unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

DF oo si rasmi u shaacisay natiijada baadhitaanka qaraxii xarunta gobolka

Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada baadhitaan horudhac ah oo lagu sameeyey qaraxii 24-kii July 2019 ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeed ay wasaaradda soo saartay ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah oo ay fulisay gabadh ka shaqeyneysa xarunta islamarkaana aragga la’eed.

Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu ogaaday in gabadhaas aragga la’eed, ay caawisay gabadh kale, oo baxsatay, taasi oo Iyana ahayd kaaliyaha gabadha aragga la’, sidoo kale shaqaale ka ahayd xarunta.

Wasaaradda ma shaacin magaca gabadha aragga la’ ee is-qarxisay, hase yeeshee waxa la rumeysan in lagu magacaabo oo ay xarunta uga shaqeeneysay Basiira Cabdi Maxamed, hase yeeshee waalidkeed u yaqaanaan Maryama Cabdi Maxamed.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in labada gabdhood ee qaraxa fuliyey ay waqti isku dhow oo bil gudaheed ah shaqada ka qaateen fasax, islamarkaana tageen xarumaha kooxaha argagixisada.

Baadhitaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada gabdhood aan loo baarin sidii uu ahaa nidaamka baadhista xarunta gobolka.

Wasaaradda amniga ayaa shaacisay in dhowr qof loo xidhay qaraxan

Latest News

  • Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Faransiiska oo Kulan yeeshay.
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ergeyga QM Kala Hadlay Geeddi Socodka Siyaasadda Soomaaliya
  • Waa Maxay Sababta Xisbiyadda Mucaaridku Ku Diideen Gudida Cusub Ee Doorashooyinka.
  • “Sharci Noqon Maysaan Hadaad Hay’adaha Sharciga Ku Tilmaamtan Sharci Daro”Xisbiga Kulmiye
  • Dareenka Lixdii Xubnood Ee Loo Ansixiyey Komishanka Cusub.

Latest Articles

  • Somaliland: Sharciga ayaa Qeexay Qaabka loo Xulayo Xubnaha Komishanka ee ha la Joojiyo Qardo-jeexa iyo Qaylada Badan
  • Xigmadihii Dhaxalka Qaran Noqday ee M/weynihii Hore Somaliland Mudane Rayaale
  • Wariye Kayse Axmed Digaale Oo Bariga London Loogu Sameeyay Casho-Sharaf
  • Wada-shaqaynta qarsoon ee Hargeysa iyo Xamar
  • Aniga oo ah Aqoonyahan / Abwaan Ibraahim-Rashiid Cismaan Guure waxaan kula talin lahaa ummadda reeer somaliland Qodobbadan:

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital