unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Mareykanka oo bogaadiyay Itoobiya iyo Eritrea

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay in la dhammeeyo xiisaddii dagaal ee ka dhaxeysay dalalka Eritrea iyo Itoobiya, kadib markii dhawaan uu dalka Eritrea booqdey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

War ka soo baxay xafiiska xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa lagu sheegey in Mareykanku uu soo dhaweynayo dadaallada ay wadaan ra’iisul wasaare Abiy iyo madaxweyne Afawarke, taas oo lagu soo afjarayo colaadda 20 jirsatay ee labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea.

Warka ayaa lagu yiri “Xaaladda caadi ka dhigista xidhiidhka laba dal iyo dhaqan gelinta xidhiidhka saaxiibtinnimo iyo nabad galyo ee u dhaxeeya Eritrea iyo Itoobiya waxa uu dadka labada dal u saamixi doonaa fursado ay diiradda ku saarayaan xidhiidhka siyaasadeed iyo midka bulsheed.”

Ugu dambeyn, xoghaye Pompeo ayaa sheegey in Mareykanka uu diyaar u yahay in uu caawiyo hannaankan islamarkaasina uu dhinacyada kala shaqeeyo sidii loo heli lahaa kalsooni cad oo labada dhinac ah.

Latest News

  • Xukuumadda Somaliland Ayaa Sheegtay In Gollayaasha Sharci Dajinta Ee Muddo Dhaafka
  • Maayirka Ceerigaabo oo digniin u diray Haay’addo warar beena ka faafiyay gobolkaasi
  • Shirwaynaha qaran ee hanaanka dhab u heshisiinta qaranka oo muqdisho lagu soo xidhay.
  • Siyaasi Cabdilaahi jawaan Muxu ka yidhi in Ethopia dhex dhaxaadineyso Somaliland iyo Soomaaliya
  • Deg Deg Dawladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Safarkii Madaxwaynaha Somaliland ee Itoobiya.

Latest Articles

  • Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo
  • Ogaysiis: UN HABITAT
  • Miyyi Ilaa Madaxtooyo: Sheeko Dhex Martay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif
  • SHEEKH SHARIIF Xujada cusub ee Nabad iyo Nolol W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
  • Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital