unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Daah-furay Isku Xidhka Nidaamka Maaliyadda Ee W/ Maaliyadda Iyo Nidaamka Casriga Ah Ee Maamulka Lacagaha Bangiga Dhexe

TOGDHEERNEWS: Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay isku xirka nidaamka maaliyadda ee Wasaaradda maaliyadda (SFMIS) iyo nidaamka casriga ah ee maamulka lacagaha Bangiga dhexe ee dalka, (Core Banking system) oo ka qayb qaadanaya daah-furnaanta, la dagaallanka musuqa iyo fududeynta wada-shaqeynta bahda maaliyadda dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre oo wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ugu hambalyeeyay nimaadkaan cusub oo qayb ka ah tallaabooyinka dhiirri gelinaya dadka Soomaaliyeed oo dhan ee qaybta ka qaadanaya horumarka, ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in la soo dhaweeyo wax walba oo xoojinaya ammaanda iyo qaranimada

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka maaliyadda iyo guddoomiyaha bangiga dhexe in laga sii shaqeeyo sidii nidaamka loogu faafin lahaa dhammaan hey’adaha dowladeed ee dalka, maadaama horumarku uu ku xiranyahay sida loo wada shaqeeyo.

Horumarinta hanananka maaliyadeed ee dalka ayaa qayb ka ah himilooyinka tubta horumarinta dhaqaalaha dalka oo kamid ah afarta tub qaran ee lagu saleeyay shaqooyinka dowladda.

Latest News

  • Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Sweden iyo Talyaaniga
  • Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya
  • Haay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa bilawday Diwaan-galinta Shaqaalaha aan diiwan-gashanyn
  • Wariyeyaasha telefishanada madaxa banaan oo kalsoonidii kala noqdey Guddoomiyaha Ururka Solja
  • Guddoomiyaha Maxkamadda Somaliland oo isku shaandheyn ku sameeyay waaxaha kala duwan ee Garsoorka

Latest Articles

  • Wariye Kayse Axmed Digaale Oo Bariga London Loogu Sameeyay Casho-Sharaf
  • Wada-shaqaynta qarsoon ee Hargeysa iyo Xamar
  • Aniga oo ah Aqoonyahan / Abwaan Ibraahim-Rashiid Cismaan Guure waxaan kula talin lahaa ummadda reeer somaliland Qodobbadan:
  • Suurtogal ma tahay in Somaliland afti laga qaadaa?
  • Wariye Kayse Axmed Digaale oo qado sharaf loogu sameeyey galbeedka magaaladda London.Sawiro

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital