unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

IGAD iyo UNSOM oo natiijo aan ka gaarin wada-hadallada Puntland iyo Somaliland

Wada-hadallo lugu raadinnayay in lugu xalliyo xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ayaan illaa hadda wax natiijo ah laga gaadhin, sida u xaqiijiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay).

Xafiiska urur-gobolleedka IGAD ee Soomaaliya iyo midka Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa isku-dayay in wada-hadal xiisada lugu xalliyo, balse wareysi uu bixiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu sheegay inaysan jirin xal wada-hadal oo arrintan laga gaadhay.

” Dabeecadayada Puntland ma aha marnaba inan nabad diidno.. laakin nabadgalyo qoor-qabasho ah dadkan asal uma laha dhaqana uma laha wax horey u dhaceyna ma aha, nabad dhaba oo qof waliba dalkiisa iyo dadkiisa uu leeyahay ayaan annagu u qaadan karnaa.” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo intaa ku daray ” IGAD iyo UNSOM waa shaqadooda inay yimaadan hadlan baxaan diyaarad qaatan soo noqdaan, waa shirkii labaad .. idin ma odhanayno waa fashil, laakin waxaan ku hubaa waxbadan oo la soo kordhiyay inaysan jirin.”

hadalka madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ayaa kusoo aadaya  xilli muddo ay isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq ciidamo ka tirsan Soomaaliland iyo Puntland, waxaana saacad walba taagan wal wal laga qabo inuu halkaas dagaal ka dhaco.

Latest News

  • Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe
  • Hay’adda ARC Kuwayd Ayaa Dharkii Ciida Gudoonsiisay Carruur Danyar Ah
  • Golaha Wakiilada Oo Raali Galin Siiyey Shirkadda Dahabshiil
  • Magaalada Muqdisho oo sanadkii Afaraad laga daah furay Bandhigga Buugaagta
  • Golaha Guurtidda Somaliland oo ka hor timid xeer golaha Wakiiladdu ansixiyeen

Latest Articles

  • DUGSIYADA GAARKA LOO LEEYAHAY IYO GANACSIGA WAXBARASHADA W/Q: Cabdifataax Rashiid Maxamed (Arsenal).
  • Wasiir Khaliil iyo Wasiir Sacad oo ku fashilmay
  • Hambalyo Ku Socota Arooska Guuled Yusuf X. Aadan iyo Fadumo Ibrahim Xuseen
  • Sanadkan dad nooceeya ayaynu dooranaa golaha deegaanka iyo Baarlamaankaba?W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
  • Maxey ka Bilaabantey Colaadda Foosha xun ee u Dhexeysa Beelaha Walaalaha ah Deegaanka Ceel-Afweyn Maxaase Udaawo

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital