unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Soomaaliya Iyo Talyaaniga Oo Kala Saxiixday Heshiis Ku Kacaya 3 Mliyan Oo Euro.

 

TOGDHEERNEWS : Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Saacadihii lasoo dhaafay ku kala saxeexday Magaalada Muqdisho heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan oo uu ku baxayo dhaqaale gaaraya 3 Milyan oo Euro.

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya Drs; Fowsiiya Abiikar Nuur oo heshiiskani u matalaysay Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqaalahan iyo mashaariicda kaleba ay Dowladda Talyaanigu ugu tala gashay in wax loogu qabto Caafimaadka Dadka Soomaaliyeed.

Amb. Alberto Vecchi Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada Caafimaadka oo ka koobnaan doonta kuwa Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

“Waan sii wadi doonaa taageerada dhinaca Caafimaadka ee Dadka Soomaaliyeed waxaana uga mahad celinayaa Wasaaradda sida ay noola shaqeyneyso” ayuu yiri; Amb. Alberto Vecchi.

Dowladda Talyaaniga ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay qalab loogu talagalay Hooyada iyo Dhallaanka oo ka mid ah adeegyada uu Isbitaalka Martiini bixiyo.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in qalabkan uu wax badan kusoo kordhin doono Isbitaalka, iyadoo uga mahad celisay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiyaan

Bulshada Soomaaliyeed.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga xiriir qoto dheer ayaa ka dhaxeeya waana ku mahadsan yihiin taageerada dhinac walba ah, qalabkan wax badan ayuu ku kor dhin doonaa shaqada Isbitaalka iyo Dadka adeegga u baahan”ayay tiri Wariir; Fowziya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay mamulka iyo Gacan ku haynta Ibitaalka MartiinI billoowgii Febraayo ee Sanadkaan, waxaana haatan adeegyo Caafimaad oo bilaasha ah uu u qabtaa Dad ka badan 40,000.

Latest News

  • Magaalada Hargeysa Oo Markii Ugu Horeysay Lagu Qabanayo Tartanka Dhinaca Fardaha Ah
  • “Xukuumaddu Waxay Ilaaladii Ka Qaaday Guddoomiyaha Waddani, Qaarna Way Xidhay” Cabdilaahi Geel Jire
  • Hayada Xuququl Iinsanka Madax Banaan somaliland oo cambaareyay xadhiga masuuliyin ka tirsan waddani
  • Siyaasiyiinta Madasha Ayaa Ka Hadlay Xaalada Dalka Waxayna Farin U Direen Madaxwayne Muuse Biixi
  • “Taladdii u danbaysay ee aan madaxweynaha siiyaa waxay ahayd….” Jiif caaqil askar’’

Latest Articles

  • Somaliland: Sharciga ayaa Qeexay Qaabka loo Xulayo Xubnaha Komishanka ee ha la Joojiyo Qardo-jeexa iyo Qaylada Badan
  • Xigmadihii Dhaxalka Qaran Noqday ee M/weynihii Hore Somaliland Mudane Rayaale
  • Wariye Kayse Axmed Digaale Oo Bariga London Loogu Sameeyay Casho-Sharaf
  • Wada-shaqaynta qarsoon ee Hargeysa iyo Xamar
  • Aniga oo ah Aqoonyahan / Abwaan Ibraahim-Rashiid Cismaan Guure waxaan kula talin lahaa ummadda reeer somaliland Qodobbadan:

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital