unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Somaliland“Imaraatka Lagama Kiraynin Saldhiga uu ku yeelanayo Berbera,”

Xukuumadda Somaliland ayaa Markii ugu Horaysay Cadaysay in aanay Wax Kiro ah ka Qaadin Saldhiga Mllateri ee ay Dawladda imaraartka Carabtu ka Samaysanayso Magaaladda Berbera ee Somaliland.

Wasiirkii Hore Arimaha Dibadda Somaliland Imikana ah Wasiirka Maliyadda ayaa Mar Su’aal Laga Waydiiyey in Miisaaniyadda Somaliland ay ku Jirto Dhaqaalaha Somaliland Kasoo Gala Shirkadda Dpworld ee Gacanta Ku Haysa Dekadda Berbera iyo Kiradda Saldhiga Imaaraatka ee Berbera Waxaa uu Sheegay in Saldhigaasi aanay Somaliland wax Kiro ah ka Qaadin Dawladda Imaaraatka Taa Badalkeeda ay siisteen sida uu Sheegay Dhismaha Airport Cusub iyo Waddo isku Xidhi Doonta Magaalooyinka Berbera iyo Wajaale.

“Saldhiguna kiro ma’aha ee waxaynu dhaafsanay in laynoo dhiso Airport iyo wadada Berbera ilaa Wajaale”

Jawaabtan Cusub ee ay Somaliland ka Bixisay Saldhiga Imaaraatka ee Magaaladda Berbera ayaa Kusoo Beegmaysa Xili Dawladda Somaliland Lagu Dhaliilayey in aanay soo Bandhigin Waxa ay Ku Badasheen Saldhiga Dawladda imaaratka Ku yeelanayso Magaalo Xebeedda Berbera.

Saldhiga Dawladda Imaaraatka Carabtu ku yeelanayo Magaalada Berbera ee Somaliland ayaa Dhismihiisu Socdaa iyadoo la Filayo in Ciidamadda imaaraatku soo Dagaan Saldhogaasi Sannadka 2020-ka.

 

Xigasho: SAABTV.COM

Latest News

  • Booliska Somaliland oo Ka Hadlay Dad Maandooriyaal Lagusoo Qabtay.
  • Wasiir Ducaale oo shaqada ka joojiyey agaasimihii wasaaradda amniga DF
  • Shir Ku Saabsan Ticknoolajiyadda oo Markii ugu Horaysay Somaliland Lagu Qabanayo
  • Warbixin: Afduubkii ugu horreeyay uguna dambeeyay ee diyaaraddii Somali Airlines
  • Xisbiga Waddani Oo Ka Baxay Heshiiskii Ay Hore Ula Galeen Xisbiyadda

Latest Articles

  • Waa Maxay Sababta Ay Markale Dooroshoyinka Wakiilada Iyo Deeganku Ay Dib Ugu Dhaceen
  • Somaliland: Qaran Ku Dhex Lumay Talaxumada Biixi Iyo Cadaawadda Farmaajo
  • Agaasimaha macadanta iyo tamarta s/land ayaa gaadhi ku wareejiyey maamulka degmada faqayuub
  • Ayaa Hortaagan In AY Dalka Ka Qabsoonto Doorasho Loo Dhan Yahay?
  • Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital