unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Nuxurka Qudbadda Madaxweyne Farmaajo ee furitaan Baarlamaanka

TOGDHEERNEWS : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhigan ayaa dul-istaagay muhiimadda sharciyada uu meel mariyey muddadii la soo dhaafay, kuwaas oo gundhig u ah aas-aasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taabba-gal ah, sharciyadaas waxaa ka mid ah, Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa, Sharciga Isgaarsiinta Dalka iyo Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Golaha Shacabka looga baahan yahay in ay dardar geliyaan ansixinta hindise-sharciyeedyada kale ee wali horyaalla Labada Aqal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u- eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadeynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, Dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay,isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay in dib loo soo celiyo sharaftii iyo haybaddii Ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd Adduunka.

“Waxaa naga go’an, in aan ku soconno waddadaas la mahdiyey, si aan u dhammaystirno yagleelidda Dowlad Goboleedyo u adeega ummadda deegannadooda, isla markaasna ka qayb qaata dib-u-dhiska Qaran Soomaaliyeed oo waara.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay dadaal badan gelisay Dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna sheegay in dowladdu ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta ee beesha caalamka.

“Alle mahaddiis dhawaan waxaa noo soo gaba-gaboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib-u- heshiisiintana waxa ay noo fududaysay inaan u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul loo dhan yahay.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa adkeeyay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay waddamada darisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

DHAMMAAD

                     

Latest News

  • Ex Wasiir Obsiiye Oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadal kasoo Yeedhay Siyaasiyii Boobe Yuusuf Ducaale Iyo Hasan Sheekh.
  • “Madaxweynuhu Sharci Ayuu U Leeyahay In Uu Furo Ururradii Siyaasada”Garyaqaanka Guud Ee Somaliland
  • Machadka Barashada luuqadaha iyo Caafimaad Ee Samo Garad Oo Ardayda Hawlo Shaqo Loo Geeyey Kaam Aw Shukjri Ee Duleedka Burco +Sawiro
  • Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Maalintii 2aad Ka Doodaya Xaaladda Amni Iyo Arimaha Bulshada
  • Film Loogu Magac Daray Shil Jaceyl Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

Latest Articles

  • Xaajada Soomaaliya & Somaliland, Xeer-beegti ayay rabtaa W/Q Abdirashiid Khaliif Xaashi
  • Hambalyo Dhamaan Umadda Reer Somaliland, Gaar Ahaan Unugyada Qarsoon Ee Heeganka Ugu Jira Ilaalinta Hamiga Umadooda.
  • MAXAA SOMALILAND FURSAD UGU JIRA SAFARKA MADAXWAYNE BIIXI KU TAGEY ADDIS-ABABA? W/Q Mohamed Abdi Jama  
  • Nidaamkeena cashuuruhu waa mid caddaalad darro ah oo danyarta culays ku ah (WQ: Guleed Axmed Jaamac “Dafac”)
  • Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Gabay Loo Tiriyey

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital