unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Golaha Sare Ee Agaasinka Baanka Dalka

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan magacaabay golaha sare ee Baanka JSL.

Ma jiro war rasmi ah oo lagu baahiyay wareegtada Madaxweyne Biixi, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi oo tixraacaya xeerka Baanka uu magacaabay 8 xubnood oo ka mid noqon doona golaha sare ee Baanka, waxaana xubnahan si toos ah uga mid noqon doona saddexda xubnood ee fulinta Baanka oo kala ah guddoomiyaha, guddoomiye-xigeenka iyo agaasimaha guud ee Baanka.

Sida ay wararkan xogogaalka ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika, 8-da xubnood ee uu Madaxweyne Biixi u magacaabay golaha sare ee Baanka JSL, oo badankoodu dalka dibadiisa kala jooga ayaa kala ah

  1. Axmd Cali Qaasaali
  2. Maxamed Sheekh Xasan Taani
  3. Maxamed Cabdi Ibraahim
  4. Cismaan Sheekh Axmed
  5. Cali Axmed Cismaan
  6. Maxamuud Cawil Ibrahaim
  7. Xuseen Cabdillahi Jaamac
  8. Mustafe Cali Jaamac

Xeerka  Baanka ayaa qoraya in xubnaha golaha sare ee Baanka JSL ay tiradoodu noqon doonto ugu badnan 8 xubnood. Xubnahan uu magacaabay waxa ku jira guddoomiyihii hore ee Baanka JSL Maxamed Cabdi Ibraahim iyo la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.

Latest News

  • Cabdilaahi Darawal Oo Muddo Dheer Ka Bacdi Ka Hadlay Arrimo Xasaasi ah
  • Wefti Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Si Kedis Ah Ku Yimid Somaliland Maxayse Ka Wada Hadleen Madaxweyne Muuse Biixi
  • Madaxweynaha Jabuuti Oo Qaabilay Madaxweynaha Maamulka Puntland
  • Xiisad ka dhex oogan Turkey iyo Russia
  • Ururka Nooleye Oo Hooyo laba Caruura Oo mataana dhashay Oo Danyar Ah Oo Gaadhsiiyay Deeq Raashina

Latest Articles

  • MAXAA SOMALILAND FURSAD UGU JIRA SAFARKA MADAXWAYNE BIIXI KU TAGEY ADDIS-ABABA? W/Q Mohamed Abdi Jama  
  • Nidaamkeena cashuuruhu waa mid caddaalad darro ah oo danyarta culays ku ah (WQ: Guleed Axmed Jaamac “Dafac”)
  • Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Gabay Loo Tiriyey
  • XISBIYO/URURO SIYAASADEED QARAN OO DHISAN AYAA XUKUUMAD WANAAGSAN SOO SAARI KARA !!! W/Q Mohamed Dhimbiil
  • Xoog iyo Caadifad Shaqayn Mayso ee waa in la Helo Sharci Lagu Ciqaabo Dadka Somaliland ee u Goosta Soomaaliya Faalo

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital