soomaaliya, waxaana Turkida rag iyo dumarba u geestaan gacan qaad waqtiyada qaar sababa dhibaatooyin maskaxeed

Latest News

  • Imaaraadka Iyo Itoobiya Oo Sii Xoojinaya Iskaashiga Dhanka Militariga.
  • Jabuuti Oo Wali Dooneysa Kursiga Golaha Ammanka Ee Qaramada Midoobay
  • Siyaasi Buuni Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Shaqaaqooyinka Ka Soo Cusboonaaday Gobolka Salal.
  • Somaliland oo Canbaarayasay Weerarkii Lagu Qaaday Shirkadaha Shidaalka Sacuudiga.
  • Dowladda Soomaaliya ” Mareykanka waxaan u aragnaa Isbaheysi adag iyo saaxiib weyn oo aan leenahay

Latest Articles

  • Aniga oo ah Aqoonyahan / Abwaan Ibraahim-Rashiid Cismaan Guure waxaan kula talin lahaa ummadda reeer somaliland Qodobbadan:
  • Suurtogal ma tahay in Somaliland afti laga qaadaa?
  • Wariye Kayse Axmed Digaale oo qado sharaf loogu sameeyey galbeedka magaaladda London.Sawiro
  • Fekerka Cabdi-weli Gaas ee Somaliland, ma saxbaa?
  • Waa Maxay Sababta Ay Markale Dooroshoyinka Wakiilada Iyo Deeganku Ay Dib Ugu Dhaceen

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital