unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Xabaalo wadareed laga helay xadka Soomaalida iyo Oromadda

Booliska itoobiya ayaa la sheegay in uu helay xabaal wadareed ay ku aasan yihiin maydad gaadhaya 200 oo ruux, helitaanka xaabal wadareedkan ayaa daba socoto baadhitaan lagu wado dambiyadii ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha ee lagu edeeyay madaxweynihii hore ee ismaamulka soomaalida, cabdi maxamuud cumar.

Cabdi maxamuud cumar oo ku xidhan adis ababa ayaa waxaa ku socota dacwado dhawr ah, oo ay ka mid yihiin dilka dad shacab ah iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha iyo waliba dacwado la xidhidha dagaaladii dhex maray qowmiyadaha oromada iyo soomaalida.

Booliska itoobiya ayaa rumaysan in xabaal wadareedkan, ay ka dambeeyeen ciidmada ismaamulka soomaalida, ee liyuu booliska.

Colaadda soomaalida iyo oromada, ayaa xoogaysatay dhammaadka sannadkii 2016-kii waxaana colaaddaas oo illaa haatan meelaha qaar ka taagan ku dhintay dad badan, iyada oo dad ku dhaw milyan ay ku barakaceen colaadaasi.

Raysal wasaaraha itoobiya oo ka soo jeeda qowmiyadda oromada wali xal waara kama uu gaadhin colaaddan, waxaana laga cabsi qabaa in xilli kasta ay soo laba kaclayso.

Latest News

  • Abwaan Celi Seenyo oo Laga Horjoogsaday in uu Somaliland soo Galo.
  • Maxaa Hortaagan Dhigista Roogga Cagaaran Ee Garoonka Kubadda Ee Burco
  • Maxaa Ku Cusub Gudida Qandaraasyadda Somaliland?
  • Abwaan Siciid Maxamed Gahayr Oo Ka Hadlay Xadhigiisi
  • Suldaa Axmed Maxamed Colhaye Oo Lagu Caleema Saaray Degmada Arabsiyo

Latest Articles

  • Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.
  • XAQ DARO XALKEEDU ADKAAN DOONO (XADHIGA AXMED CADIB)
  • WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO (WQL) Muhamed Dhimbiil
  • SU’AAL DADWEYNOOW?
  • WARQAD FURAN !

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital