unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya oo ka hadashay hannaanka mushahar bixinta

 Wasiirka Wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay wax-yaabihii u qabsoomay wasaarada maaliyada bishii la soo dhaafay ee May.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay kulamo uu magaalada Nairobi kula yeeshay hay’addo caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha maaliyada iyo dowladdaha qaar ee dhanka dhaqaalaha ka taageero dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in maanta ay mushaar siinaya 5,000 oo askari oo ka mid ah ciidanka dowladda kuwaasi oo uu sheegay wasiirka in la marsiiyay hanaanka ay dowladda mushaaraadka ku bixiso.

Waxa uu tilmaamay in askartaasi dhamaantood loo sameeyo Akoono bil walbo lacagta loogu shubayo oo aysan dhici doonin in taliyaashooda loo soo marsiiyo.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Safaaradaha dibada ay u dirayaan dhaqaalaha ay ku shaqeynayaan.

Waxaa uu xusay Wasiirka in Safiirada ay kula xisaabtamayaan dhaqaalaha dhankooda ka soo gala dalalka ay joogaan, lagana doonayo in ay dowladda la wadaagaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso soo saarista lacagaha Shilling Soomaaliga, wasaaraduna ay wado dadaaladii ugu dambeeyay.

Latest News

  • Dhaawacyo Soo Gaadhay Qaar Kamida Ciidamadda Booliska Berbera
  • Waari Mayside War Hakaa Hadho”Akhriso Taariikhda Nololeedka, Waxbarasho, Waaya Aragnimo,iyo Shaqo Ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen”W/Q Muhamed Dhimbiil
  • Warbixin: Xarun Casriya oo lagu Dayactiro Gaadiidka ayaa Laga Hirgaliyey Burco
  • WARBIXIN: DADKA DHIMIRKA WAX KA QABA | SAAB TV |
  • Xuska Maalinta Cuntadda Aduunka Oo Hargaysa Lagu Qabtay

Latest Articles

  • WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO (WQL) Muhamed Dhimbiil
  • SU’AAL DADWEYNOOW?
  • WARQAD FURAN !
  • Fadeexada Ka Dhalatay, Kala Eexaysiga Madaxweyne Muuse Ee Jaamacada Inaadeerkii Iyo Jaamacada Burco. W/Q: Ibraahin Aadan Aw Qoobey
  • Af duubkii Dimoquraadiyadda Somaliland, Qore: Casha Miigane

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital